Sign in to follow this  
Che -Guevara

Time is up

Recommended Posts

Mudadii uu Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qabtay Ciidamada Dowladda in ay isku soo dhiibaan oo maanta ku eg

 

Khamiis, July 09, 2009(HOL): Waxaa maanta ku eg muddadii uu Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr uu u qabtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya in ay isku soo dhiibaan.

 

Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa maalmo ka hor ugu baaqay Ciidamada Dowladda in ay isku soo dhibaan sida uu u yiri xoogagga Mujaahidiinta, isla markaana ay hubkooda ku wareejiyaan, isagoo caddeeyay in aysan ogolaan doonin in ay ciidamada Dowladda hubkooda heystaan.

 

“Kama ogolaan doonno in ay hubkooda heystaan, waxaana leenahay hubkiina mujaahidiinta ku wareejiya howlihiina kalena qabsada”ayuu yiri Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.

 

Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr waxaa uu intaas ku daray in ay mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya maxkamad Islaami ah soo taagi doonaan, isla markaana ay ku qaadi doonaan dembiyo ay galeen oo ay uu sheegay in ay ka mid yihiin dhibaato ay shacabka u geysteen iyo Ciidamo shisheeye ah oo ay dalka soo geliyee.

 

Markii uu Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin hadalkaas jeediyay ayaa waxaa ka jawaabay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo sheegay in aysan jirin sabab ay ciidamada Dowladda isu dhiibaan, wuxuuna si kulul u weeraray Amiirka Al-Shabaab oo uu sheegay in uu yahay nin is-qarinaya.

 

Waxaa uu sheegay Shiikh Yuusuf Indha-Cadde in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan cid kasta oo ka soo horjeeda, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay isku qanciyaan Kitaabka Alle SWT iyo Sunnada Rasuulka SCW, “Haddii ay cadaato in aan riddo nahay waan towbad keeneynaa ee Axmed Godane ha ogolaado in la wada hadlo oo uu qaladkiisa qaato haddii uu qaladka ku cadaado”ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha Soomaaliya Shiikh Maxamed Siyaad Indha-Cadde.

 

Hadalladan iska soo horjeeda ee ay isu jeediyeen Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo muddo labo bilood ah ay magaalada Muqdisho ka socdaan dagaallo dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac baahsan geystay, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn goorta ay so oaf-jarmi doonaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG oo sheegtay in ay soo afjareyso dagaalada xilli hal maalin ka harsan tahay mudadii 5-cisho ee Alshabaab

 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inay soo afjareyso dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, xilli hal maalin ay ka harsan tahay mudadii Alshabaab ee 5-ta cisho u qabatay Ciidamada Dowladda inay isku soo dhiibaan.

 

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay inay rajeynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjaraan dagaalada isagoona guulo ka sheegtay dagaalada ka soconaya Muqdisho.

 

"Dagaalada waanu soo afjari doonaa, anaga wada hadal diyaar baan u nahay, laakiin ma ogolaaneyno in xoog nagula qabsado ama dagaalo"ayuu yiri Mr Indha Cadde oo noqday geed fadhiga Dowladda KMG.

 

Sidoo kale Indha Cadde ayaa sheegay in dagaalo saaka ka dhacay Degmada Dharkeenley ay jab ku gaarsiiyeen Kooxaha ka soo horjeeda, waxaana uu kaloo sheegay in dagaal kale uu ka dhacay hareeraha Madaxtooyada gaar ahaan isgoyska Florensa.

 

Hadalka Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ku soo aadaya xilli hal maalin ay ka harsan tahay mudadii 5-ta cisho ee Amiirka Xarakada Alshabaab uu ugu baaqay in muddo shan cisho isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda hubkoodana ay soo wareejiyaan.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in awood dagaal ay ku soo afjarayso Rabshadaha ka taagan Soomaaliya

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Wasaaradda Gashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal ay ku soo afjarayso Rabshadaha ka taagan Soomaaliya.

 

 

 

Waiiro dowladaha wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde oo wareysi gooni ah siinayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ay u qorsheysanthay in ay ku soo Afjaraan rabshadaha Magaalada muqdisho dagaal militari oo ay ku wajahayaan xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in sababta ku kalifiysa in ay dagaalamaan islamarkaana dalaada ay sii wadaan ay tahay sida uu sheegay in la diiday wahadalkii ay soo jeedisay dowladda KMG Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in mar waliba ay ogalaayeen wahadal in lagu xaliyo Xaaladda Soomaaliya.

 

 

 

Sheekh Yuusufa ayaa sheegay in hadii kooxaha hubaysan ay diyaar u yihiin wahadal uu isagoo ka wakiil ah madaxweyne Shariif uu la galayo wadahadal islamarkaana ay meel wax isla dhigayaan,waxaana uu ku cel celiyay in mar dhow ay soo Afjari doonaan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Hadalka Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde ayaa imaanaya xili Dadka reer Muqdisho ay ka niyad jabeen nabad si deg deg ah ugu soo noqota caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo maalinba maalinta ka dambaysa ay ku sii xoogaysanayaan dagaalada u dhaxeeya xoogaga hubaysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this