Sign in to follow this  
Peace Action

Big Demo in LasAnod - Welcome VP Fooxle

Recommended Posts

Mudaharaad rabshado wata oo kasocda Laascaanood+SAWIRO

 

Mudaharaad rabshado wata ayaa lagala hortegey Axmed Yusuf Yaasiin magaalada Laascaanood

 

 

Mudaharaad aad u balaadhan ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay magaalada Laascaanood kaasi oo ka danbeeyey imaanshaha Madaxwene ku xigeenka maamulka isku magcaabay Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

 

Mudaharaadkani oo ahaa mid la filaayey ayaa dhaliyey inay dadku xidhaan wadooyinka waaweyn ee magaalada dhex mara ayadoo halkaasi laga oogey holocyo iyo uuro taayirada baabuurka ka soo baxaya.

 

 

Kumanaan dad ah oo dumar u badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka kuwaasi oo ku qaylinaya Miyaad ilawdey Samsam iyo hadala kale oo farabadan oo ay ku muujinayaan rabitaan la`aanta.

 

 

Dhinaca kalena qaar ka mid ah dadka degaanka u dhashay oo horkacayo Axmed Cabdi Xaabsade ayaa isku deyaayey inay soo mariyaan magaalada daafaheeda si ay u tusaan inay magaalada ka taliyaan.

 

 

Ilaa hada ma cada waxa uu ku soo gabagabaysmayo mudaharaadkaasi balse ilaa iyo inta la og yahay qasaare dhacay ma jiro walow ay ciidamo badani dhooban yihiin meelo ka mid ah magaalada

 

 

Sawiro Badna iyo Waliba Warbixin Mardhow ayan idin Soo Gudbinaynaa Hadii Eebe idmo...

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhalinyarada Reer Laascaanood Oo Aad Ucaraysan

 

Boocame Online news warbaahinta Qarniga Cusub!! Boocame@hotmail.com or Boocame@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Banaanbax ka dhacay Magaalada Laascaanood loogana soo horjeeda Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Laascaanood(AllPuntland)- Banaanbax waa weyn oo ay dhigayaan Boqolaal Reer Laascaanood ah ayaa ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ,markii uu halkaasi saaka si qarsoodi ah ku gaaray Madaxweyne kuxigeenka maamulka la baxay Somaliland.

 

Dadka Banaanbaxayey ayaa xiray wadooyinka Magaalada Laascaanood qaarkood waxa ayna taasi sababtey in ay Wafdiga Madaxweyne kuxigeenku maraan banaanka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ,sida ay sheegayaan Warar ku dhow dhow Magaalada Laascaanood.

 

Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hadalo ka soo horjeeda heysashada Magaalada Laascaanood ,waxa ayna laamiga ku gubeen Taayaro ayagoo ka soo horjeeday Booqashada Axmed Yuusuf Yaasiin uu ku tageyo Meelo ka mid ah Gobalada Sool & Sanaag ee Puntland.

 

Ciidamada amaanka ee maamulka la baxay Somaliland ayaa xakameyn waayay in ay coshaan dadkan ,mararka qaarkoodna waxa ay rasaas ku ridayeen Shacabka Banaanbaxayay ,ayagoo markii dambe guud ahaan iskaga tagey goobihii ay dadkaasi joogeen.

 

Wafdigan oo aan Magaalada soo galin ayaa Meel ay joogaan Ciidamo ka yimid Hargeysa waxa ay ugu yeereen Maamulayaasha ujooga Magaalada Laascaanood si ay warbixin uga qaataan ,ka dibna waxa ay aadeen dhinaca gobalka Sanaag ee Puntland.

 

Wafdigan socdaalkoodu wuxuu kicin karaa Xiisado abuura Iska horimaad dhexmara Shacabka Laascaanood & Maleeshiyaadka Maamulka la baxay Somaliland ee jooga Magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow dhow ,hadii ay dhacaan Iska horimaadyo waxaa dhici karta oo kale in ay dagaalo ka dhex bilowdaan Puntland & Somaliland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Dadweyne Gadoodsan ay Baacsadeen

 

{Laascaanood}2-4-08Xaalada magaalada laascaanood ayaa saaka aad u kacsan iyadoo ay dhacayaan rasaasta qoryaha waa weyn iyo kuwa yar yarba isla markaana waxay dadweynuhu gubayaan calanka somalidiidka..................................

 

Kumanaan dadweyne cadhaysan ayaa laamiga dheer ee magaalada kolba dhinac usocda kuwaas oo kor ugu qaylinayo halku dhigyo ka dhan ah maamulka isku magacaabay somaliland.

 

Mudoharaadkan iyo qalalaasaha kajira laascaanood ayaa yimi kolkii saaka uu sikadis ah kuyimi magaalada laascaanood kuxigeeenka Daahir Riyaale kaahin.

 

Axmed Yuusuf Yaasiin iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo saraakiil ciidan oo ay galbinayaan boqolaal tikniko ah ayaa sixawli ah oo ay baqdini ku dheehen tahay kusoomaray laamiga laascaanood.

 

Haweeney ayaana ku dhaawacantay baabuurtan tikinikada ah ee ay saarnaayeen kuxegeenka riyaale kaahiiin iyo saraakiishiisa ciidanka kolkii ay sixoogan kumereen wadada leexata ee looyaqaan goolada.

 

"Marqudha uun baanu maqalnay tikniko laydhadhka shidatay oo hoonkana si'aada uyeedhinaysa isla markaana kor uridaya rasaastii ay wateen ayuu yidhi mid kamid ah dadkii goobjoogayaasha ahaa kolkii uu soomarayay laamiga kuxigeenka Riyaale.

 

"dadkii ayaa kala yaacay marqudha kadibna waxay jiidheen baabuurtii islaan maraysay wadada goolada ee laamiga ah ayuu intaas racaaiyay mid kamid ah goobjoogayaashii oo aanu xiligaas kula kulanay wadada.

 

kasakoow imaanshaha Axmed yuusuf yaasiin laascaanood waxaa kajira khal khal weyn oo dhanka amaanka ah iyadoo ay dadkuna aad u kacsan yihiin waxaana laga baqo qabaa inuu dhaco isku dhac udhaxeeya kooxaha kacdoonka SSC iyo somaliland.

 

buuqbadan iyo cidhiidhi aad uweyn ayaa suuqa kajira iyadoo goobkasta oo magaalada ahna lagu gubay calanka somalidiidka.

 

dhalinyaro isugu jirta rag iyo dumar ayaa si'aada looga maqlayaa iyagoo ku qaylinaya halku dhigyo ay kamid yihiin "way dhaqaaqday hanagaboxo"

 

iskusoo wada duuboo guud ahaan waxaa si'aada ukacsan xaalada guud ee magaalada laascaanood iyadoo mararka qaarna aad maqlaysid rasaas teel teel ah oo kadhacaysa gudaha magaalada laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Laascaanood kala kulmay diidmo

 

Waxaa Saakay Goor hore Soogaaray Magaalada Laasacaano Ee Xarunta Gobolka Sool Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Lamagacbaxay Soomaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu hogaaminaya Wafdi Heersare ah wafdigan Lasosocday Madaxweyne kuxigeenka Maamulk La Magacbaxay Soomaaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo ka tirsan Dadka Deegaanka Laasacaanood oo isagu intii ugu dambeysay kusugnaa Magaalada Hargeysa waxna ka waday Maamulka Somaaliland .

 

Axmed Yuusuf Yaasiin Markii uu so Gaaray Magaalada Laasacaanood ayaa Waxaa ku Geeriyooday Sida Lasheegay Haweeneyn Wax ku Ganacsaneysay Wadada dhinaceeda islamarkaana Uu Jiiray Gaari Ka Mid ah Gawaaridii Gelbinaysay Madaxweyna Kuxigeenka Maamulka La Magacbaxay Soomaaliland Sidoo kale Waxaa Jiray Rabshado Lagala Hortagay Marki Madaxweyne kuxigeenku Soogalayay Gudaha Magaalada Laasacaano .

 

Madaxweyne ku xigeenka iyo Wafdigii La socday ayaa waxaa ay Degeen Hotel Xamdi oo 2.Km Dhanka Bari ka soo xiga Magaalada Laas .

 

Dadweynaha Ku Dhaqan Gudaha Magaalada Laasacaanood ayaa waxaa ay SiweynCaro uga Muujiyeen Imaanshaha Madaxweyne ku xigeenka Maamulka La Magacbaxay Soomaaliland sidoo kale Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka ayaa Waxaa ay Dadka Magaalada Ku Fureen Rasaas Iyagoo Markaa Afka Ka Cayay.

 

Si kastaba Ha ahaatee Wafdigan Magaalada Uu Hogaaminayo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Soomaaliland oo Maanta yimi Laasacaanood ayaa Dadweynuhu Waxaa ay u turjunteen arintan Siyaabo kala Duban .

 

Sidookale ilaa iyo Haatan Wax War ah Kama Soo bixin Golaha Xukuumada Maamul Goboleedka Puntland Oo Gacanta ku Heyn Jirtay intii aysan Qabsan Maamulkan Soomaaliland Magaalada Laasacaanood ilaa iyo haatana Lama Oga Maamulka Puntland Talaabada Uu Qaadi doono .

 

Axmed Yuusuf Jaamac

SBCInternational- Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

No Puntland leader was ever attacked in LA.

Riyaale was chased out and the rapist Ahmed Yassin has been rejected.

 

SOOL, SANAAG and even Hargaysa is part of the Somali republic. Your little faction is just one of the many opposition but not anything more.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Axmed Yuusuf Yaasiin Markii uu so Gaaray Magaalada Laasacaanood ayaa Waxaa ku Geeriyooday Sida Lasheegay Haweeneyn Wax ku Ganacsaneysay Wadada dhinaceeda islamarkaana Uu Jiiray Gaari Ka Mid ah Gawaaridii Gelbinaysay Madaxweyna Kuxigeenka Maamulka La Magacbaxay Soomaaliland Sidoo kale Waxaa Jiray Rabshado Lagala Hortagay Marki Madaxweyne kuxigeenku Soogalayay Gudaha Magaalada Laasacaano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this