Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

More troops defect to Somaliland

Recommended Posts

Ciidan Tiro Badan oo Wata Gaadiidka Dagaalka oo la Sheegay Inay Isu soo Dhiibeen Millatariga Somaliland ee Fadhiya Sool

Boosaaso (Jam)-Ciidamo wada gaadiid tigniko ah oo ka tirsanaa maamul-goboleedka Puntland, ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen millatariga Somaliland eek u sugan jiidaha hore ee Gobolka Sool, kadib markii ay ka soo goosteen dhinaca Puntland oo laga maamuli jiray.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Somaliland iyo maamulka Puntlnad oo ****olka ka qaaday ciidammada reer Puntlnad ee isku soo dhiibay Somaliland, hasa yeeshee sida ay ilo xogogaal ah oo ku sugan Laascaanood Jamhuuriya u xaqiijiyeen ciidan tiradoodu ka badan tahay ilaa 200 oo askari oo wata saddex baabuur oo tigniko ah, ayaa fiidnimadii habeenkii Isniinta isku soo dhiibay ciidanka qaranka ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool, kuwaasi oo la sheegay inay ka soo firxadeen maamul xumada iyo kala daadsanaanta ka jirta ciidanka iyo maamulka Puntland.

 

Ciidammada ka soo goostay Puntlnad ee isku soo dhiibay Somaliland oo dhammaantood dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Gobolka Sool, waxa hadda gacanta ku haya ciidanka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool, kuwaasi oo la filayo in loo soo gudbiyo gudaha Somaliland.

 

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamo ka tirsan Puntland isku soo dhiibaan Somaliland, hasayeeshee tiroba dhawr jeer ayey dhacday in askar reer Puntland ahi u soo goostaan dhinaca Somaliland, kuwaasi oo inta badan isu dhiiba ciidanka qaranka ee ku sugan jiidda hore ee Gobolka Sool iyo Sanaag-bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this