Sign in to follow this  
Cowke

Kismayo: Shabab Strikes Down Plane. Black Hawk Down All Over Again

Recommended Posts

Cowke   

Diyaarad ku soo dhacday Magaalada Kismaayo.

 

October 19, 2009 filed under NEWS IN SOMALI

 

Horseed Media

 

Breaking News

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaaya in maanta halkaas ay ku soo dhacday diyaarad nooca wax basaasta oo aan la aqoon Wadanka laga leeyahay.

 

Dad Xog Ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in diyaaradaas loo badinaayo in ay soo rideen Xoogaga Al-Shabaab ee ka arimiya Magaaladaas isla markaana aan la aqoon goobta ay ku dhacday oo weli la baadi goobaayo.

 

 

Waxaana ay dadkaas sheegeen in saaka oo dhan ay rasaas xoogan laga maqlaayay Magaalada Kismaayo oo ay ridaayeen dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab ee Magaalada Kismaayo kuwaas oo arkay diyaaradaas xilli ay joog hoose ku dhul hee haabaysay hawada Magaalada Kismaayo.

 

Dadkaas ayaa sidoo kale sheegay in Xaalada Magaalada Kismaayo ay saakay ahayd mid aad u kacsan oo loo malaynaayay in ay dagaal ka bilaabman rabto,waxaana dadka reer miyiga ay sheegaayan in diyaaradaas ay ku soo dhacday Waqooyiga Xeebta Magaalada Kismaayo.

 

Dadka Magaalada ayaa iminka isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada ayna baadigoob ugu jiraan halki ay ku dhacday diyaarada.

 

Waa marki ugu horeysay ay Kooxda Al-Shabaab ay soo rido diyaarad,waxaana dhowaanahan Maamulka Kismaayo ay ku hanjabaayeen in ay soo ridi doonaan diyaaradaha ku dhul heehaabeeya hawada Magaalada Kismaayo.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this