Sign in to follow this  
Sharmakee

Gen Madobe to leave baydhabo

Recommended Posts

Kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa xiisada u dhaxaysa taliyaha ciidanka booliska Gen. Cali Madoobe iyo Aadan Saransoor ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Kulankan oo galabta lagu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo ayaa waxaa wada yeeshay xubnaha labada gole ee beelaha Digil iyo Mirifle maamulka gobolka kan degmada iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Kulankaas ayaa looga hadlayey xal ka gaarsita xiisadaha ka taagan Aadan Saransoor iyo taliyaha ciidanka booliska Gen Cali Madoobe oo loo heysto inuu ka dambeeyo falkii lagu xasuuqay maleeshiyooyinkii ilaalinayey garoonka magaalada Baydhabo 4-ta bishii September ee sanadkan.

 

Sidoo kale, kulankan ayaa la iskula soo qaaday mudada 24-ka saac ee loo qabtay taliyaha iyo sida laga yeelayo iyadoo waqtiga loo qabtay taliyaha ciidanka Cali Madoobe uu dhamaaday.

 

Guddoomiyaha gobolka Bay Maxamuud Maxamed Barbaar oo kulanka kaddib shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay inay isku afgatreen in qoraalo loo gudbiyo madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf iyo Ra'isal wasaare Geeddi kuwaas oo lagu muujinayo in si dhab ah loola xisaabtamo Gen. Cali Madoobe magaaladana laga masaafuriyo.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Bay ayaa sheegay in mas'uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle ay isku afgarteen in Gen. Cali Madoobe marnaba aanu ka howlgali karin magaalada Baydhabo.

 

Odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qeybgalay oo inta badan fikradahooda isku dhow dhowaa ayaa aaminsanaa in Gen. Cali Madoobe laga saaro magaalada Baydhabo ayaa qaarkood soo jeediyey in magaalada laga masaafuriyo Gen. Cali Madoobe maadaama xasuuq uu ka geystay garoonka magaalada Baydhabo sida ay yiraahdeen.

 

Sidoo kale, qaar kale oo ka mid ah xubnihii kulankaas ka qeybgalay ayaa qabay in qaab dowladeed loola xisaabtamo taliyaha ciidanka maxkamadana la soo taago dowladdana xil ka qaadis ay ku sameeneyso.

 

Halka kuwa kale ay aamisanaayeen in Jeneraalka magaalada laga saaro dhibaatada uu geystana lagula xisaabtamo beesha uu ka soo jeedo ee *******.

 

Si kastaba ha ahaatee maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo waxaa ka aloosnaa xiisad u dhaxeysa taliyaha ciidanka booliska Gen. Cali Madoobe iyo Aadan Saransoor taas oo salka ku heysa falkii lagu xasuuqay maleeshiyooyin ilaalinayey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

 

Dad badan ayaa is weydiinaya suurtaglnimada in Gen. Cali Madoobe uu ka bixi karo magaalada Baydhabo isagoo xil dowladeed ka haya dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya waxaana Jenaraalka u dhamaday 24-saac oo shalay loo qabtay iyadoo maalinta Berri ah la qorsheenayo banaanbax looga soo horjeedo joogitaankiisa uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I don't know this guy; what did he do save failed security operation in the name of TFG? Any details yaa Sharmarke?

 

I think Baydhoba is about to explode soon! predictable is what happens when one ignores local tribal sensibilities!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa moor.yaan rabta in aay Cabdullaahi Yuusuf sidaa lacag uga cunaan oo intuu maqan yahay ayeey ka faa'ideysanayaan si aay ufurfuran buuq.

 

Bal tana aqriso adeer:

 

------------------------------------

afguduud.jpg

 

Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Af-guduud oo maanta ka hadlay magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda federaalka soomaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin cid ka saari karta Gen. Cali M Xasan Looyaan (Cali-Madoobe) Magaalada Baydhabo, howshuu qaranka u hayeyna uu halkiisa ka sii wadi doono.

 

Col.Cabdirizaq oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Gen. Looyaan uu yahay masuul ka tirsan dowladda xil weyn ka haya, uusanna aheyn qof shacab ah aan qof laga dhageysanayn inuu ku hanjabo uu ka baxo magaalada xarunta u ah dowladda.

 

Col.Cabdirizaq Afgaduud ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa "Ma dhacayso in Gen. Cali Madoobe uu ka baxo Magaalada Baydhabo oo saldhig u ah DFKS ciddii ku haminaysa inuu ka baxana ay riyoonayso".

 

Sarkaalku waxaa kale uu intaasi ku daray in "Dowladda Federaalka waxay saldhig ka dhigatay Baydhabo sannadkan horraantiisii xilligaasna Gen. Cali Madoobe wuxuu ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waana wax lala yaabo in maanta la yiraahdo haka baxo".

 

Col. C/risaaq Af-guduud wuxuu kale uu intaasi raaciyey in dowladda federaalku ay si rasmi ah u degan tahay magaalada Baydhabo, inaan saraakiisha iyo madaxdana aan hanjabaad loo soo jeedin karin.

 

Dhanka kale, Gen.Looyaan ayaa shirar is dabajoog ah kula lahaa xarunta booliska ee magaalada Baydhabo saraakiisha sarsare ee ciimada dowladda ugana warbixiyey safar shaqo ah uu dhowaan ku tagay wadamo badan oo kale ah China, Brasil iyo Ugandha.

 

Baydhabo-X M S-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this