Jacaylbaro Posted April 20, 2010 Hargeysa (Waaheen) Xalay abaaro sideedii habeenimo ayaa waxa Hargaysa soo gaadhay qalab ka mid ah kuwii Doorashooyinka oo aan illaa hada la garanayn waxa ay yihiin. Qalbkan ayaa la sheegay inay siday Dayuurad khaas ah oo xalay fiidkii ku soo degtay Madaarka Hargeysa, taas oo ay shixnadii saarnayd ka soo qaadeen saddex baabuur oo ah kuwa waaweyn ee xamuulka qaada oo ay ilaalinayeen Ciidanka Birmadka ee sida gaar ka loogu tababaray ilaalinta Hay’adaha kuwaasoo u soo galbiyay dhinaca Komishanka. Sida ay sheegeen warar ku dhaw dhaw shixnadaasi xalay soo gaadhay guddida Doorashooyinka Qaranku waxa ay ku tilmaameen inay ahaayeen sanaaduuqdii lagu codaynayay iyo mishiino loogu talagalay hawlaha Doorashada kuwaas oo aan la cadayn waxa ay qabanayaan Waxa kale oo la sheegayaa in la filayay inay yimaadaan kaadhadhkii cusbaa ee Diiwaangalinta balse waxa la filayaa maalmaha fooda inagu soo haya inay Dalka soo gaadhaan inkastoo ay jiraan dib u dhac dhinaca Duulimaadka ah Dhinaca kalena waxa labadii maalmood ee u danbeeyay socday tababar loo furay shaqaalaha Ka hawlgalaya bixinta kaadhadhka cusub kuwaas oo la barayo qaabka ay u shaqayn doonaan iyadoo marka uu tababarku u dhamaado loo qaybin doono goobaha ay ka fulin doonaan bedelida kaadhadhka Komishanka Doorashooyinka ayaa hore u sheegay inay Doorashadu ku qabsoomi doonto bisha Juun, iyadoo bisha May-na la dhamaystiridoono bixinta kaadhadhka cusub ee lagu codayn doono hase ahaatee waxa la isweydiinayaa suurtagalnimada wakhtiga yar ee hadhay inay Doorashadu ku dhici doonto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 20, 2010 Good news Well done Electoral Commission Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 20, 2010 Sanaaduuqdii Codaynta Doorashadda Madaxtooyadda oo Dalka soo Gaadhay iyo Komishanka oo Hadlay Waxa kale oo sida masuuliyiinta Komishanku sheegeen la filayaa in waraaqihii codaynta iyo qalabkii kale ee doorashadda lagu gelayey iyaguna sida ugu dhakhsaha badan dalka u yimaadaan Hargeysa (GNS)- Qalabkii u horeeyey ee loogu tallogalay in lagu galo doorashadda madaxtooyadda Somaliland, ayaa shalay dalka soo gaadhay, kaasi oo ay siday diyaarad ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sada xalay lagu faafiyey telefishanka Universal, waxa dalka soo gaadhay sanaaduuqda lagu codaynayo marka bisha June ee sannadkan loo dareero doorashada madaxtooyadda, kuwaasi oo lagu sameeyey dalka Denmark ee qaarada Yurub. Waxa kale oo sida masuuliyiinta Komishanku sheegeen la filayaa in waraaqihii codaynta iyo qalabkii kale ee doorashadda lagu gelayey iyaguna sida ugu dhakhsaha badan dalka u yimaadaan si labada toddobaad ee u horeeya bisha May ee sannadkan 2010 loo qaybiyo waraaqaha codaynta ee lagu beddelayo kuwii ay hore u haysteen dadkii doorashada isu diwaangeliyey. Md. Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka oo faah-faahin ka bixinayay nooca qalabka shalay la soo gaadhsiiyey, ayaa sheegay in qalabka la soo gaadhay inta ugu badani tahay Sanaaduuqdii loogu talagalay codbixinta, oo ah noocii ugu casrisanaa sanaaduuqda doorashooyinka dunida. Waxaanu xusay in Sanaaduuqda loo keenay laga dhex arkayo Waraaqaha codaynta marka lagu rido (Sanaaduuq Muraayad ah). “Qaybtan na soo gaadhay waa qaybtii ugu horreysay qalabka doorashada, isla markaana waa qalab casri ah oo tayadiisu aad u sarrayso, oo shirkadda Qandaraaska qaadatay ay ka soo iibisay magaalada Copanhegan ee dalka Denmark. Qaybaha qalabka doorashada ka hadhsani waxay noo imanayaan maalmaha soo socda, si is daba-joog ah ayaana qalabkaas loo keenayaa illaa inta laga soo dhamaystirayo. Waxyaabaha hadhay waxa ka mid ah, Waraaqihii codaynta, kaadhaddkii lagu beddalayay kaadhadkii hore ee diiwaangelinta, khadkii codbixiyayaasha lagu calaamadinayay iyo noocyo kale oo badan oo ka mid ah qalabka aannu sugayno, si dhakhso ahna waa loo keenayaa qalabkaas,” ayuu yidhi; Md. Cabdiraxmaan Dixood. Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa maalintii la kala saxeexday xeerka anshaxa caddeeyey in doorashada madaxatooyadda Somaliland ay dalka ka dhici doonto bisha June ee sannadkan 2010 Gabileynews desk -------------------------------------------------------------------------------- Published: 2010-04-20 Source: Jamhuuriya online Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 20, 2010 Ha la sii buuxiyo! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 20, 2010 The first batch of 2010 ballot boxes made of transparent plastic have arrived in Hargeisa on Monday ahead of the forthcoming Presidential elections in Somaliland. According to Hargeisa based newspaper, Geeska Afrika, the first batch have arrived from one of the EU nations on Monday afternoon on a private jet and were taken to the headquarters of the National Electoral Commission (NEC). They added that the NEC is also expected to reveal the official number of legitimate voters in the coming weeks, it is expected roughly 1.1 million people would vote. NEC has said also they were expecting the new biometric cards inked for Faces Technology to arrive within May 2nd from South Africa. NEC has not yet revealed the number of polling stations and when the next batch of ballot boxes will arrive. This comes hours after Special Representative for the UN Secretary-General for Somalia, Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, issued a letter from his Nairobi office stating: “The issuance of new voter registration cards will begin the second week in May 2010. Somaliland continues to give priority to discussion and dialogue over violence.” The general elections are expected to be held in June of 2010 throughout Somaliland. The elections are funded by a number of EU nations and the United States. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 20, 2010 Originally posted by Norfsky: Ha la sii buuxiyo! Ma Odaygii baa sidaa yidhi ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 20, 2010 Maya. UDUB uun baa waxaa garanaaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 21, 2010 way kaa fakatee iska daa ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites