Jacaylbaro Posted November 13, 2009 Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland Generaal Cade Muuse ayaa waxa uu ka digay in uu faraha ka baxo amaanka maamulka Puntland. Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka sii daraysay xaaladaha amaan ee maamul goboleedka Puntland ayaa arintaasi waxaa markii ugu horaysay ka hadlay Generaal Muuse Xirsi Cade oo ah Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland. Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland Generaal Cade Muuse Xirsi oo u waramayay Shabelle isagoo ku sugan magaalada Qardho ayaa sheegay in hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka amni daro ee maalmahan ku soo batay Magaalooyinka hoos yimaada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku jiraan xitaa xarumihii maamulkaasi in ay arintu noqonayso in la isaga cararo Puntland isagoo ku sababeeyay afduubka iyo dilalka ka dhacaya halkaasi. Dhanka kale Generaal Cade Muuse Xirsi ayaa waxa uu sheegay in uu Siyaasada isaga fariisanayo kadib 47-sano oo uu soo shaqeeyay islamarkaana doorashadii ugu danbaysay looga adkaaday xilka Madaxtinimo oo uu uga guulaysatay Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo iminka talada haya. Cade Muuse ayaa intaasi ku daray in uu hubka meel iska dhigay hada kadibna waxa looga fadhiyo ay tahay talo iyo in uu wax ka qabto inta awoodiisa ah goobta uu xilligaasi ku suganyahay. Hadalka Cade Muuse ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbayay laga soo sheegayay maamul goboleedka Puntland dhibaatooyin amni daro oo ay kamid yihiin qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo loo gaysanayo dad ay ku jiraan Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 13, 2009 hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka amni daro ee maalmahan ku soo batay Magaalooyinka hoos yimaada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku jiraan xitaa xarumihii maamulkaasi in ay arintu noqonayso in la isaga cararo Puntland isagoo ku sababeeyay afduubka iyo dilalka ka dhacaya halkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 14, 2009 He is probably on something ..... I knew his return was not just a return ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 14, 2009 Tuute muuse is my fav puntland president wa dacad wa ninki yidhi Aniga ciyaal beezaani waayee nooh siida xamar le uu seexday . Garowe uma seexan. wa sheekadii xaabsade oo kalle eeh hargeisa ka dhacday Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 14, 2009 He is nicely saying, Yo laba farood, get out of the way since it has been proven that you can't rule. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted November 14, 2009 Horseednet Cadde Muuse;"Waa in dadweynaha Puntland ay ka Shaqeeyaan Midnimada iyo Amaanka". | read this item C/qani C/laahi Cabdi Horseed Media. Madaxweynihi hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadweynaha Puntland ay u istaagan sidii looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo Midnimada Puntland. Cadde Muuse ayaa waxaa u intaasi ku daray in dhibaato ay imaanayso hadi qof kasta la afduubo,taaso buu yiri marka dambe horseedi doonto in Hay’addaha wax u qabanaayay shacabka ay isaga baxaan dhamaantood degaanada Puntland. “Aduunka oo dhan waxaa ay diyaar u yihin in ay wax nala qabtaan,laakin marki arimahaasi loo kur galooba waxaad maqlaysa wax aad ka naxdo”,ayuu yir Jeneraal Cadde Muuse. Wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in wax u qabto qofkasta meesha u joogo. Kulan ula qaatay Madaxweyne Faroole Md.Cadde Muuse ayaa sheegay in kulan ay wada qaateen Madaxweynaha iminka ee Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud “Faroole”,waxaana u xusay in ay is afgarteen,inkastoo uusan carabaabin waxaa ay isku afgarteen. Waxaana u intaasi ku daray in ay ka go’aantahay in u ka shaqeeyo mashaaricda iyo horumarka Puntland. Ma doonaayo in aan wax xukumo,waxaana ahay Odey talo ayaan leeyahay”,ayuu yiri.wuxuuna shaaciyey in u isaga baxay Siyaasada una tibaaxay in u mudo 47-sano ka soo shaqaynaayay una sheegay in u hubka isaga dhigay. Ugu dambeyn Madaxweynihi hore ee Puntland waxaa u ugu baaqay Dowlada Puntland iyo shacabka in ay ka shaqeeyaan amaanka guud ee degaanada Puntland. Si kastaba arimahan ayaa ku soo beegmayaan xilli falal amaanka liid ku ah ay habeenadi ugu dambeeyey ay ka dhacaayeen qaar ka mid ah gobolada Puntland. Horseed Media. ”Ma doonaayo in aan wax xukumo,waxaana ahay Odey talo ayaan leeyahay”,ayuu yiri.wuxuuna shaaciyey in u isaga baxay Siyaasada una tibaaxay in u mudo 47-sano ka soo shaqaynaayay una sheegay in u hubka isaga dhigay I don't think he would say this, if he had other motives but as JB says "I knew his return was not just a return" but of course JB, (who seems to always hide the source), would like us to believe otherwise. NW Somalis and their love of conspiracy theories! When will it end. Quote Share this post Link to post Share on other sites