General Duke Posted June 20, 2006 Soomaalida oo lagu casuumay kulan ka dhacaya Sudan Khartuum-20.June.2006 Masuul u hadlay wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Sudan ayaa waxaa uu sheegay in kulanka Khamiista inagu soo fool leh uu guddiga wasiirada Carbeed ee arrimaha Somaliya ku qaban doono magaalada Khartoum lagu casumay hogaamiyasha Somalida sida Madaxweynaha ,ra'isal wasaaraha ,gudoomiyaha barlamanka iyo gudoomiyaha Maxaakimta Islaamiga ah ,waxaana uu sheegay in ayka soo qayb gali doonan shirka. Masuulkani waxaa uu sheegay in kulankan lagaga gorfayn doono xaaladaha ka taagan Somaliya,dhaqan gelinta heshiis xabad joojin ah 'gaarista heshiis nabadeed ooka fogeeya Somaliy colaado hor leh oo qarxa isla markana ka beeldareeya fursadaha gacmaha shisheeye ee faragelinta ku wada Somaliya iyo in loo ogalaado kaalmoyinka bini'adanimo in ay gaaran dadka ku tabaalaysan Somaliya. Waxaa masuulkani uu sheegay in kulamadu ay ka dhici doonana hoolka Al-sadaqa subaxda iyo galabta Khamiista ah ,waxaana ka damayn doona shir jara'id oo ay si wada jir ah u qaban doonan wasiirka arrimaha dibeda ee Sudan Dr.Lam Akul iyo xoghayaha J/carabta Al-sayid Camar Musa. Waxaana kulanka subaxnimada Khamiista ka horayn doona kulan uu madaxweynaha dalka Sudan Gen Cumar AL-bashir uu la yeelan doono hogaamiyasha Somalida . Waxaa masuulkani uu sheegay in wufuudu ay soo gaari doonan Khartoum galabnimada Arbacada. Isla habeenka Khamiistu ay soo galayso waxaa la qaban doona kulan isugu jiri doona casho sharaf iyo wada tashi Guddiga Soomaliya ee hoos yimaada J/carabta ayaa waxaa uu ka kooban yahay dalalka Masar,Aljeriya ,Cuman,Sudan,Yemen,libya,Jibouti, Tuuisiya,Sucuudiga,Urdun iyo weliba J/carabta Faysal Geelle Cumar SBC Qardho Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted June 20, 2006 YES YES YES YES YES I LOVE YOU SUDAN MEY ALLAH BLESS YOU Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2006 ^ lol...A minute ago you was being vulgar... Quote Share this post Link to post Share on other sites