Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Ciidamo ka tirsan Maxkamadda Badbaado ee Puntland oo soo gaaray Bandiiradleey.

Recommended Posts

Bandiiradleey 15, Nov.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan maxkamadda Badbaado oo dhowaan looga dhawaaqay w/magaalada Galkacyo ayaa maanta ku biirey ciidamada maxkamadaha islaamka ee fadhiga aagga Bandiiradleey, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe, iyadoo dhinaca kale Gen. Cadde Muuse uu booqday halka ay isku horfadhiyaan ciidamadiisa iyo kuwa MMI.

 

Taliyaha ciidamada Maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe Cali Bashiir ayaa u sheegay idaacadda shabelle in tiro u dhaxeysa 80-100 oo heyb ahaan ka soo jeeda Puntland daacadna u ah maxkamadda Badbaado oo dhowaan looga dhawaaqay W/magaalada Galkacyo ay maanta ku soo biireen ciidamadooda.

 

Waxa uu sheegay in maleeshiyadaan ay yihiin kuwo ku hubeysan qoryaha fudud, waxaana uu sheegay in isla maanta lagu biiriyay ciidamadaasi kuwa horfadhiya Puntland.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka soo jeeda Puntland ay ku biiraan Maxaakiimta islaamka somalia, iyadoo tanina ay noqoneyso mid dhabar jab ku ah maamulka Puntland oo dagaal kula jira maxkamadaha islaamka.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa booqasho ku tagay maanta meelaha ay ciidamadiisa iyo kuwa maxkamadaha ay isku horfadhiyaan ee agagaarka deegaanka Bandiiradleey.

 

Socdaalka cadde Muuse ayaa lagu macneeyay socdaalkiisa mid uu ku dhiirigalinayay ciidamadiisa in ay iska difaacaan weeraro kasta oo kaga yimaada maxkamadaha islaamka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this