raadamiir Posted July 3, 2006 Banjul: Shirkii AU oo lagu go'aamiyay in ciidamo la geeyo Soomaaliya iyo qodobbo kale.. Monday, July 03, 2006 Banjul(AllPuntland)- Shirkii ka soconayay mudada labada maalmood ahayd magaalada Banjul ee dalka Gambiya ayaa xalay lasoo gabo gabeeyay. Waxay isku waafaqeen madaxda midowga Afrika in ciidamo loo diro dalka , ciidamadaasi oo ka imaanaya dalal kala duwan , si dalka xaaladdiisa ay wax uga baddalaan. Waxaa lasoo jeediyay inta aan ciidamada la dirin in guddi xaqiiqo raadin ah ay Afrika u dirto dalka Soomaaliya , kaasoo soo qiimeeya arimo ay kamid yihiin , xaaladda ammaanka , sida hubku ugu kala badan yahay dalka Soomaaliya. Go'aammada kale ee shirka laga soo saaray waxaa kamid ah in la sii wado wada hadalka dawladda iyo maxkamadaha Islaamiga ee la wareegay Muqdisho , si ammaanka uusan faraha uga bixin. Madaxwaynaha dalka Congo Danis Saso Inguweso ayaa sheegay inay Afrika aad u danaynayso inay xal ka gaarto dhibaatooyinka gudaha ee dalka ka jira , ayadoo hadba qaadaysa tallaabooyinka arintaasi lagu gaari karo. Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go'aamada Afrika ay gaartay ,wuxuuna sheegay in go'aamadaasi ay u baahan yihiin in la fuliyo. Madaxwaynuhu wuxuu Aljazeera u sheegay inuu in badan ku jiray sidii dalka nabad loogu soo dabbaali lahaa , hubkana malleeshiyaadka looga dhigi lahaa, asagoo sheegay in dalkana ciidamo in la keeno ay lagama maarmaan tahay. Si kastooy ahaataba qodobadan lasoo saaray fulintooda waxay sugaysaa midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD. CCC Farayaamo AllPuntland Related Articles Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com| Quote Share this post Link to post Share on other sites