General Duke Posted November 29, 2008 Amiirka Shabaabka Caalamiga Somalia Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane ayaa markii ugu horeysay boqolaal ka tirsan taageerayaashiisa kula hadlay degaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda Hoose. Ahmed Godane oo isticmaala magaca Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr wuxuu sheegay inay ahlu jinna yihiin lixdii wiil ee ku geeriyooday qaraxyadii Hargeysa. " Somaliland inay talis Mareykan tahay waa la ogyahay,waxaan maamula Ethiopia sidaas darteed waxaa nasiib daraa inaan hurudno inta xabsiyada ay ku hayaan Mujaahidiin Islaama"ayuu yiri Godane. " Lixdii Shahiidiyiinta,waxaan hubaa inay ahlu jinna yihiin waana diin la'aan warka shaqaalaha Somaliland burqanayaan,waxaana lama huraana inaana aduunyada sii jacleeysan oo nafteena hurno,ilaa ninkeena ugu dambeeyo ka xaqiijinayo dalka oo dowlad Islaama ka hirgasho"ayuu yiri Godane oo khudbadiisa inta badan ku qaatay gabayo uu ku cabiray qaraxyadii Hargeisa iyo bosaso ka dhacay. " Waxaan ahay reer Hargeysa,qabiilkeeygu waa Islaam,waxaan qolada Xukumadda Faasidka Somaliland oo leh,shan ka mida shahiidiyiintii isqarxiyay waa reer koofur,walaahi baan ku dhaartee waa Islaam saxiixa,waxayna u dhasheen Somaliland,weliba waxay ka yaraayeen 18 jir,iyaga ayaana jecleeystay inay shahaado qaataan"ayuu yiri Godane,Abuu Zubeyr. Boqolaal afka u duuban kana tirsan Shabaabka ayaa ku dhawaaqayay Allaahu Akbar,waxaana hareerahiisa taagnaa Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad oo la baxay Sheekh Abuukar Seylaci.sida ay Waagacusub u sheegeen dadkii ka qeybgalay. Godane oo watay lix iyo toban gaadiid dagaal waxaa la sheegay inuu u baqoolay dhinaca Kismayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa hore shaaca uga qaaday in ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia ay ka dambeeyeen qaraxyaddii khasaaraha badan gaystay ee 29 October lagu bartilmaameedsaday xarunta madaxtooyadda, Xafiiskii ganacsiga ee dalka Ethiopia iyo Xarunta Hay'adda UNDP. Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xafiiskiisa ugu waramayay Saxaafada ayaa sheegay in qaraxyadaas iyo dilal hore uga dhacay Somaliland oo lagu bartilmaameed saday dad ajaanib ah inay fuliyeen kana dambeeyeen ururka Al-Shabaab. Wasiirka oo ka hadlayay cidii ka dambaysay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa waxuu yidhi "Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur labadoodaasi ayaa qaraxyadan ku wada jiray oo madax ka ahaa. halkanse Somaliland qaraxyaddii u dambaysay waxa abaabulaha koowaad ka ahaa Nin la yidhaahdo C/fataax C/laahi Guutaale oo dhalasho Maraykan ah sitay inay sax tahay iyo in kale Mooyaane iyo Baasaboor Somalia ah labo jeer ah Madaarkan Hargeysa marna kaga dhoofay marna kaga soo degay labada jeerba Baasaboorka waa isku mid ee magaca ayaa kala badalan oo mar waxa ku qoran C/laahi Guutaale marna waxa ku qoray Axmed Muuse ayaa kooxda Hargeysa madax u ahaa iyo nin kale oo la yidhaahdo Nuur Sh.Muxumed oo fakaday." Wasiirku wuxuu sheegay in lixdii nin ee fuliyay qaraxyadii Hargeysa ay Shan ka mid ah ahaayeen reer Koonfur u dhashay dalka Somalia halka ka lixaad uu ka soo jeeday Somaliland hase yeeshee muu faahfahin Magacyadooda. Wasiirku waxuu xusay inay hayaan dhowr iyo toban qof oo qaar ka mid ahi yihiin dadkii gacanta ka gaystay ee la shaqaynayay kooxdii qaraxyadda fulisay. Waxaanuu tilmaamay in si dhakhso dacwadaasi loo horgeyn doono Maxkamada Somaliland. "Waxaan doonaynaa inaan maanta umadda u iftiimino oo aan u sheegaynaa reer Somaliland gudo iyo dibadba, yar iyo waynba weerarkii maalintii dhawayd Somaliland ka dhacay Cidii soo abaabushay ee madaxda ka ahayd iyo kuwii fuliyayba ee dhintay iyo kuwa nool meeshay doonaanba ha joogaane waa kooxda Al-Shabaab, kooxdan Al-Shabaabna maaha markii ugu horeysay ee Somaliland ay soo weerarto, waxay soo weerartay marar badan oo isdaba joog ah, waxaanuu kii u horeeyey dhacay 19/09/2008, waxay afduubeen Baabuur Hay'adda WFP leedahay waxaana howlgalkaasi madax ka ahaa Jaamac Kutiye oo kooxdii degmada Dhoqoshley lagu qabtay watay, waxa ku xigay dilkii nin la odhan Martin oo 30/12/2000 ka dhacay Hotel Star ee magaalada Hargeysa hortiisa, waxa ku xigay dilkii gabadhii Talyaaniga ahayd ee Analena Tonelli ee ka shaqaynaynay Isbitaalka TB –da ee Magaalada Boorama dilkaasina wuxuu dhacay 05/10/2003, waxa ku xigay dilkii Lamaanihii Macalimiintii Dugsiga sare ee Sheekh oo Ingiriis ah oo dhacay 08/11/2003."Ayuu Yidhi Md.. Cabdilaahi Cirro. Wasiirka daakhiliga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi "Waxa ku xigay dhacdadii lacagtii lagu dhacay degmada Wajaale 22/11/2003 oo ahayd hal Bilyan iyo Afar boqol oo milyan oo lacagta Ethiopia waxa kale oo jiray dilkii gabadh Kenya u dhalatay oo lagu dilay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera oo ahaa 19/03/2004, waxa iyana jirtay Miino aad u faro badnayn oo lagu qabtay magaalada Hargeysa 27/04/2006, waxa ku xigtay howlgal aad u balaadhnaa oo la doonayay in lagu dilo dadkii goobjoogayaashii Ajanabiga ahaa doorashadii Golaha Wakiilada waxana falkaasi ka madax ahaa Axmed Cabdi Godane, xiligaasi ayuuna Somailand ka baxsaday ." Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu ku eedeeyey howgaladii dilalkii dadka Ajaanibka ah ee Somaliland ka dhacay iyo howlgalkii Ciidamada Nabadgalyaddu ay ku qabteen Miinooyinka iyo Walxaha qarxa in ay magaalada Mugadisho ka soo maleegeen nin ku dhintay duqaynta maraykanka ee ka dhacday Dhuusa Mareeb ee Aadan Xaashi Cayrow, Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Jaamac Meecaad. Ururka Al-Shabaab ayaa ku jira liiska ururada Maraykanku u aqoonsaday Argagixisada caalamiga ah ee ku xidhan shabakada Al-qaa'cida. Cumar Maxamed Faarax Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 30, 2008 Beenin Iyo Cambaareyn War Been Abuur Ah Oo Ku Soo Baxay Shabakada Waaga Cusub Warkaas Oo Sheegaya "Shabaabka Oo U Jawaabay Somaliland." Aniga oo ah Cumar Maxamed Faarax kana mid ah suxifiyiinta Somaliland, isla markaana ah wakiilka shabakada Ramaasnews.com ee Somaliland, waxan si weyn u cambaareynayaa war been abuur ah, isla lagu magac dilayo sharaftayga shakhsi maantana ku soo baxay Website-ka Waagacusub. Warkaas Waaga cusub qorey waa been abuur aan sal iyo raadtoona lahayn, waxaanan ka codsanayaa ururada saxaafada iyo xukuumada Somaliland in maamulka waagacusub ay igala qeyb qaataan sidii sharciga loo horkeeni lahaa. Maaha markii ugu horeysa ee shabakadani war been abuur iyo magac dil qaawan ah ku sameyso suxufiyiinta Somaliland, waxaana uu ahaa kii ugu dambeeyey been abuurkii ay ku sameeyeen e-mailka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Mustafe Cabdi Ciise (Shiine). Ugu dambeyntii waxan ka dalbanayaa shebakadan waagacusub caddeyn ku saabsan warkan ay ku qortay macageyga. Allaa Mahad Leh Cumar Maxamed Faarax Hargeysa-Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites