Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: President Faroole meets with Mr Payne other US officials

Recommended Posts

zFaroolePayne.jpg

Madaxweynaha Puntland oo kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawlada Maraykanka.

 

 

Nairobi, Nov 10 - Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa kulamo kala duwan maalintii shaley 9 Nov, 2009 iyo maanta Nov 10, 2009 la qaatey sarakiil ka tirsan Wasaarada arrimaha dibaadda Mareykanka oo uu horkacayey safiirka Mareykanka Michael Ranneberger.

 

Kulankaan oo ka dhacey aqalka safiirka ka dagan yahay magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qaada dhigey sidii maamulka Puntland iyo Mareykanka isaga kaashan lahaayeen hurumarinta arrimaha bulshada , la dagaalanka burcad badeedka iyo hagaajinta amniga guud ee Puntland.

 

Waxaa magaalada Nairobi ku sugan saraakiil badan oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka kuwaasoo qoondeynaya tageerada dowlada Mareykanka siineyso sanadkaan Somalia.

 

Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa la kulmey sidoo kale Honorable Donald M. Payne oo ah u qaybsanaha arrimaha Afrika aqalka Wakiilada Mareykanka.

 

Kulankaan oo ka dhacey Hotelka Payne ka dagan yahay magaalada Nairobi ee InterContinental kaas ayaa laga hadley xaalada guud ee Somalia gaar ahaan Puntland.

 

Kulankan Madaxweynaha Puntland la qaatey Payne ayaa ahaa mid daba socdey booqashadii waftiga Mud.Farole ku tagey cariga Mareykanka kaas oo albaabka u furey Puntland in beesha caalamku toos ula soo xiriirto Puntland.

 

Payne ayaa sheegey in mamaulka cusub ee Puntland guulo ka gaarey hagaajinta amniga sida la dagaalanka burcad badeedka iyo maareynta misaaniyada taas oo wax badan ka badashay hab socodka howlaha dowladda.

 

Kulankaan ayaa ku soo dhamaadey Qado labada dhinac yeesheen taasoo lagu lafagurey sidii tageero caalami ah loo siin lahaa Puntland.

 

Kulamada madaxweynaha ayaa weli socda isaga oo la kulmaya wixii maalinta berri ah ka bilowda jaaliyada Puntland, saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo jalaiyadaha Somalida Ethiopia.

 

Xafiiska Madaxweynaha

Garowe, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayrobi: Madaxweyne Faroole oo la kulmay Deeq Bixiyasha Caalamka ee Nayroobi jooga.

10. november 2009

 

Nayrobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo hada booqasho qaadan doonto mudo todobaad ah ku jooga dalka Kenya ayaa kula kulmay xalay magaaladaasi, Deeq Bixiyaasha Caalamiga ah oo uu kala hadlay xaaladaha Puntland iyo sidii ay taageero wanaagsan usiin lahaayeen.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa lasoo qaaday Danjirayaasha uu la kulmay balamadii ay horay ulahaayeen, waxaana ay isku afgarteen in mashaariic horumarineed si dhaqso badan looga fuliyo gudaha deegaanada Puntland, ayadoo laga amba qaadayo nabadgalyada ka jirta Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa hordhigay Deeq Bixiyaasha balanqaadyadii ay horay ugu sameeyeen, waxaana uu la kulmay Danjirayaasha Mareykanka iyo Reer Yurub ujooga magaalada Nayrobi, qaarkood oo uu si gaar ah ula soo qaaday caawinta hanaanka Maamul ee Puntland, oo uu sheegay in uu hada doonayo taabagalinta qorshayaal dheer oo ku aadan horumarka deegaanadaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha nidaamka Asxaabta badan iyo gaarida Dimuquraadiyad waafi ah oo ka hirgasha Puntland.

 

Deeq Bixiyaasha qaarkood ayaa sheegay in ay garan istaagi doonaan qorshayaal ugudbiyey Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed, ayagoo ku amaanay talaabooyinkii uu qaaday mudooyinkii ugu dambeeyey oo ay ku jireen kuwa dhinaca Dastuurka horay loogu qaaday.

 

Danjirayaasha Reer Yurub ayaa sheegay in ay sannadka soo socda ee 2010-ka ay mashaariic badan ka fulin doonaan gudaha deegaanada Puntland, waxa ayna balan qaadeen in ay sidoo kale dhameystir ku sameyn doonaan inta sannadkan ka dhiman Mashaariic qeybo ah oo ka jirta Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud wuxuu sidoo kale la kulmay Qamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa oo uu kala hadlay caawinta dadka ku soo barakacay Puntland, isagoo usheegay in ay balamo badan lahaayeen, balse looga baahan yahay inta ka dhiman sannadkan in ay waxqabad muuqda ka hirgalayaan Puntland, ayadoo wax loo qabanayo dadka ka yimid gobalada kala gedisan ee jooga Puntland.

 

Dawladda Puntland ayaa go'aan cad ku gaartay dadka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya, ay xero Qaxooti looga sameeyo magaalada Gaalkacyo ee Puntland, maadaama magaaladaas ay ku taala xadka ay Puntland la wadaagto Koonfurta dalka Soomaaliya oo aysan dadkaasi halkaas soo dhaafin, waxaana Qaramada Midowbay loo gudbiyey qorshe dheer oo ku aadan wax uqabashada dadkaasi.

 

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in ay Qaramada Midowbay soo dhaweysay go'aanka Madaxweynaha Puntland, isla markaasna ay sheegeen in ay sida ugu dhaqsaha badan dadkaasi ugu fidin doonaan gargaaro wanaagsan, ayna udhisi doonaan Xeryo Qaxooti, si aysan dhib ugu geysan amaanka deegaanada Puntland oo aysan ugu soo dhex-dhuuman kooxaha doonaya in ay qasaan amaanka Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmi doona Saacadaha fooda nagu soo haya Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md, Cumar C/rishiid Cali Sharmaake oo ay isla soo qaadayaan xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya & hirgalinta heshiiskii lugu saxiixay magaalada Gaalkacyo, kaas oo ku wajahnaa xiriirka labada dhinac.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayrobi: “ Puntland horumar ayay gaartay, Washington-na wey gacan qaban doontaa” Uqeybsanaha Xiriirka Africa ee baarlamaanka dalka Mareykanka.

11. november 2009 

 

APL

Tool

 

Nayrobi(AllPuntland)- Sarkaalka ugu sareeya Laanta Xiriirka Africa uqaabilsan golaha Sanete-ka ee dalka Mareykanka Donald M. Payne ayaa ka hadlay horumarka laga gaaray dhinacyada amaanka iyo horumarinta dhaqaalaha ee Puntland, isagoo sheegay in ay dawladda Puntland ee waqtigan wax badan ka badashay qababkii shaqo ee dawladda Puntland.

 

Mr, Payne wuxuu sheegay in ay hada dawladda Puntland ka heli doonto dawladda Mareykanka kaalmooyin milateri oo wax badan ka badali doona xaaladaha Puntland, isagoo sheegay in ay uaqoonsan yihiin Puntland meel nabadgalyo ka jirto, isagoo cadeeyey in ay taageeri doonaan geedi socodka nidaamyada hada ay wado dawladda Madaxweyne Faroole.

 

Uqeybsanaha baarlamaanka Mareykanka ee Africa wuxuu sidoo kale sheegay in ay dawladda Puntland & Mareykanku hada leeyihiin xiriir dhaw oo ku aadan xaajad labada dhinac, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan waxyaabo badan oo ay kala hadleen Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed oo ay wada hadalo ku qaateen magaalada Nayroobi.

 

Donald M. Payne ayaa horay ugu soo dhaweeyey Madaxweyne Faroole magaalada Washington oo uu ku casumay, markii uu halkaasi Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dheer oo ku wajahan xaaladaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Puntland ee uu masuuliyada weyn uhayo, isagoo waqtigaas ka codsaday Washington taageerooyin balaaran.

 

Kulan dhexmaray labada masuul maalinadii shalay ayaa si qoto dheer loogu soo qaday arrimaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana xaajada gobalada Koonfured, isagoo uu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay Puntland gacan adag ku qabatay amaankeeda, isla markaasna ay ka hor timid cid kasta oo amaan daro ka geysan karta deegaanada Puntland.

 

Kulankan dhexmaray Sarkaalka ugu sareeya Laanta Xiriirka Africa uqaabilsan golaha Sanete-ka ee dalka Mareykanka Donald M. Payne & Mdaaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa ku soo beegmaya xili sannadkan ay dawladda Mareykanku sheegtay in ay deeqo badan uqoondaysay dawladda Puntland in lasiiyo, kuwaas oo ku wajahan dhinacyada horumarinta Siyaasada iyo amaanka.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland president held meetings with US officials in Nairobi

11 Nov 11, 2009 - 1:22:53 PM

 

The president of Somalia's Puntland State government has held meetings with US foreign Affairs officials led by US Ambassador to Kenya Michael Ranneberger.

 

The meeting, which was held in US Ambassador’s residence in Nairobi on Monday, was focused on cooperation between Puntland and US in social welfare, fight against piracy and insecurity in Puntland state.

 

Several US foreign affairs officials are in Nairobi to assess the security situation in the Horn of African nation and American assistance to the fragile UN-backed Somali government.

 

Puntland President Abdirahman Mohammed Farole and his delegation have also held talks with US Congressman Donald M. Payne who is the Chairman of the House Sub-Committee on Africa and Global Health under the aegis of the House Committee on Foreign Affairs.

 

Situation in Somalia particularly Puntland was the focal point of the meeting, which was held in Nairobi’s Intercontinental.

 

Payne praised Puntalnd state for its efforts to fight the piracy menace in the region and passing the budget, which he termed as important step for realisation of development in the region.

 

The meeting between Payne and Puntalnd president is a follow up to the Farole’s recent visit to US, which allowed the international community to directly cooperate with Puntland.

 

President Farole is scheduled to meet with Somali government officials, Diaspora Puntland and Somali Diaspora.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

It seems Shankaroon is being avoided as if the lady catched the H1N1 virus.

With all the killings in your region I don't know why you continue to chat about SL. SL should be your least worry....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Killings happen everywhere adeer, but life goes on, now with regards to this topic where was Shankaroon in these meetings? Or are they isolated as the congressman stated?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by General Duke:

It seems Shankaroon is being avoided as if the lady catched the H1N1 virus.

Dont be so hateful, just do what you need to do without taking a swing at Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Aar yaa Ilaahay yaqaan! Aight if you really believe you pulling ahead then man up and be comfortable with that no need to reinforce your believes with negative comments. In Somaliland, puntland doesnt exist...we have a name for it... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this