General Duke Posted July 7, 2007 Muqdisho: Dawlada FKMGS oo Suuqa Bakaaraha Saldhig Milateri ka dhex sameynaysa. 7. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dawlada Faderaalka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay Suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya ee Bakaaraha ka dhexsameynayso saldhig weyn oo Milateri. Saldhigaan laga furayo gudaha suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu noqonayaan mid suga amaanka suuqaasi. Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay maalmihii ugu danbeeyey la tacaalayaan sugida amniga Suuqaasi,oo lugu tiriyo in uu yahay meelaha ugu amaanka xun Soomaaliya. Taliyaha howlgelinta Ciidamada dawlada Soomaaliya G/sare Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa wuxuu sheegay in ay dawlada Soomaaliya bilowday qorshahaasi ,uuna yahay mid DFKMGS soo dhameystirtay qorshahaasi. Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yahay midka ugu weyn Soomaaliya ,wuxuuna kuyaala meel istaraaji ah dawlada Soomaaliyana waxa ay ka wadaa hawlgallo balaaran oo amaanka dhiniciisa wa looga qabanayo,waxa ayna hubkii ka dhigtay ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayadoo ciidamo ka tirsan Booliska ka wareejisay amniga. Maalmihii ugu danbeeyey Suuqa bakaaruhu ,wuxuu ka mid noqday goobaha sida weyn hubku yaala ,balse mar kale ayay shalay galeen ciidamo xoogan waxa ay soo qab qabteen hubab fara badan oo ay dawladu soo bandhigay. G/sare Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa wuxuu intaas raaciyay in dhamaan ciidamada DFKGM ee Soomaaliya doonayaan in ay dhamaan dhigaan wadooyinka soo gala suuqaasi ,wuxuuna ku tilmaamay talaabadaasi nabada ku soo celinta caasumada Soomaaliya. Talaabadan waxaa u sacaba tumay dad badan oo Reer Muqdisho ,doonaya in ay mar kale soo laabto nabadgalyadii caasumada Soomaaliya lugu yaqiiney. Talaabadan ayaa waxa ay ku soo beegantay xili ciidamo kale duwan oo ay horkacayaan ciidamada dawlada Soomaaliya wadaan ,hawlgallo kala duwan oo amniga ku saabsan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites