Sign in to follow this  
Fiqikhayre

International Organisation for Migration IOM open important office in Bosaso Puntland

Recommended Posts

Bosaso oo laga furay Xarun Tirakoobta Tahriibta ama Dadka Socotada ah (Dhageyso)

Sunday, April 5th, 2009 at 9:23 pm

 

Horseed Media

Bosaso, Puntland

 

tahriibe01-290x256.jpg

Magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maanta xariga laga jaray xarun cusub oo magaaladaasi laga hirgaliyey oo loogu talo galay la socodka dadka socotada ah ee gobalada Puntland u yimaada safarka iyo Tahriibta.

 

Xaruntan cusub ayaa noqon doonta mid tirakoobka dadka socotada ah iyo waliba la socodka baahidooda inta ay ku sugan yihiin magaalada Bosaaso, oo kamid ah magaalooyinka Soomaaliya oo ay degen yihiin Qaxootiga ugu badan.

 

Xaflada Xarunta lagu furayey ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka socota Xukuumada Puntland, Maamulka Gobalka, degmada iyo Hay’ada IOM oo ah mida hirgelisay qalabeynta Xafiiskan cusub.

 

 

Ahmed Shiranof oo ah mas’uul u hadlay hay’ada IOM ayaa sheegay in xafiiskan loo furay maadaama magaalada Boosaaso ay tahay meesha ay dadka socotada ah iyo Tahriibta ay si aad u yimaadaan isla markaana ka dhoofaan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in xog badan laga ogaado dadkan safraya.

 

Mr.Shiranof ayaa sheegay in loo baahan yahay xogta dhabta ah ee dadka soconaya isla markaana loo baahan yahay in xog rasmi ah la helo oo la ogaado baahida dadkaasi. Si loo helo sawirka dhabta ah ee ka jira dadka tahriibta ah ee Bosaso ka dhoofa.

 

Gen.Yusuf Axmed Khayr, Wasiir kuxigeenka Gudaha ee Puntland ayaa ka hadlay furitaanka xafiiskan asagoo sheegay inay muhiim u tahay Puntland la socoda dadka socotada ah oo ay iska xaadariyaan isla markaana baahidooda la socoto.

 

 

Gen.Yusuf ayaa sheegay inuu u riyaaqayo is afgaradka Hay’ada IOM iyo maamulka degmada Bosaaso sidii loo hirgelin lahaa xafiiskan. Wuxuuna ugu mahadnaqay hay’ada IOM sida ay u qalabayeen xafiiska.

 

Wasiir kuxigeenka ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in Xafiiskan muhiimka ah uu noqdo mid sii jira oo aan la dayicin, asagoo sheegay in Mandaqadan si weyn ugu baahneyd xafiiskaasi.

 

Guddoomiyaha Gobalka Bari Muuse Geele oo ka hadlay furitaanka Xafiiska ayaa sheegay inay xafiiskan kala kaashadeen hay’ada IOM oo bixisay kharashaadka qalabeynta, tababarka, iyo labo bilood oo ah oo ay shaqaalaha ka bixiso kharashaadka.

 

 

Wuxuuna sheegay Guddoomiyaha Bari in wixii ka danbeeya labadaasi bilood in Xafiiska ay gacanta ku heyn doonaan oo ay maamuli doonaan Dowlada.

 

Wuxuu Guddoomiyaha gobalka Bari Muuse Geele ayaa usoo jeediyey hay’adaha Caalamiga ah inay kala shaqeeyaan maamulka sidii wax loogu qaban lahaa dadka tahriibta iyo kuwa kale ee baahan. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Mashruucan uu noqdo mid socda.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this