Sign in to follow this  
ANWAR

Ahlu Sunna iyo Dowladda oo faahfaahiyay dagaalo Shalay ka dhacay Muqdisho. SAWIIRO.

Recommended Posts

ANWAR   

Tuesday 04 May 2010 05:09 PM

 

Maamulka Gobolka banaadir iyo Culumada Ahlu-Sunna Wal Jamaaca ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay dagaalo ay guulo ka gaareen oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyibka Hodon iyo Howl Wadaag.Kadib dagaalkii shalay ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa saxaafadda lagu soo wareejiyay aagagii sida xoogan dagaalku ugu dhacay ee jabka xoogan loogu geystay maleeshiyaadkii duullaanka ahaa ee Shabaab.

 

Goobaha ay difaaca kaga jiraaan xoogagga ahlu sunna iyo kuwa Dowladda ayaa lagu arkayay dad haween iyo caruur u badan oo soo buuxdhaafiyay farxad awgeed, ayadoona saxaafadda loo soo bandhigay qaar ka mid ah qalabkii ay kooxahu ka cararen.

 

Afhayeenka culimada Ahlusunna Waljamacaa Sh. C/laahi Sh. C/risaaq abuu Yuusuf Alqaadii oo weriyaasha kula hadlay aagga hore ee ciidanku difaaca kaga jiraan, islamarkaana aad ugu dhow isgooyska suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa sheegay in ay jab gaarsiiyeen maleshiyaadkii duulaanka ku yimid.

 

Abuu yuusuf ayaa sheegay in nin Masar u dhashay oo maydkiisa ay ku dul dagaalamayen Maleeshiyaadku illaa salaadda maqrib ka dib, kaas oo qeyb ka ahaa waxa ay Maleeshiyaadku ugu yeeraan Muhaajiriin, sidoo kale Horjoogayaal Soomaali ah ayaa dagaalkaas ku geeriyootay sida uu sheegay afhayeenka Ahlu Sunna.

 

Sidookale afyeenka G/banaadir Maxe’d C/laahi Cariig oo kamid ahaa masuuliyiintii shirka jiraa’id saxaafadda ugu qabtay goobaha shalay dagaalku ka dhacay ayaa tilmaamay in maamulka gobolku ay soo dhowayanayaan ka xuraynta kooxaha gobolka Banaadir dhibaatada ka wada.

 

Madaxdii halkaasi weriyayaasha kula hadlay ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha degmada Hodon ee maamulka Gobolka Banadir Cabdi Maxamed Dhabanay ayaa shaaca ka qaaday in tillaabadaan ay horseedi karto in shacabkii degmada ka qaxay ay degmada ku soo labtaan .

 

Dhul badan oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Shabaab ayaa gacanta u galay xoogagga Ahlu Sunna, kuwaas oo aad ugu dhow suuqa weyn ee Bakaarha oo ah halka dhibaatada dalka ay ka abaabulaan maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul-Islaam. DSC03074.JPGDSC03078.JPGDSC03083.JPGDSC03088.JPGDSC03093.JPGDSC03096.JPGDSC03133.JPGDSC03152.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this