Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu peace group support internal reconciliation conference..

Recommended Posts

Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed oo taageeray dib u heshiisiinta uu ku baaqay Madaxweynaha iyo maamulka cusub ee Degmada Balcad

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 02/02/07

 

Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee uu manta dalku marayo, gaar ahaan Dowladda Federaalka iyo howlgalada ay ka bilowday magaalada Muqdisho.

 

Shirka ay yeesheen xubnaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed ayay ka soo saareen warsaxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob mowqifkooda ku wajahan arrimaha siyaasadda, iyagoo taageeray dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee Xisbiga dhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed ayaa cambaareyn u jeediyay kooxaha magaalada Muqdisho ka wada falalka wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida, waana kan qodobada Warsaxaafadeedka Xisbiga oo aan sidiisa idinkugu soo gudbinay:

 

1. Waxaanu taageersanahay baaqii nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kaasoo ku saabsan sidii dib u heshiisiin looga dhex dhalin lahaa shacabka Soomaaliyeed qeybaha uu ka kooban oo ay ku jirto dhinacyada siyaasadda, taasoo fursad ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira si ay kaalin muuqata uga qaataan dib u heshiisiinta Qaran.

 

2. Xisbiga dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed wuxuu taageersan yahay isla markaana soo dhoweynayaa baaqii Midowga Afrika eek u wajahnaa arrimaha Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ah inay tagaan Soomaaliya.

 

3. Xisbigu wuxuu sidoo kale taageerayaa maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Sh/dhexe Degmada Jowhar iyo Degmada Balcad, waxaana ku boorineynaa maamulka cusub inay howshooda si daacadnimo ku jirto u gutaan.

 

4. Xisbigu wuxuu cambaareynayaa kooxaha maalmahan dambe magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka wada weerarada fulaynimada ah, kuwaasoo sida la ogyahay weeraro dhowr ah oo ay qaadeen ku guul darreystay, waxaana tacsi u direynaa ehelada dadkii ku geeriyooday falalkaasi guracan.

 

5. Maadaama taageerayaasha Xisbiga ay ku badan yihiin degaanada uu ka mid yahay Ceel Cirfiid, wuxuu Xisbigu ka digayaa in kooxaha falalka ka geysanaya halkaasi haddii aanay joojin taageerayaasha Xisbiga jawaab ayay ka bixin doonaa.

 

Kulanka ay yeesheen Xisbiga Dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed waxaa ka soo qeyb galay dhammaan xubnaha uu ka kooban yahay oo ay ka mid yihiin: Maxaadey Xasan Hadaafow, Xasan Xuseen Jilibey, Shire Gaab Xuseen, Shariif Sh.Farey, Axmed Xasan Beerey iyo xubno kale oo fara badan, iyadoo warsaxaafadeedka uu soo saaray Xisbigana uu ku saxiixnaa Ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Md. C/raxmaan Xuseen Cabdi Kolli.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this