Sign in to follow this  
Jacaylbaro

And Even Alshabaab Are Hunted

Recommended Posts

Sarkaal ka tirsan Xoogaga Al shabaab ayaa ka badbaaday isku day dil waxaana Israsaaseyn xoogan oo u dhexeeysa xoogaga islaamiga ay ka socota Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalani oo magaciisa lagu soo koobay Qoslaaye ayaa saakay Barqadii lagu weeraray isagoo marayay Nawaaxiga Isgooyska Black Sea ee magaalada Muqdisho sida idaacada shabelle looga xaqiijiyay Xafiiska Warfaafinta Al shabaab.

 

Weerarkaasi waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah xoogaga Al shabaab halka mid kale uu ku dhaawacmay,sarkaalka asi ayaa ka badbaaday isku daygaasi waxaana daqiiqado kadib goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirasan Al shabab kuwasi oo isku fidiyay inta u dhexeeysa isgooysyada Carwa Idka iyo Al Baraka ee jidka 30-ka kuwaasi oo watay dareeys isku nuuc ah iyo cimaamado,mana jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay isku socodka dadka iyo gadiidka ee wadadaasi.

 

Mudo kadib ayaa is rasaaseyn u dhexeeysay xoogaga islaami ah ay ka bilaabatay agaagaarka warshada Sigaarka iyo Taraqa taasi oo socotay illaa iyo goordhow oo ay labada dhinac isku ridayeen rasaas kala duwan oo ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dagaalka.

 

Mid ka mid ah dad ku go’doomay geerish ay labada ciidan dhinacyadiisa uga sugnaayeen ayaa waxaa uu shabelle uga waramay waxa uu arkayay iyo sida ay wax u dhacayeen,waxaana uu sheegay in xiliga uu shabelle la hadlayay uu agtiisa yaalay meyd oo uu ku sheegay in uu u ekaa Askari ka tirsan dhinacyada dagaalamayay.

 

In kasatoo aan si dhab ah loo ogaan Karin cida uu u dhexeeyo dagaalkani ayaa hadana waxaa ilo lagu kal soon yahay ay sheegayaan in dagaalkaasi uu u dhexeeyo xoogaga Al shabaab iyo ciidamada maxkamadaha islaamiga.

 

Dagalka ayaa yimid kadib markii gaari uu la socday sarkaalkii barqanimadii maanta lagu weeraray wadada 30-ka oo siday askarigii lagu dhaawacay is rasaaseyntii maanta ka dhacday jidka 30-ka iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamiga oo halkaasi ku sugnaa mana jiraan warar ka soo baxay xoogaga dagaalamaya oo ku aadan sida ay wax u dheceen iyo qasaaraha ka dhashay dagalkaasi.

 

Dhinacyada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaan u muuqan kuwo u dhaga nugul baaqayada ka soo baxaya culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ku aadan in la joojiyo dagaalada iyo in nabad lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this