Chief_Aaqil Posted July 12, 2010 Arday Ka Qalin Jebisey Mac-hadka OTTIB oo Shahaadooyin la Gudoonsiiye Written by Jidbaale.com Thursday, 08 July 2010 14:48 Buuhoodle(Jidbaale.com):-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08/07/2010 la-gudoonsiiyay shahadoyin arday ka qalin jabisay dhanka kuliyadda caafimaadka, ardaydaas oo ay tiradoodu ahayd 20 arday ayaa lagu gudoonsiiyay xaflad ka dhacday magalada buuhoodle, iyadoo ay kasoo qeyb galeyn dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadda. Sidoo kale waxaa xafladan ka soo qaybgalay isla markaan Shahaadooyinka gudoonsiiyey Ardayda Hogaamiyaha SSC Dr; Saleebaan Ciise Axmed{Xagla-Toosiye , ayadoo sidoo kalena uu goob joog ka ahaa madashii xafladu ka dhacaysay Hogaamiye ku xigeenka Hogaanku Col: Cali Sabrey. Daawo Sawiradda Madaxda SSC oo goobtaas hadal kooban ka jeediyey ayaa waxay labadooduba ka sheekeeyeen qiimaha ay lee dahay waxbarashadu, ayagoo ka soo sheekeeyey sidii ay wax u soo barteen ilaa heerka ay maanta gaadheen in ay ugu wacan tahay Dedaal ay sameeyeen iyo dhabar adayg. Waxay madaxdu ku booriyeen Ardayda in ay soo wataan waxbarashadadood isla markaana aqoontooda uga faa'ideeyaan shacabkooda oo aysan Guryaha la fadhiisan. Bulshaddii kasoo qeyb gashay xafladaani ayaa aad ugu riyaaqay sida habsimadda ah ee loo-soo agaasimay, iyadoo wejiyadooda laga dheehan karay dareen xamaasadeed ee ku aadan xaflaani. Maxamed Ibraahim Yusuf ayaa wuxuu kamid yahay labaatanka arday ee maanta ka qalin jabisay machadka OTTIB, waxaana wax ka weydiinay sida uu yahay dareenkiisa, hase ahaatee wuxuu inoo sheegay inaanan lasoo koobi karin, isagoo intaasi ku daray in muddo ah wixii uu soo tabcaayay, uu la-hiigsan doono mustaqbalka dhaw. Sidoo kale maamulaha macadka OTTIB Maxamed Cali Ducaale ayaa isna nooga warbixiyey mudada iskuulku uu furnaa iyo sababaha loo-furay isagoo shegay inuu ahaa iskuulkii ugu horeeyay ee caafimaad ah oo lagu furo magaala madaxda G/cayn ee buuhoodle, sidoo kelana uu nooga warbixiyey ardayda ka qalin jabisay macadka OTTIB, wuxuu intaa ku daray inay yihin arday gacanta ku dhigay mustaqbalkooda dambe isla markaana noqon donaan kuwa anfaca degeankoda. Si kastaba ha'ahaatee shacabka ku dhaqan magaaladda Buuhoodle ayaa siyaaba kala duwan hadlaaya, iyagoo qaarkood sheegay tani inay tahay talaabo wanaagsan oo dhanka horumarka ah, Jidbaale.com Buuhoodle http://picasaweb.google.com/Jidbaale.com/Qalin#slideshow/5491620981251137762 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chief_Aaqil Posted July 12, 2010 Silaanyo should imediatly go to Buhoodle and negotiate with Dr.Xaglatoosiya. And he should make him Minister of Education. I think he would do a good job. He has proved himself by doing his Phd and becoming a Dr and now by giving Certificates to students. Xaglatoosiye for Minister. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 12, 2010 Good for them ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 12, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Good for them ........ A man with more sense You should offer crush course for all the newbies Quote Share this post Link to post Share on other sites