Fabregas Posted July 15, 2007 No major clans or Somali are at war. Militias, Politicians and Warlords fight and they say they fight in the name of their clan. But they fight for their own interests. The most important issue should be the withdrawl of Ethiopian troops or at least their replacement with African/U.N troops. You also mentioned that clans need to reconcile with alleged crimes that were commited. This will not be done when this conference itself is led and hosted by men who were responsible for the crimes that occured during and after the civil war. You have a city which has ruthless warlord as it's mayor and a foreign entity guarding a conference which is supposed to be "reconciling" Somali clan, when this entity( Ethiopia) has been actively supporting different clans/militias against one another. Thus there is an inherent flaw in the whole set up of this conference. Pictures fof school kids and old men hugging can't detract from it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 lool. The Ethiopians are leaving when all the AU troops promised arrive. The TFG wants an international force and has even requested troops from the Arab world. Thus thats a non issue. Important things are 1. Reconciling the clans who fought each other under the titels of; USC,SNF,SSNM,RRA,SPM,SNM and so on. 2.Return of private property and lands speacialy in the capital to their rightful owners. 3.The way forward for 2009 and national elections. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Hoolka shirka uu ka furmay ee xaruntii hore ee gaadiidka Madaxda dowladda iyo ergo ka socota beesha caalamka oo ka muuqda madasha shir guddoonka Kiplikat oo ahaa shir guddoonkii shirkii lagu soo dhisay dowladda KMG ah oo hadalo ka jeediyay kulanka Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Shirweynihii Beelaha Soomaalida oo ka furmay Magaalada Muqdisho. Boqolaal ka mid ah ergooyin laga soo xulay Beelaha Soomaalida ayaa maanta shirweyne uu uga furmay Hoolka Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, iyadoo furitaankii shirka ay ka soo qeybgaleen diblomaasiyiin Caalami ah oo ka socday dalalka Afrikanka ah ee sida weyn u taageersan Dowladda Federaalka. Mas’uuliyiintii ka hadashay furitaanka shirweynaha Qaran oo ammaankiisa si weyn loo ilaalinayay isla markaana la xiray dhamaan wadooyinka Caasimadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Mas’uul ka socday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Danjiraha Uganda ee Soomaaliya, Danjiraha Yeman ee Soomaaliya, Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno kale. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo halkaasi ka aqriyay khudbad ka kooban 5 Bog oo A4 ah isla markaana Madaxweynuhu ugu horeyntii dalbaday in ergadu ay faataxo u akhriso Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan. Khudbadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu u jeediyay ka qeyb galayaasha shirka waxaa kale oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay sidii ay markii hore ahaan jirtay, dhismaha dowladda Federaalka, mas’uuliyada dowladda Federaalka iyo kaalinta ay shacabku ka qaadan karaan. “Hal shey baa dowladani ku saabsan tahay waana ka go’an tahay inay fuliso, waxayna diyaar u tahay inay wax kasta u hurto , Dowladda KMG ah waxay doonaysaa inay soomaaliya ku soo celiso Nabadii ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii khudbada jeedinayay ka muuqatay tabardaro aad u weyn. Intii khudbadda Madaxweynaha socotay ayaa waxaa soo dhacay dhawr Hoobiye taasina waxay keentay in Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha shirka uu Madaxweynuhu ku wargeliyay inuu khudbadiisa joojiyo, balse taasi waxaa ka hor yimid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo si cad u yiri mar kaliya ayaa la dhimanayaa ee joojin maayo khudbada. C/llaahi Yuusuf ayaa yiri waxaa idin caddeynayaa in Soomaaliya jujuub iyo xoog wax ku raadin ay ka dhamaatay, Waxaa dadweynuhu ka caban jireen dowlad soomaaliyed oo aan tixgelinaynin ra’yigooda xoogna ku maamulaysa aayahooda hadda waxaa taagan taa bedelkeeda oo ah in dowladdii ka kari la adahay qeybo shacabkii ka mid ah inay xaqooda ku qaataan si loo ogol yahay oo Nabad ah”. Dadkii ka hadlay shirka waxaa ka mid ahaa Guddoomiyihii shirkii Mbaghati Pathwel Kiblagat oo sheegay in marka xigta uu imaanayo Muqdisho ay soo wada guuri doonaan qoyskiisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 C/laahi Yuusuf oo soo galaya xarunta gaadiidka, isagoo salaamaya dad ku soo dhaweeyay halkaasi Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Qaar ka mid ah ergada oo la dhacsan qudbad ay dhageysanayaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Hoolka Shirarka Oo Ay Buuxdhaafiyeen Ergooyinkii Gobolada Iyo Shirka Oo Saacadka (Muqdisho}15.7-7 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulanka dib u heshiisiinta qaran oo saacad kadib ka furmi doona Xarunta Gaadiidka Booliska. Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha somalida ayaa goor dhow lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka goobta iyo waliba agagaarahaba si weyn ay u sugayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia. Shirka dib u heshiisiinta qaran, ee saacadaha soo socda lagu wado in uu ka furmo xarunta Gaadiidka Booliska, ayaa labo jeer oo hore u baaqaday, sababo lagu sheegay dhinaca ammaanka. Ergooyin fara badan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sugan yihiin gudaha Hoolka Shirarka, iyadoo lagu wado in halkaas ay qudbad ka jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka. Gudiga Shirka Dib u Heshiisiinta ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu shirka u qabsoomayo maanta. Mid ka mid ah Gudiga qaban qaabinaya kulanka ayaa saxaafada u sheegay in shirka uu saacad kadib furmayo, isla markaana ay u dhan yihiin ergadii ka qeyb geli laheyd. Ammaanka Xarunta uu ka dhacayo Kulanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Magaalada Muqdisho ay maanta tahay xarun ciidan. Shirkan dib u heshiisiineyd ayaa la ogeyn sida uu u guuleysan karo, iyadoo ay jiraan dad badan oo rajo xumo ka muujiyay qaabka uu Shirka u najaxi karo. Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ayaa la dhigay wado kasta, waxaana maanta aanu jirin dhaq dhaqaaq ka jira Degmada C/casiis iyo Degmada Shibis oo ah halka uu shirka ka dhacayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Xarunta Shirka Uu Ka Furmayo Oo Ay Siweyn Ugu Soo Qulqulayaan Wufuud Caalamiya (Muqdisho}15.7-7 iyadoo ay k ahadhsan tahay saacad furitaanka shirka dibuheshiisiinta somalia ayaa waxaa goobta shirka ku sugan wafuud caalamiya oo ay kamid yihiin................................................ Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada ee Itoobiya iyo shir gudoomiyihii shirkii dib u heshiisiinta Embagati Kenya Ambassador Bethwel Kiplagat iyo wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Kenya, iyo waliba xubno kale oo ka socda dowlada Kenya iyo midowga afrika intaba. Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada ee Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka jeediyo shirka dib u heshiisiinta la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo xaruntii hore ee gaadiidka booliiska ee degmada yaaqshiid. Ambassador Bethwel Kiplagat iyo wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Kenya oo isaguna kasoo degay garoonka muqdisho ayaan jirin cid ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha oo aan ka ahayn madaxa waaxda socdaalka ee garoonka “Gaafoow” oo xiligaasi ku sugnaa garoonka. . Waa wafdigii ugu horeysay oo Kenya uga timaada in ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta la filayo in saacadaha soo socda la furo Sidoo kale waxaa xarunta shirka dibuheshiisiinta oo ay ku dhan yihiin inta badan ergooyinkii shirka ka qaybgali lahaa ku sugan Gudoomiyaha baarlamaanka somalia sheekh aadan madoobe oo daqiiqado ka hor yimi xarunta shirka isagoo kasoo kicitimay magaalada baydhaba Goobta shirka iyo waliba xaafadaha kale ee ka agdhow ayaa waxaa aad u ilaalinaya ciidamada itoobiya iyo waliba kuwa dowlada Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Madaxda dowladda KMG ah iyo xubno kale oo soo dhaweynaya xubno ka socda IGAD oo ka soo qeybgalay kulanka Quote Share this post Link to post Share on other sites