Sign in to follow this  
Saalax

Maamulka Galmudug oo soo dhaweynaya dadka laga masaafurinayo Puntland

Recommended Posts

Saalax   

Maamulka

Galmudug ayaa sheegay inay siwanaagsan ula dhaqmayaan dadka Maamulka

Puntland uu ka soo masaafurinayo Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso

isagoo sheegay in ay u fasaxanyihiin dadkaasi inay ka shaqeystaan

deeganada Galmudug.

 

Wasiir

ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed

Max’uud Xasan Axmed Baasto oo maanta wareysi siinayay Idaacada Shabelle

ayaa waxaa uu ka hadlay dadka ka soo jeeda koofurta dalka Soomaaliya ee

ay Magaalada Gaalkacyo ku soo daabulayaan ciidamada amniga ee Puntland

oo intooda badan ku xaniban taliska qeybta booliska ee Gobolka Mudug

kuwaasi oo la doonayo in dib loogu celiyo gobolada koofureed ee dalka

Soomaaliya oo markoodii hore ay ka soo carareen.

 

 

Wasiirka

ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’antahay in gacmo furan ay ku

soo dhaweeyaan dadka Soomaalida ee laga soo masaafurinayo Magaalooyinka

Maamulka Puntland isagoo sheegay inay u ogolaanayaan inay ka

shaqeystaan deegaanada Galmudug.

 

 

Waxaana

uu tilmaamay in hadii ay go’aansadaan dadkaasi inay dib uga laabtaan

deegaanadii markii hore ay ka yimaadeen inay siinayaan sahay ay ku sii

maraan wadada halka kuwa kale ee doonaya inay koofurta Gaalkacyo ku

ganacsatadaani ay soo dhaweynayaan.

 

 

“Dowlad

goboleedka Galmudug waxaa ay u istaagayaan dadkaasi Soomaaliyeed ee

laga keenay gobolada Puntland inay si Soomaalinimo ah ugu noolaadaan

deegaanada Galmudug hadii ay aadayaana deegaanadooda aan u fidin doono

kaalmo iyo sakootin” ayuu yiri Wasiirka ku xigeenka Wasaarada

Warfaafinta galmudug.

 

 

Dhinaca

kale warar laga helayo saraakiisha sar sare ee Maamulka Galmudug ayaa

sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Korneel max’ed Axmed Caalin

uu ku dhawaaqay in dadka reer koofureed ee laga soo daabulayo

Magaalooyinka Puntland lagu soo dhaweeyo deegaanada uu ka arimiyo

Maamu;lka galmudug si ay uga shaqeystaan.

 

 

Hadalka

ka soo yeeray masuuliyiintaani ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku soo

beegmaya iyadoo magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay ku

xanibanyihiin inkabadan 800 ruux oo laga soo masaafuriyay Magaalooyinka

Boosaaso iyo Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this