Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu City: New Police Cheif wants to build on secure foundation..

Recommended Posts

Gaalkacyo:Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug oo Awaamir Dhanka Amaanka ah soo saaray.

20. august 2010

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Mudug ayaa soo saaray Awaamir dhanka amaanka ah oo ay uga talageen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana uu Talisku sheegey inuu waxbadan ka qabanayo Xaalada Amaan ee magaalo madaxda gobolka.

 

Taliyaha cusub ee qeybta Booliska ee gobolka Mudug G/lle Sare,Cabdirashiid Maxamed Dhaylo’aad ayaa Warbaahinta u sheegey in ay Mamnuuceen isticmaalka Muraayadaha Madow ee aanan waxba looga jeedin gaariga & cida saaran,waxaana uusheegey in ay talaabo cad ka qaadi doonaan cid alaale & cidii Isticmaasha Bacaha madow ee Gawaarida Muraayadahooda lagu xiro.

 

Sidoo kale Taliyaha Cusub ee Qeybta Booliska gobolka Mudug wuxuu sheegey in ay Ganacsatada magaalada ee iibiya Alaabta ganacsi ee yar yar ay ku amreen in la joojiyo ama aanan la iibin Baaruuda qaraxda ee ay Ciyaalku ku ciyaareen islamarkaasna habeenadii lasoo dhaafay aad looga maqlayey gudaha magaalada Gaalkacyo kuwaas oo mararka qaar ay dadku umaleeyaan Rasaas magaalada ka dhex dhacaysa.

 

Dhinaca kale G/lle Sare,Dhaylo’aad wuxuu shacabka magaalada Gaalkacyo ka codsaday inay ka caawiyaan Hor’umarinta amaanka magaalada,Waxaana uu sheegey inuu doonayo in uu ka shaqeeyo amaanka Magaalada oo uu sheegey in markii uu xafiiska la wareegay aad u wanaagsanaa uuna sii wanaajin doono haddii ay Bulshada gobolka Mudug la shaqeeyaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this