Sign in to follow this  
General Duke

Somali National Conference starts: PICS

Recommended Posts

Furitaanka Shirka Qaranka Oo Lasoo Gaba-gabeeyay

 

Muqdisho(Calanka.com) 15-Luulyo-2007

 

Waxaa lasoo gaba-gabeeyay galabta furitaankii shirweynaha qaranka ee ka furmay maanta xarunta gaadiidaka ee magaalada Muqdisho, halkaaso ey isugu yimaadeen ergooyin iyo wufuud ka kala socota gobolada dalka iyo caalamka.

 

Shirka oo uu qudbad dheer ku furay madaxweynaha Somaliya ayaa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah, waxaana sidoo kale ka hadlay furitaanka gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran oo isna soo dhaweyn iyo mahad celin uga jeediyay madasha kasoo qeyb galayaasha iyo wufuuda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Shirka dib u heshiisiinta oo goor dhow si rasmi ah ugu furmay Muqdisho

15. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa goor dhow xarunta Gaadiidka Booliska si rasmi ah ugu furmay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed iyadoo uu Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya uu furay shirka.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad uu haatan ugu hadlayo furitaanka shirka dib u heshiisiinta ka socotaa xarunta gaadiidka Booliska.

 

Wixii ku soo kordha arrimaha shirka dib u heshiisiinta wararkeena danbe ayaa kala socon doontaan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay

 

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo lagu qabanayo Xerada Gaadiidka ee degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo aammaankana loo adkeeyey si aan horay loo arag.

 

Ilaa iyo 1,000 ergey oo ka kala socota gobollada dalka metelayana beelaha Soomaaliyeed ayaa shirkan maanta goob joog ka ahaa, iyadoo ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Ethiopian-ku ay hawlgallo ballaaran oo ammaanka lagu adkaynayo ay Muqdisho ka fulinayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Waddooyinka degmooyinka Xamar Weyne, Karaan iyo Cabdulcasiis oo ah halka uu shirku ka socdo ayaa la xiray, waxana halkaasi hawgal ballaaran kaga jira ciidamada dawladda iyo saaxiibadooda Ethiopian-ka.

 

Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha dalka tan iyo xilligii burburka.

 

Dhinaca kale, qaraxyo aan siyaasi u badnayn ayaa laga maqlay suuqa Bakaaraha iyadoo la soo weriyey in ay halkaasi ku dhaawacmeen saddex qof.

 

Qaraxyadan ayaa waxaa ka dambeeya koox ka soo hor jeedda shirka iyo dawladda intaba, kuwaas oo wacad ku maray in ay khalkhal gelin doonaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Laakiinse, marka la eego jawiga uu shirku ku furmay ayaa waxaa muuqata in shirka ay ilaalinayaan awood ku filan in ammaanka lagu xaqiijiyo.

 

 

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Conference for peace and reconciliation in Somalia underway

 

Mogadishu - A long-awaited conference for reconciliation meant to bring peace to Somalia after 16 years of civil war got underway in the volatile capital Mogadishu on Sunday, the Somali press agency Shabelle said.

 

Several hundred participants, among them representatives of rival clans, government, former warlords as well as foreign observers were in attendance at the gathering that was postponed on several occasion for various reasons, flare-ups of violence and death threats by Islamic militias.

 

The European Union-backed conference is considered the last chance for the weak interim government of President Abdullahi Yusuf to bring stability and strengthen the position of to the wrecked country in the Horn of Africa.

 

The conference is scheduled to last 45 days, but diplomats have said this time frame is not likely.

 

Somalia was plunged into anarchy in 1991, after warlords toppled dictator Mohammed Siad Barre and then turned on each other.

 

Source: Dpa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo ka tirsan degmooyinka C/casiis iyo Shibis, kuwaasoo aan ku dhoweyn goobta shirka balse si weyn ay u maqlayeen xubnihii ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta Qaranka.

 

Markii ay dhaceen qaraxyadan ayaa madaxweynaha laga codsaday inuu soo gaabiyo khudbadiisa furitaanka aheyd oo aad u dheereyd, balse wuxuu yiri madaxweynuhu.

 

“Adeer naf walba goortii ALLE u qadaro ayay go’eysaa, ee adinka ma baqdeen” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo sii watay khudbadiisii illaa uu ka dhameysto.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer are you serious, what about the clan that got cleanesed from Mogadishu?

What about the clans who have fought throughout the war in Galkacyu, Kismayu, North & South Mogadishu.

 

What about A/Qasin's clan's domination of the lower Shabbele? Do they not need to reconcile with the locals.

 

What about the properties lost by certain clans and occupied by others?

 

The major clans need reconciling then the internal clan differences between each needs to be dealt with.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this