ANWAR Posted November 11, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Howlgal ballaaran oo saakay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen saakay gudaha Suuqa Bakaaraha ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah xubnaha ugu sareeya golaha la magac baxay golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** oo la aaminsan yahay iney qeyb ka yihiin dagaalada ka socda Muqdisho. Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka garabka Golahaasi ee uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa saakay ciidamadu ay ku soo qabteen howlgal ay ka fuliyeen gudaha suuqa Bakaaraha xili uu ku sugnaa guri ku yaal halkaasi oo hub fara badan uu ka buuxay gurigaasi sida ay ku warameen saraakiisha howlgalkaasi fulineysay oo xiriir nala soo sameeyay. Axmed Diiriye iyo xubno kale oo ay ku jiraan ilaaladiisa ayaa mid ka mid ah xabsiyada Muqdisho loo gudbiyay sida ay sheegeen saraakiishaasi waxayna ciidamada la wareegeen hub isugu jiray Baasuukeyaal, bambooyin iyo waxyaabaha kale ee qarxa, sidoo kale ciidamada waxay kaloo ku raad joogaan xubno kale oo garabkaasi ka mid ah sida Guddoomiyahooda Maxamed Xasan Xaad. Ciidamo lagu qiyaasay Kun ayaa howlgal xoogan ka wada Suuqa Bakaaraha iyadoo howlgaladaasina ay ku soo qabqabteen hub fara badan waxayna ciidamada kaxeynayeen shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay iney ku leug leeyihiin dagaalada ka dhanka ah dowladda. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites