Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab defeated and airport open -PM delegates land

Recommended Posts

Muqdisho: Nuur Cadde oo ka dagey Muqdisho isagoo aan la weerarin Diyaaradii sidey.

25. september 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen & Wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Soo dagidii Diyaaradaha wadey wafdigan oo ahaa Labo diyaaradood, ayaa dad badan ay cabsi ku beereen ayagoo cabsi ka qabey Madaafiic lugu weeraro garoonka & Jawaabta ay bixin lahaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

 

Taasi maanta ma’aysan dhicin waxaa si nabad ah ku dagey kuna duulay Dayuuradihii sidey Wafuudan, waxa ayna arintan dad badan galisay niyad wanaag.

 

Saraakiisha amaanka ee dawladda Soomaaliya oo ka cabsi qabey weeraro kaga yimaada Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay tani muujineyso Awood la’aanta Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

 

Horey garoonka caasumada Soomaaliya waxaa loogu weeraray dayuurado ay shacab lahaayeen & kuwa Milateri, waxaana duqeymahaasi ka dhashay dhimashada dad gaaraya 150 qof oo ku noolaa Magaalada Muqdisho.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey joogey dalka Jabuuti, wuxuuna halkaasi ka wadey la heshiisiinta Mucaaradka diidan Xukuumadiisa, waxaana uu sidoo kale la kulmay Saraakiil ka socotey dawladda Jabuuti oo uu kala hadlay arimaha Soomaaliya.

 

Dad badan ayaa isweydiinaya waxyaabaha lugu guuleystay ee ka soo baxa Shirkii ka socdey Jabuuti mudada, ee aan ilaa imika laga heyn qodobo cad oo lugu heshiiyey, waxaana lasheegayaah in ay wafdiga dawladdu maanta warbixin siin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

War hedhe kuwani edebdaaro badana - sideybe Madaxweynihi ugu diidene in uu ka dhoofo garoonka, - Nuur Caadena ugu ogoladeen in u kaso deego. This is not fair - and to make matters worst the PM delegation consisted of two planes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this