General Duke Posted February 20, 2007 KISMAAYO:-CIIDAMADA BOOLISKA EE DOWLADA SOMALIA AYAA LA WAREEGAY AMAANKA MAGAALADA KISMAAYO KISMAAYO (KP) Ciidamada booliska ee dowlada somalia ayaa la wareegay Saldhigga Booliska ee magaalada Kismaayo, ka dib markii magaalada laga saaray ciidamadii Militariga ee dowladda Somalia.20, Feb.07 Ciidamadan booliska ah ayaa sidoo kale la wareegay meelo ay ka mid tahay xabsiga magaalada Kismaayo, iyadoo meesha ay ka baxeen saldhigyadii ciidamada Militariga ay ku lahaayeen magaalada Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, ka dib markii ciidamadii Militariga loo kaxeeyay Xarunta tababarka Luglow oo waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo. Shalayna kulan adag ayaa waxa uu ku dhex maray magaalada Kismaayo Saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Militariga oo aaqirkii isku raacay in amaanka ay la wareegaan ciidamada booliska inta tababarka uu ugu soo dhamaanayo ciidamada xoogadalka Quote Share this post Link to post Share on other sites