Sign in to follow this  
NASSIR

Puntland authorities has detained a very popular journalist, Jama Ayanle Feyte

Recommended Posts

NASSIR   

Jama Ayanle Feyte is a Somalia based journalist and his articles has appeared on a number of Somali news portals. As it has become normal the illegal detention of journalists in Puntland, Jama Ayanle Feyte has become the new victim and it shocked many of us. Puntland authorities has yet to explain reasons for his detention. He is held now in an overly crowded Bosaso prison for the second night.

 

BAAQ KUSOCDA PUNTLAND EE XARIGA WARIYE KA MID AH WARIYAYAASHA UGU CAANSAN PUNTLAND OO KA MID AHAA WARIYAYAASHA SANAAG, HAYLAAN, BARI MEDIA

 

4991.jpg

 

Dhahar:- Maamulka Puntland ayaa u muuqda mid aan ilaa iyo imika wax iska badalin marka ay noqoto arimaha la xiriira caburinta saxaafada iyo jirdilka suxufiga. Iyadoo haatan uu ku cadeystey in wariye Jaamac Ayaanle Feyte looga qaadey xoriyadiisa isagoo aan lagu heyn wax cadeyn ah oo uu ugu xadgudbey maamulka, iyadoo uu wariyuhu mar walba run ka sheegaayey wacyiga markaasi taagan.

 

 

Wariye Jaamac Feyte ayaa sida la sheegay waxaa amarka lagu soo xirey ka dambeeyey taliye ku xigeenka ciidanka booliska maxamed saciid jaqanaf, iyadoo aanan ilaa iyo hadeer ehelkiisa loo sheegin sababta loosoo xirey, wali aan loo ogolaan in ay arkaan.

 

Dhanka kale ayaa waxaa la yaableh arintaan oo aynan masuuliyiinta sare Puntland ka hadlin, gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha Gen. C/Laahi Ilka Jiir. Iyadoo amarka xariga suxufiga uu yahay mid uu ka dambeeyey nin aan sharci ahaan xaq iyo darajo u lahayn in uu talaabadaas qaado.

 

 

Waxaan baaq u direynaa anagoo ah saxaafada SHB in ay si deg deg ah, shuruud la’aana ah in lagu siidaayo wariye Jaamac Feyte. Maamulkana uu raali galin ka bixiyo.

 

Xigasho:- Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

XARIGA WARIYE JAAMAC AYAANLE FEYTE

 

Bosaaso:- Dhamaan akhristayaasha Webka LaasqorayNET ayaa waxaa la ogeysiinayaa in Wariye Jaamaca Ayaanle Feyte la xirey isagoo hada ku sugan saldhiga dhexe ee magaalada Bosaaso isla markaana aan denbigiisa la ogeyn iyadoo amarka xidhitaankiisa ay ka danbeyeen DACWAD BEEN ABUUR AH OO caada qaatayaasha ka hawlgala Sanaag.

 

Ilaa iyo hada Maamulka Puntland muusan cadeyn sababta uu u xirey Weriye Feyte iyadoo weriyey Feyte uu ku soo caan baxay wararka Investigative reports oo macnehedu yahay baaritaanada wararka sirta ah isla markaana uu dhowr jeer warar ka soo gudbiyey isla markaana ay u dhacdey sidii lagu heley baaritaanada, waxaana ugu waaweynaa arimihii boobkii Macdanta iyo Cade Muuse.

 

Sidoo kale Weriye Feyte waxa uu baaritaano balaaran ku sameeyey Caaglayaasha Gobolka Sanaag[Raga lacagta beenta ah ku qaata ciidamo aan jirin] isla markaana warar sir ah laga heley iyadoo la xaqiijiyey asalka wararkan.

 

Waxaa jira xeer saxaafadeed oo ah iney Saxaafadu madax banaan tahay, weriyaasheedana aan la xiri karin max kamad la'aan. Hadii Maxkamadi timaado oo weriye Jaamac lasoo istaago waxay LaasqorayNET haysaa cadeymo cadeynaya aan geed loogu soo gabaneyn oo ku saabsan caada qaatayaasha Sanaag ka shaqeeya iyo weliba qoraalo isugu jira emailo iyo waraaqo la is weydaarsadey oo aad u xasaasi ah.

 

Hase yeeshee iyadoo lawada ogsoon yahay ineysan jirin maxkamad ka shaqeysa Puntland ayaa LaasqorayNET waxay dantu ku kalifi doontaa in sirar badan oo ay ka hayso rag badan oo caado qaatayaal ah oo labada maamul hal marka lacago been abuur ah ka wada qaata ay faafin doonto iyadoo cadeymo soo bandhigi doonto.

 

Waxaa Bahda LaasqorayNET ay Dowlad goboleedka Puntland iyo ciidamada Amniga ay ka codsanayaan iney si deg deg ah lagu sii daayo Weriye Jaamac Ayaan Feyte isla markaana xoriyadiisii dib loogu soo celiyo.

 

Waxaanu sidoo kale waxgaradka Magaalada Bosaaso ka codsaneynaa iney doorkoodii ka qaataan sii deynta weriye Feyte iyo siduu u heli lahaa xoriyadiisa.

 

Maamulka Webka LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this