Sign in to follow this  
SOO MAAL

85th Anniversary of Darwish Movement

Recommended Posts

SOO MAAL   

said_mohamed1.jpg

sayidka111.jpg

 

mullah.jpg

 

Halgankii dheeraa ee daraawiish ee uu hogaanka u hayay Sayyid maxed c/lla xasan oo kasoo wareegtay sanad guurada 85aad:

Diyaaradu waxay duqaysay Daraawiishta December 19, 1920, waxayna noqotay halgankii wedeniga ahaa ee Qaaradda Africa ugu horeeyey oo diyaarad lagu la dagaalamo. Waxaan dul maraynaa halgankii wedeniga ahaa ee Daraawiishta, si ay taariikhdu iyadu isu fasisho, waxaan soo qaadanaynaa gabayadii caanka ahaa qaybo ka mid ah. Sayidkii wuxuu maalintaas tiriyey gabay dheer, ayna ka mid ahaayeen:

· Coomaade duulayey Cadan ka keenee neeh

· Cirkii iyo dhulkii baa isqasaday cararqdoodiiyeh

· Adiguba caqlaad leedayee carar maxaa dhaamaa.

Sayid Mahamed Abdulle Hassan (Raximahu Laah) wuxuu dhashay 1856, wuxuuna ku dhashay baliga Sacmadeeqo oo 11 km xagga woqooyi ka xiga Buuhoodle. Sannadkii uu dhashayna waxay ahayd gu barwaaqo ah oo la oran jirey Gobaysane. Hooyadiis waxaa la oranjirey Carra Seed Magan.

Ingiriisku shanta qabiil ee Somaliland dega wuxuu la yeeshay heshiisyo kala duwan, Shirwaynihii Berlin (Berlin Conference) ka hor waa xilligii uu dhulka sahaminayey, iyo Shirwaynihii Berlin ka dib waa xilligii uu dhulka qabsanayey, isaga oo isticmaalay qaybi oo xukun, waxana kala ahaayeen sidan:

1. ***** : wuxuu ula saxeexday jilib jilib si uu uga ilaaliyo in ay midoobaan, Shirwaynihii Berlin Ka hor iyo ka diba, waxayna kala ahaayeen sidan:

· ***** **** iyo Ingiriiska sanadii 1827,

· ******* iyo ***** *****, 1855.

· ****** ***** iyo East Indian Company sanadii 1856.

· ****** ***** iyo Ingiriiska sanadii 1884.

· ****** ***** iyo Ingiriiska 1884.

· ****** **** iyo Ingiriiska sanadii 1884.

· Heshiiska Dekedda Berbera waxaa keliya oo saxeexay ****** ****.

2. ******* 1884, Ciise 1885, iyo Warsangeli sanadii 1886, waxay sadexdan Reer Ingiriiska la saxeexdeen heshiis midaysan qoys waliba.

3. *********** - wuxuu noqday Daraawiish, waxaana Ingiriisku la dagaalamayey 21 sano, ilaa uu diyaarad ku jebiyey.

Abaarihii 1892 wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxana is raacay 13 wadaad oo kale. Sanadkii 1895 ayuu Sayidku ku soo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo degey dekedda Berbera. Sayid Maxamed ka soodegey dekedda Berbera ee la waydiiyey in uu canshuur bixiyo, wuxuu ku yiri Ingiriiskii, Adigu canshuur ma bixisay makaad halkan timid? Ingiriiskii wuxuu yiri, Waa wadaad waalan ee naga daaya.Laakiin turjubaankii baa isna yiri, Haddii aadan manta qaban, meel dheer baad ka raadin doontaa.

Waxaa kale oo Sayid Moahamed uu la kulmay cauur Somaliyeed oo kiniisad lagu xereeyey. Waxaa Sayidku waydiiyey caruurtii magacyadooda, wiil ka mid ahi wuxuu ku jawaabay John Abdirahman. Waxaa Sayidkii u soo baxday in kiniisadaas caruurta Somaliyeed lagu gaalaynayo. Shacabkii Reer Berbera, in badan baa arintaas ku raacday Sayidka, laakiin dawladda Ingiriiska baa ogaatay oo amartay in dagaal lagu qaado, isaga oo gumaysigii adeegsanayo xeeladihii qaybi oo xukun.

Berbera Sayidka ka hor waxaa yimid Richard Burton (Haji Abdalla) oo ah magic uu labacay, laakiin reer Berbera waxay ula baxeen Sheikh Abdalla. Richard Burton wuxuu afka Carabiga ku soo bartay Trinity College, Oxford, waxaa loo soo diray India, ka dib waxaa loo soo diray Somalia ilaa Nile si uu u soo sahamiyey oo Ingiriisku dego. Wuxuu kale oo muddo soo joogay Makka iyo Madina. Wuxuu u shaqaynayey si basaasnimo ah.

Richard Burtons (Haji Abdalla) intuu joogay Berbera isaga ayaa Reer berbera tujin jiray. Burton wuxuu Saylac yimid 1956 oo sanadii Sayidku dhashay, wuxuu u gudbay Harar, markuu ku sugnaa 10 beri ayuu la kumay Amiir Nuur, markii la waraystay waxaa lagu amray in uu 48 gudahood kaga gudbo xuduuda Harar, sidaas buu ku soo cararay oo Berbera ku yimid, oo aad looga soo dhaweeyey.

Richard Burton (Haji Abdalla) wuxuu Reer Berbera waydiistay in gabdho Somaliyeed loo keeno si uu cilmi baaris ugu sameeyo, cilmi baaristaas oo ah Waxa ay ku kala duwan yihiin Gadhaha Somaliyeed ee la guday, iyo kuwa Reer Yurub ee aan la gudin. Arintaas foosha xumi markay dhacday ayaa ilaa 300 oo dhallinyaro ah, una badan Ciise Muuse ay habeen madaw dagaal ku soo qaadeen iyaka oo warmo wata, waxayna ka dileen Stroyan. Richard Burton (Haji Abdalla) iyo John Hanning Speke iyakana si xun baa loo dhaawacay.

Ka dib waxay si deg deg ugu carareen Cadan. Markay Cadan Dhakhtar kula kulmeen, waxaa Richard Burton (Haji Abdalla) oo la helay oo dhaawicii u dheeraa jabti (Syphilis) dhaawacyadii loo gaystay ka sokow, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ilkaha oo laga daadiyey, daanka oo laga jebiyey. Wuxuuna sheegay in uu ka qaaday jiradaas jabtida gabadh qurux badan oo Somaliyeed sida ku qoran buuga, (Robert Edgerton, The Troubled Heart of Africa, A History of Congo, p 28 iyo Christopher Hibbert, Africa Explored Europeans in the Dark Continent 1769-1889, pp. 204-209.)

Richard Burton, wuxuu markaas safarkiisii ka qoray buugga, lagu magacaabo First Footsteps in Africa, Reer Harrar aad buu u amaanay inkasta oo ay soo eryeen, wuxuuna aad ugu faraxsanaa in uu noqday Farajigii (foreigner) u horeeyey ee booqday Harar oo Reer Yurub aad u danaynayeen.

Berbera oo taariikhdaas soo martay aad bay uga hortimid Sayidka iyo halgankiisii. Waxaana laga dumiyey Masaajidkii Sayidka ee Berbera oo lagu tilmaamay in ay Saalixiya yihiin, Reer Berberana ay tahay Qaadiriya.

Markuu ka hadlayey heshiiskii uu diiday in uu la galo Gumaysiga Ingiriiska gabaygiisii waxaa ka mid ahaa:

· Dalka ma lihid anigaa ku idhih doora weynaha eh

· Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)

· Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooyeh

· Diintayda anigaan ku gadan dabaqii naareedeh

· Anaan labada ******* tan hore darajo moodaynin.

· Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu gelineh

· Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabaneh

· Sida doxorka ****** anaan duud-xamaal noqoneh

· Doofaarka eyga ah anaan daarihiis gelineh

· Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhaneh

· Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyineh.

Dagaalkii daraawiishtu ku dishay Richard Corfield waxaa wax ka qoray Ray Beachey, The Warior Mullah: The Horn Africane, London 1990. Wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid xeelad adag ay Darawishtu ku dagaalantay, ciidanka Ingiriiska wuxuu ahaa 110 Burco ka yimid, 35 goobtii baa lagu dilay ay ka mid ahaayeen (Corfield, Dunn, Ducaale), 17 dhaawac xun baa gaaray, 24 waa fakadeen lamana helin raq iyo ruux, 10 goobtii ayey ka carareen.

Ismaaciil Mire (Raximahu laah) wuxuu hogaaminayey ciidankii dagaalka ku qaaday ciidamadii Ingiriiska ee uu hogaaminayey Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii.

Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dhimashdii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela.

Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Mahammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Ismail Mire gabaygiisii waxaa ka mid ahaa:

· Gidhligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela,

· Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,

· Turjubaannadii daba socday iyo Koofil lagu toogay.

· Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,

· Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,

· Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay.

 

Markaa ka ddibna Sayid Mohamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey, oo wuxuu yidhi:

Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee

Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla'aaneede

Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye

Jameecooyinkii iyo haddaad, jaw*****i aragto

Sida Eebahey kuu jirabay, Mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh

Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh

Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh

Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

 

 

Sanadkii1910 ayaa Daraawiishi laba qalcadood ka dhistay ceelka. "Buraan" oo ah togga Jiidali daantiisa koonfureed. Hase yeeshee, waxaana ka cadhooday boqor Osman,oo markaas u talinayey Gobolka Bari, iyo Garaad Mahamud Ali Shire oo Daraawiish ka soo horjeeday, madaxna ka ahaa Laas-qoray iyo Ceelaayo.

Booqor ka iyo Sultaanku waxay ku heshiiyeen in Daraawiish laga kiciyo ceelkaas "Buraan", waxyna marmarsiinyo ka dhigteen inay nabaddooda Daraawiishtu halis gelinayaan, dalkay fadhiyeenna daabkiisii qabsadeen. Boqorkii wuxuu soo diray ciidan tiro badan Mahamuud Cali Shire wuxuu isna soo diray ciidan badan.

Markay qabsadeen labadii qalcadood ayaa Sayidkii ciidan daraawiish u diray si looka kiciyo labadaas qalcadood, markiiba daraawiishtii cagta bay mariyeen. Waxaa markaas Sayidkii tiriyey gabay taariikhi ah, ayna ka mid ayaaheen:

 

 

Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay

Wax la soo dadaanshaba haddiin nala dul garriishay

Dildilaaca waaberi hadii nalagu sii daayey

Annagoon digniin qabin haddii nala dreensiiyo

Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay

Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay

Qaylada daluunta ah haddii nala dareensiiyo

Degdeg inaan usoo rooro waa dawlad alabkeede

Ma dul keennay kuman duub cad oo wada Daraawiish ah

Dirki hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu

Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageeneh

Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay

Sidii aar daloombiyi markaaan ugu dinaah yeeyey

Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey

Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay

Denbi ma leh cadaawaha ninkii deli ka xooraaye

Darajuu Ilaahiis ka heli labada ****** eh

Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaaneh

Faranjiga direyska leh kuwii diirada u qaaday

Iyakaa ba dariiqada Alleh iyo diinta caasiye eh

Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha eh

Isla gabaygaas oo dheeraa waxaa kale oo ka mid ahaa gabaygaas Sayid Mohamed Abdulle Hassan:

Dareemada ka badan meydka yaal didibta buureedeh

Dhiigoodu sida doogsin roob waysagii duxayeh

Dugaagii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiyeh

Nimanyahow af laba daan leh baad muranka deyneyneh

Daleeloada cid laah lagama shubo hadal daleeleedeh

Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helayeh.

Waxaa mar kale Boqor Osman ciidan ku kiciyey daraawiishta, ciidankaas waxaa hogaaminayey Bile, oo ahaa la taliyaha Boqor Osman. Markii la ishaleelay, daraawiishta waa jebisay ciidankii Boqor Osman, waxay xireen Bile. Halkaas Sayidkii wuxuu ka tiriyey gabay, waxaana ka mid ahaa:

· Inaan Bile tagoogada ka xidhay, tebiya oo geeya

· Inuu xaarka taallada ka dhigay, tabiya oo geeya

· Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya

· Labamaare inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya

· Shanle-dheere inuusan wax tarin, tebiya oo geeya

· Cabdiraxiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya

· Daraawiishi inaysan tureyn, tebiya oo geeya

· In Ustaadku tiir-dhaadan yahay, tebiya oo geeya.

Waxaa kale oo Sayidku af kahadal kula dagaalami jiray reeraha diiday in ay raacaan daraawiishta, xitaa reerka uu ka dhashayba ha ahaatee, waxaana gabadiisii ka mid ahaa:

Sidii garow hadhuudh baan kurtiis, guran ******** neh

Gurraas iyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana eh

Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalal eh

Gaas baa ku caran Reer Subeyr, gobora wayntiiyeh

Kolaan Goora cobolley ka dayo, amase Geel-loo-kor

Huwan waa ka gabangaabsan jirey, gelin ma waayaaye

Bal Haaruun xaggee baa la geydayen, Goha miyuu dhaafi?

Dagaalkii Diyaaradda ee Talex iyo ka horba maxaabiistii laga qabtay daraawiishta waxaa loo dhoofiyey India, waxaana loo qaybiyey afar xabsi oo kala ahaa:

Yaravda Central Prison oo lagu xiray 51 maxbuus.

Ahmedabad Central Prison oo lagu xiray 36 maxbuus.

Hyderabad Central Prison waxaa lagu xiray 29 maxbuus, iyo

Thana Special Prison oo lagu riray 29 maxbuus.

Maxaabiistaasi intii ay xirnaayeen waxaa xabsiga ku dhintay qaar ka mid ah, waxayna kala ahaayeen:

· Farah Osman dhintay April 17, 1919 Ahmedabad Central Prison.

· Yusuf Farax, Fabaraayo 19, 1920, Ahmeddebad Central Prison.

· Dualeh Yusuf, dhintay Fabaraayo 11, 1920, Ahmedabad Central Prison.

· Hassan Warsame dhintay June 3, 1919, Thana Special Prison.

· Fahiye Ali, dhintay June 9, 1919, Thana Special Prison.

· Jamac Samatar, dhintay December 11, 1919, Thana Special Prison.

 

Waxaa gumaysigii isku dayey in uu qabto Sayidka, waxaase Sayidkii u talaabay Iimey iyo Ethiopia isaka oo sii maray Baydhaba, wuxuuna markaas tiriyey tix uu ummadda Somaliyeed kula dar daarmayo, ayna ka mid ahayd:

· Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan

· Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiiseh

· Nin rageey dardaaran way u tahaye doqoni waa moogeh

· Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiyeh

· Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine

· Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada eh

· Marka xigaa dushuu idinka rari sida dameeraha eh

· Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay

· Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiyeh.

Waxaa halkaas ku hakaday halgankii wedenaga ahaa ee Darawiisha, Somalidiina waxay gacanta u gashay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi oo heshiis ku ahaa la dagaalanka Daraawiishta. Markaasaa Ingiriiskii gacanta ku dhigay Suldaan Mohamoud Ali Shire, loona masaafuriyey Seychelles May 3, 1920, iyada oo la sii mariyey Bombay, India, iyada oo la sii saaray markabka HMS Odin.

Sidaas si leeg Talyaani wuxuu soo gaaray Gobalka Bari, wuxuu kale oo 1923 ka bilaabay Afgoye iyo Janaale in uu dadka beeraha ku falo, webigana kaga talaabi jiray, waxaana ka mid ahaa goobtii caanka noqotay ee Kelli Asaylle, ee ragii ku dhintay dumarkoodii asay u qaadeen, halkaas oo magucu ka yimid.

 

Xilligii xoriyadda ayaa Mudane Abdullaahi Suldaan Mahamed "Timacade", uu Beerta Xoriyadd, Hargeisa on June 26, 1960 ka tiriyey tix uu ku xasuusanayo halgankii Darawiishta, taas oo noqotay markii u horaysay ee Gobalada Waqooye Galbeed laga soo amaano halgankii Darawiishta, wuxuuna yiri:

 

Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya,

Allow yaa damaashaad farxad leh kala dul eedaama,

Allow yaa dalkaagii ku dhaha dowlad nimo qaaday,

Dhaaxuu ku daakirey xaqii naga dahsoonaayeh,

In dariiqadii toosan tahoo dihini soo gaarin,

oo uu dabkuu shidey rag kale dogobyo sii saarey,

Allow yaa af lama daaliyeeh daacad ugu sheega.

 

Xukunka Daraawiishtu wuxuu gaaray xagga Bari Ilaa Ayl, Waqooye Badda Cas, Koonfur ilaa Wardheer iyo Galbeed ilaa Kiridh. Cudur daar, Gabayadan taariikhiga ah wax kala huf ah (censorship) laguma samayn lagumana samaynayo, waana taariikh ay daraawiishtii samaysatay, markaas cidii dhibsataa qoraalkan waa laga raalli geliyey.

 

Guul iyo gobanimo.

 

Qore:Ahmed idle Mohamed.(Abwaan).

__________________

 

Edited out explicit tribal terms.

 

[ February 02, 2006, 03:35: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

SAYID MAX,D C/DULLE XASSAN,XAAJI ADAN AF-QALOOC,C.LAAHI TIMA-CADDE,IYO CAREEYS CIISE KAARSHE.

Halgankii Dheeraa ee Ummadda Somaaliyeed u Soo Martay Xoriyadda qaaliga,Sugaantu Waxeey ka Soo Qaadatay Kaalin aad iyo aad u Muhiim ah,Waxaana La Orankaa Kaalinta

Kowaad ee Halganka Waxaa ku Jirtay Doorka Sugaanta Noocyadeeda Badan,Gaar ahaan

Gabayga oo ah Nooca Loogu Jeceyl-yahay,Dadkana Si Deg-deg ah ug Gaara,Si Weyna Loo

Dhuuxo,Ummadda Somaaliyeedna Af-tahan ku Tahay Sugaanta Noocyadeeda Kala Duwan.

 

Halgankii Sayid Maxamed C/Dulle Xassan iyo Daraawiishii Halyeeyadda ahaa,Ayaa Midka La

Oran Karro Wuxuu Ugu Muhiimsanaa Halgankii Hubeeysnaa ee Somaalidu ku Qaaday Sedexdii Gumeeyse ee Dalka Somaaliyeed Soo Maray,Ingiriiskii,Talyaanigii iyo Amxaaradda,

Waana La Wadda Ogyahay Guulihii iyo Wacdarihii Geesimo ee Daraawiishtu ku Dhigeen

Gumeeysigga,Waana Kuwo Taariikhda ku Qoran,Waxaa Xusid Mudan Saraakiishii Magaca

Weynaa ee Isticmaarku Waayeen,oo Daraawiishtu eey Meydkoodii Dhigtay Goobihii Dagaalada Waaweyni ka Dhaceen,Waxaa Kalle oo Si Weyn loo Ogyahay in Somaalidda

Qaarkeed Si Weyn ula Safnaayeen,Gacan Yarre u Ahaayeen Gumeeysigga Ingiriiska iyo Midka Talyaanigga,Ama Mararka Qaarkood eey Iyagu ka Soo Horeeyn Jireen Isticmaarka,

Waxaana La Wadda Ogyahay in Dalkeena Somaaliya La Keenay Ciidamo ka Socday Handiya

Kenya,iyo Dalal Kaleba,Waana Dalkii ugu Horeey oo Afrika ah oo Loo Adeegsado Dayiiradaha Dagaalka(Xaruntii Daraawiishta ee Taleex)Degaanka Nugaasha Gobolka Sool.

 

Sayid Maxamed,Geesinimadda Dagaalka,Hoggaaminta,Qorsheynta iyo Abaabulka Xoogagii

Faraha Badnaa ee Daraawiishta,ka Sokoow Waa Nin Sugaanta Somaaliyeed Heerka Ugu

Sareeya ka Gaaray,Gabaygga,Masafadda,Geeraarka iyo Xataa Ciyaaraha Dhaqanka,Sidoo

Kalle Wuxuu ahaa Sheekh Caalim ah,oo Aqoonta Diinta Islaamka Mufti ku ah,Luqadda Afka

Carabigana Baxar ku Ahaa,Aftahan,Xeer Dheere Luqadda Somaaligga iyo Hab Dhaqameedka

Ummadda Somaaliyeedna Si Weyn u Yaqaana,Runtiina ku Dhashay,kuna Barbaaray Dhulka

Ku Caanka ah Dhaqan Wanaagga iyo Xikmadda Weyn ee Dhinaca Sugaanta oo ahaa Dhulkii

Daraawiishtu Xarunta Ka Dhigatay,Dadka Daraawiishta ahina ka Soo Jeedeen,Kuwaasoo ahaa Sayidka Reer Abtigii.

 

Sayadi Maxamed,Wuxuu Tiriyeey Gabayo Ciidaas Ka Badan,oo Xikmad Dheer lahaa,Qiimo

Weyn ku Fadhiyeey,Erayo Culus Lahaa,Miisaan iyo Qaafilad Wacan Lahaa,Arar Qurxoon leh,

Carad Dheer Lahaa,Isku Xirnaansho Wanaagsan leh,oo aan Laga Xiisa Dhici Karrin,Waana

Kuwo Ilaa Maanta Kaalinta Koowaad kaga Jirra Sugaanta Somaaliyeed,Gaar ahaan Gabaygga

Waxaan Oran Karraa Xaraf ka Gabeygga Ayaa aheyd Mid Cajiib ah,Qiimo Gaar ahna u Yeeshay Sugaanta Sayid Maxamed,Bal Eeeg:-Gudban,Dardaaran,Miinanlle,Saha Kacy,Kofil,

Walhad,Jiinleey,Gurigii Dariiqadda,Nabsi,Rayidoow,Warka Badda La Keenay,Xiin Xiniin,

Canjeel Talo Waayeey,Xuseenoow Hagaagteyey,Daraawiishta Saalixiya,***** ,Mowdku ka Adeegin,Xirsi Niquus,Xuseenoow Warbaab Kuu Hayaa,Daboolane,Haleys Dilo,iyo Kuwo Kalle

oo aad iyo aad u Fara Badan,Dhammaantood Waxeey ku Dhisan Yihiin Xikmad Weyn oo Guun ah,Waaya Aragnimo,Tusaalen,Wax u Sheegid,Taariikh,Waano,Talo Siin iyo Ka Faaloodka Waayaha Aduunyadda,Sayidku Wuxuu Lahaa Wax La Yiraahdo,Xeer Dheer Aqooneed,Wuxuuna Si Weyn uga Dheregsanaa Taariikhaha Ummadaha Kalle iyo Waxyaabaha Aduunyadda Ka Dhacay,oo uu Ummadda Somaaliyeed ku Tusaaleeynaayeey,

Si aad iyo aad u Weyn Ayuu Sayid Maxamed,Gabeyga ugu Soo Halgameey,Cadowggana

ku Weeraray,Dhaxal aad iyo aad u Qaali ahna Wuxuu Uga Tegay Ummadda Somaaliyeed,

Waxaan Jeclaan Lahaa In aan Halkan Amaan iyo Bogaadiin Uga Soo Jeediyeey-Sheekh

Jaamac oo ah Ninkii Si Weyn ugu Dadaaley Soo Ururinta iyo Qorista Gabeygga Sayidka.

 

Waxaa Kalle oo Xusid Mudan-Aqoonyahankii Weynaa ee Somaaliyeed,Xaaji Aadan Afqalooc,

oo Ummadda Somaaliyeed Si Weyn ugu Tusaaleey Gabey-yadiisii Qiimaha Weyn ku Fadhiyeey,Si Weyn ugu Dhiiri Geliyeey Halkanka Gobanimadda iyo Qiimaha Xoriyadda,

Wuxuuna Xaajiyo Tiriyeey-Sugaan Fara Badan oo Qiiro Weyn leh,Waxaana Ka Mid ahaa:-

Digniin iyo Toosin,Gubaabo iyo Kicin,Ceerigaabo,Ololaha Hadeyniina,Marwo,Dalmar,Iyo Kuwo

Kalle oo Badan,Wuxuuna Xaajigo Si Weyn ula Hadlay Xukuumadihii Somaaliyeed,Wuxuu ka

Digeey Maamul Xumadda iyo Musuq-maasaqa,Qabyaaladda iyo Cadaalad Daradda.

 

C/laahii Suldaan Tima-Cadde,Waa Gabey-yaagii Gobanimadda Doorka Weyn ka Soo Ciyaaray

Sidda Weyna u Dhiiri Geliyeey Ummadda Somaaliyeed,Wuxuu Afkiisa Kula Dagaalamay Gumeeysigii,Wuxuuna Had iyo Jeer ku Talin Jirrray Midnimadda iyo Isku Duubnidda Umadda Somaaliyeed,Wuxuu Tilmaan Cad ka Bixin Jirray Adeegsigga Qabyaaladda iyo

Cadaalad Daradda,Waxaa Gabayadiisii ka mid ahaa:-Hal Kuu Dhigay,Kana Siib Kana Saar,

Casiisoow Mahadaa,Geela,Dugsi Ma la ha Qabyaalidi,Hadafka Barlamaan,Kala daaya,Iyo

Ra,iisal Wasaarre,iyo Kuwo Kalle oo Qiimo Weyn Lahaa.

 

Careeys Ciise Kaarshe,Wuxuu ku Caan Baxay Sugaanta Dhinaca Saarka,oo ah Nooc u

Baahan ku Luuqan Gaar ah iyo Isticmaalidda Muusikadda,Wuxuuna Ummadda Somaaliyeed

u Soo Bandhigay Saarar Fara Badan oo Qiimo Weyn leh,Xikmad ku Fadhiya,Ujeedo Cadna

Leh,oo Markaas Taagan ama Abwaanka u Muuqata,Waxaana Saararkiisii ka Mid ahaa:-

Hooyadu Waa Lama Huraan,Gumeeysi iyo Gobanimo,Maantaan Dhalanay,Murug,Kala Fiican,

Uma Seexan Aad,Maraabe iyo Wan,Howl Kama Daalayaal iyo Kuwo Kalleba.

 

Aafartaas Halgano,Sugaan Yaqaan,Aftahan,Wadaniyiinta Ahaa,Waxeey Ummadda Somaliyeed u Reebeen Dhaxal Ma Guuraan ah,Dhaxal Qaali ah,Dhaxal Tusaaleeyn ah,

Dhaxal Waayo Aragnimo leh,Dhaxal Talo Siin Dhab ah,Run ah,iyo Qiiro Wadani-nimo oo

Ku Dayasho leh,iyo Murti Dhaxal Gal ah,Micno Weyn ku Fadhidda,Loona Baahan Yahay in

Laga Faa,iideeysto,Lana Raaco Habkoodii Wadan Jaceylka ahaa,Dadnimo Wanaaga ahaa,

Aqoonta iyo Xikmadda Weyn Lahaa,Runtii Maanta Ummadda Somaaliyeed Si Weyn Ayeey

Ugu Baahan Tahay,Dib u Eegidda Sugaanta Dhaxal Galka ah ee Qiiradda Wadaniyadda ku

Saleeysan ee Marxuumiiintu inooga Tageen,Waxaan Illaaheena Weyn ee Waaxidka ah ugu

Rajeeyeey in uu Marxuumiintaas Janaddii ka Waraabeyo,Ummadda Somaaliyeedna eey Sidda ku Haboon Tusaalle uga Qaataan,Kana Faa,iideeystaan Murtidda Qaaligga ah oo eey

Dhaxalka Inoogu Dhigeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAAAN,I always wanted to ask the nomads if they have the biography of Sayid Abdulle Hassan. I heard about his Poetic talents too many times. And although am asumming I wouldnt probaby understand most of the language, I'm on a mission to learn and strengthen my somali reading skills so Iwill fight to the end :D . So if ya can point me to some direction to obtain his biography, I would appriciate it so much. Thanks.

-----------------------------------------------

Get Up!Up Even the best fall down sometimes

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

waataan taariikhdii sayidka gabadh soomaliyeed sis

Dhalashadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego; ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka f********, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.

 

 

Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.

 

 

Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeednna. waxuu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa.

 

 

Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada "Casuura" oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey shiikh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna caan baxdey "Caro Seed" waxa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.

 

 

Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta "Taleex" 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah

 

 

Maxamed cabdulle xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane",Waxaana la sheegay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii"scw" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay.wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn.Dabeecada ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo

 

 

Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey "Kud quraan". maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.

 

 

Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.

 

 

Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa'ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi. jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi "Cilmigii Abokor-fooldheere" ayaa buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan "Cilmiaale" oo afka carabiga furaha u ah, markaasna wuxuu la baxay Shiikh maxamed Shiikh cabdille. Qore: A.A

Share this post


Link to post
Share on other sites

Divine Madness by Abdi Shiekh Abdi is a wonderful book on the Sayid. However I dont know the Somali litriture but I know there are loads.

 

The Sayid was a hero..

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

1. ***** : wuxuu ula saxeexday jilib jilib si uu uga ilaaliyo in ay midoobaan, Shirwaynihii Berlin Ka hor iyo ka diba, waxayna kala ahaayeen sidan:

· Habar Awal iyo Ingiriiska sanadii 1827,

· Garxajis iyo Habar Jeclo, 1855.

· Habar Awal iyo East Indian Company sanadii 1856.

· Habar Awal iyo Ingiriiska sanadii 1884.

· Habar Jeclo iyo Ingiriiska 1884.

· Habar Garxejis iyo Ingiriiska sanadii 1884.

· Heshiiska Dekedda Berbera waxaa keliya oo saxeexay Ciise Muuse.

2. Gadaburi 1884, Ciise 1885, iyo Warsangeli sanadii 1886, waxay sadexdan Reer Ingiriiska la saxeexdeen heshiis midaysan qoys waliba.

3. *********** - wuxuu noqday Daraawiish, waxaana Ingiriisku la dagaalamayey 21 sano, ilaa uu diyaarad ku jebiyey.

Did the Daraawiish not sign a treaty with both the Italians and British in 1905?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya,

Allow yaa damaashaad farxad leh kala dul eedaama,

Allow yaa dalkaagii ku dhaha dowlad nimo qaaday,

Dhaaxuu ku daakirey xaqii naga dahsoonaayeh,

In dariiqadii toosan tahoo dihini soo gaarin,

oo uu dabkuu shidey rag kale dogobyo sii saarey,

Allow yaa af lama daaliyeeh daacad ugu sheega.

 

Nacam...maantana

 

Allow yaa dareensiin in dadkii dugaagoobey

Allow yaa yiraa dalkii waa daryeel beeley

Allow yaa mar kale dariiqii darwiish doona

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this