Sign in to follow this  
Paragon

Qarax ka dhacay Wadada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Paragon   

Warar dheeraad ah oo aan ka hellnay qaraxii ka dhacay maanta Wadada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Posted to the Web May 07, 14:50

 

Muqdisho:-Qarax aad u xoogan ayaa maanta lagu weeraray gaari ay la socdeen ciidamada booliska DFKM kaasoo mar ayay wadada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho taasoo sababtay khasaare soo gaaray ciidamadii la socday gaariga ayadoo gabi ahaanba ciidamada DFKM ay xireen wadada Aadan Cadde.

 

Waa qaraxii ugu horreeyay oo waxyeello gaysta oo lagu qaado ciidamada DFKM tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta caasimada kadib dagaal socday muddo 10 cisho ah oo dhex maray ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeday joogitaanka ciidanka Itoobiya.

 

Goob joogayaal ku sugan meel u dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga ay wateen ciidamada Booliska uu la kacay miino lagu aasay wadada dacalkeeda taasoo sababtay in qarax weyn uu ka dhaco goobta weerarka uu ka dhacay.

 

Goob joogayaasha ayaa intaa ku daray in ay arkeen ciidamo ka tirsan DFKM oo waxyeelo ka soo gaartay kuwaasoo lagu daabulay gaari kale, waxaana soo baxeysa in khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamada DFKM.

 

 

Ciidamada DFKM ayaa xiray wadada Aadan Cadde kadib markii qaraxaasi uu dhacay taasoo caqabad ku keentay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana socda baaris ku saabsan qaraxaasi iyo cidii ka danbeysay, mana jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyada qaraxa lagu qaaday ciidamada DFKM.

 

Halgan.net

C/qaadir Osman

Muqdisho

--

 

Nin is qarxin lahaa oo Muqdisho lagu qabtay iyo Qarax kale oo ka dhacay magaalada

Last Updated::2007-05-07 15:38:11

 

Muqdisho:- Qarax xoogan ayaa laga maqlay agagaarka wadada hor marta guriga Aadan Cade saacadu markay 12:50 duhurnimo

qaraxaas ayaa waxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala beegsanayey kolanyo Ciidamada Ugandha oo halkaas marayey.

 

Qaraxa ayaa waxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen Ciidanka Booliska DFKM waxaana la sheegayaa in qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Wadada Aadan Cade ayaa waxaa si xoogan u jooga ciidamo tira badan oo ka tirsan DFKM iyaga oo aad u ilaalinayey dhaqdhaqaaqa wadadaasi waxaana marmar weheliya kuwa Ugandha.

 

Waa Qaraxii labaad ee ka dhaca magaalada Muqdisho ilaa iyo inta ay Muqdisho ay la wareegeen gacankuhaynteeda Dowlada Soomaaliya.

 

Ciidanka Booliska DFKM oo sheegay in ay qabteen nin watay waxyaabaha Qarxa.

 

Ciidamada Booliska DF ee ku sugan dekadda ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeenee nin rabay inuu isku qarxiyo gudaha dekadda magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada AMISOM aay ku guuleystay in ay furfuraan Bamkii uu watay ninkaan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Df.

 

Waxaa su,aalo weydiinaya ninka la qabtay Ciidanka AMISOM iyo kuwa DF ee ku sugnaa dekadda waloow ilaa haatan aan la shaacin ninka la qabtay iyo Magaciisa.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this