Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Killed In Garowe ???

Recommended Posts

Malayshiyo ka soo jeeda deegaanka Garoowe ayaa si naxariis daro ah dil toogasho ah ula beegsaday ganacsdae Sanweyne Cabdi Caate oo ka tegey magaalada Laascaanood,halkaas oo uu sida caadada ahayd geen jirey jawaano qaadka.

 

 

Sanweyne oo ah ninkii sadexaad ee ganacsade ka soo jeeda gobolka Sool oo wixii ka danbeeyey qabsashadii Laascaanood malayshiyo reer Garoowe ahi toogato ayaan ilaa iyo hada gacanta lagu dhigin marxuunkaas,waxaana nimankii dilkaas geystey ay si cad u xaragoonayaan suuqyada Garoowe.

 

Inta u dhaxaysa Tukaraq iyo Garoowe ayaa waxa ku suagan malayshiyooyin beeleed qoloba meel gooni ah fadhido,lamana garanayo hadafka ay qolo waliba leedahay,waxaadna arkaysaa malayshiyooyin cid ay amar ka qaataan aan la garan karin,oo jidgooyooyin dhiganaya,taasoo kugu khasbaysa inaad lacagta iska dhiibto si aad naftaada u badbaadiso.

 

Waxaa mudo hada laga joogo 3 sano jeelka Garoowe lagu toogtay 2 maxbuus oo xukun sugayaal ahaa,ilaa iyo maantana cid loo qabtay iyo cid hadal haysaa toona ma jirto.

 

Dilka,barakicinta iyo isku dirka beelaha SSC ayaa waxa uu ka socdaa dhamaan dhinacyada isku haya awooda dhulkaas,waxaana siyaasiyiintii dadkooda ka saari lahaa dhibaatada ay noqdeen dhuuniqaatayaal u kala adeega labada maamul.

 

Garaadadii baaqa ka soo saaray Boocame ayaa hada magangelyo ku jooga Garoowe,iyadoo aan ilaa iyo hada wax la taaban karo laga fulin go'aamadii ay soo saareen,kuwaas oo dadka badankiisu ka biyo diiday.

 

AfnugaalNews Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this