Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Axmed Cabdi xaabsade calls for peace between the somaliland clans in buhoodle.

Recommended Posts

Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay

 

“Waxaan Ugu Baaqayaa Beelaha Walaalaha Ah Waar Tolow Colka Jooja,” Axmed Cabdi Xaabsade

 

Hargeysa, November 21, 2010 (Haatuf) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan.

 

Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale.

 

Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa.

 

Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi “Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay’

 

Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi “Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja’ oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay

Written by Qaran news

Nov 21, 2010 at 12:35 PM

Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay

 

Hargeysa,(Qaran news) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan.

 

Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale.

 

Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa.

 

Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi "Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay'

 

Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi "Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja' oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this