Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

Attack on Muslim Websites

Recommended Posts

WEERARKII UGU BA’NAA OO LAGU HAYO BOGAGGA ISLAAMKE EE INTERNETKA,

 

YAA KA DANBEEYA?

 

WQ: Cabdisamad Xoday

Hoday30@hotmail.com

 

Internetka ayaa sannadahan danbe noqday meel bannaan oo qofwalba uu ku faafiyo waxa uu isagu aaminsanyahay. Waxaad ka heli kartaa wax walba oo iska soo hor jeeda; xaq & xaqdarro, gaalnimo & islaamnimo, xumaan & samaan, jihaad & argagaxiso, dagaal & nabad iyo waxyaabo kale oo farabadan oo iska soo hor jeeda.

 

In kasta oo qaybta ugu weyn ee internetka ay ka faa’iidaystaan waddammada Reer Galbeedka, ayaa haddana waxaa si lixaad leh uga faa’iidaysta Muslimiinta oo iyagu siyaabo kala duwan u isticmaala shabakadda internetka. Waxaa jira bogag (websites) lagu uruuriyo culuumta sharciga ah, kuwo akhbaarta muslimiinta baahiya, kuwo jihaadka iyo halganka hubaysan baritaara iyo kuwo adeegyo kale oo kala duwan qabtaba.

 

Sida aynu ognahay raadka uu internetku ku leeyahay isgaarsiinta maanta ma ahan mid sahlan, iyada oo akhbaartii jihaadka iyo halganka islaamku uu guri walba galay.

 

Iyaga oo haddaba taas ka duulaya ayay Yuhuuddu waxay u hawl-galeen, sidii ay u burburin-lahaayeen dhammaan bogagga muslimiinta, gaar ahaan kuwa jihaadka ama gobanima doonka la xiriira.

 

Sannadkii 2002, ayaa nin yuhuudi ah oo maraykan u dhashay magaciisana la yidhaahdo Andrew Aaron Weisburd, waxa uu aasaasay bog internetka ah oo uu u bixiyey HAGANAH. Kalmadda “haganah†waa kalmad afka ay Israa’iiliyiintu ku hadlaan ee Hebrew ah, waxaana lagu magacaabi jirey kooxo argagixiso ahaa oo waayadii ay Yuhuuddu qabsanayeen Filastiin 1920, ku caan baxay burburinta, laynta, qixinta iyo baabi’inta dadka muslimiinta ah ee halkaasi joogay. Haganah macnaheedu waa “Difaacâ€.

 

Hawsha uu ninkaas iyo shirkaddiisa yar ee Haganah qabtaan ayaa waxa ay tahay in ay raadiyaan, dabagalaan, waardiyeeyaan, isla markaana ay xiraan albaabadana u laabaan bogagga islaamiga ah ee soo gudbiya akhbaarta jihaadka ee Filastiin, Ciraaq, Chechniya, Afgaanistaan iyo meel walba oo ay ahaataba.

 

Ma ahan kuwa jihaadka ka hadla oo kaliya ee waxayba usii dhaafeen bog walba oo ka hadlaya wax liddi ku ah Isra’il. Xataa bogagga taageera inaan waxba laga iibsan Isra’il ee la cuna qabateeyo way ku dareen.

 

Kuu roonaan lahaydaa haddii arrinku intaas ku joogsato! Ee waxaan ammaan ka helin xataa bogagga islaamka ee ka hadla dacwada, waxbarashad, su’aalo & jawaabaha iyo kuwa akhbaarta sida caadiga ah usoo gudbiya, sida www.islamway.com, www.islamonline.net, www.islamtoday.net , www.islammemo.cc , www.islamqa.com iyo bogagga culimada islaamku ay sida gaarka ah u leeyihiin.

 

SIDEE BAY U XIRAAN BOGAGGAAS?

 

Waxaynu ognahay bog walba oo internet ah wuxuu u baahanyahay wax loo yaqaan SERVER, oo ah meel aad macluumaadka iyo faylasha boggaaga internetka ku xeraysan kartid. oo laga kireysto shirkado waaweyn oo iyagu haysta kumpuyuutarro waaweyn oo lagu xereeyo malaayiin faylal ah, sidaasi ayayna kuugu suura-galeysaa inaad boggaaga u gudbisid internetka, lagana akhristo daafaha adduunyada. Shirkadaha kireeya SERVER-ka intooda badan waxaa laga leeyahay dalka Maraykanka.

 

Haddaba Mr. Andrew Aaron Weisburd, iyo kooxdiisa ********ta ah ee bogagga muslimiinta ka ugaarsada internetka, waxay daba gal ku sameeyaan bogaggaas iyaga ah deetana waxay soo ogaadaan sharikadda uu boggaasi SERVER-keeda deggenyahay, halkaas oo ay la xiriiraan shirkaddaas iyagoo u sheegaya in bogga caynkaas ahi uu yahay mid “argagixiso†ah, isla markaana ay waajib ku tahay in ay xiraan boggaas!

 

Haddii ay shirkaddaasi diiddo in ay xirto ama ay cayriso boggaas islaamiga ah, waxaa loogu hanjabaa: waxaanu ka soconnaa FBI-da! Haddaad amarkaas diiddaanna tallaabo ayaa la idinka qaadayaa! Sida ugu dhaqso badan ayay sharikaadkaasi albaabada ugu laabaan bogagga islaamiga ah ee xeryohooda deggen.

 

Bogaggii islaamiga ahaa talo ayaa ku barraahsatay, waxayna garan waayeen si ay wax yidhaahdaan, iyo meel ay u doontaan rugo ammaan ah.

 

Markii ay shirkad u guuraanba waxay ka war helaan codsi odhanaya: fadlan naga guura!

 

Waxay bogaggaasi isku dayeen inay helaan shirkado aan American ahayn, waxay raadiyaan iyo waxay raadiyaanba, markii danbe ayay waxay heleen shirkad laga leeyahay dalka Malaysia, halkaas ayaa waxaa ka bilowday qax ballaaran oo ay bogaggaasi ugusoo qul-qulayaan xaggaas iyo Malaysia.

 

In muddo ah ayay bogaggaasi halkaas kasoo daynayeen wararkooda jihaadka la xiriira. “ Ana uriid, wa anta turiid, wallaahu yafcalu maa yuriidâ€, Maalinkii danbe ayaa waxaa dhacday in koox ciraaqiyiin ahi ay qoorta u dheereeyeen nin American ah. Ninkaas sawirkiisii ayaa waxaa lagu faafiyey bog islaami ah oo ka mid ahaa kuwii u hayaamay xagga Malaysia. Waxaa isla markiiba daba galay Haganah oo soo ogaatay in boggaasi lagasoo baahiyo shirkad Malaysian ah, wax yar ka bacdi waxayba ******** in isla sharikadda boggaasi uu deggenyahay ay xero u tahay bogag badan oo ka mid ah kuwii lagasoo baacsaday USA.

 

Isla markiiba xafiiska FBI-da iyo Haganah oo wada socda ayaa dawladda Malaysia si rasmi ah uga dalbaday in ay sharikadda oo dhanba albaabada u laabaan. Wayna dhacday.

 

Kooxdan ********ta ah ee Haganah ma ahan koox sahlan, waxayna si toos ah u wada shaqeeyaan FBI-da maraykanka, Musaad-ka yuhuudda iyo bogag kale oo iyaguna isla hawshan oo kale wada, ayna leeyihiin kooxahaas yuhuudda budhcadda ah ee isku bahaystay inay hor istaagaan nuurka islaamka.

 

Ilaa hadda, inta la ogyahaay, waxay kooxda Haganah xirtay wax ka badan (500) shanboqol oo bog oo islaami ah.

 

Ma ahan hawsha Haganah mid ay qarsanayaan ee waa mid ay si cad ugu sheeganayaan boggooda. Waxaad ku arkaysaa boggaasi boqollaal bog oo islaami ah oo ku xeraysan oo ah kuwa ay ku raad joogaan, iyagoo qoraya macluumaad tafaftiran oo ku saabsan bog walba, waxa uu yahay, cidda baahisa, kooxda uu taageero, qofka masuulka ka ah –hadday helaan- iyo weliba sharikadda uu Server-keeda deggenyahay. Waxay kaloo sheegayaan in boggaasi weli noolyahay iyo in ay ka takhalluseen. Haddii aad boggaasi gashid waxaad ku arkaysaa boqollaal bog oo islaami ah oo aadan horay u aqoon.

 

Markii ay ku guulaystaan inay bog cusub albaabada u laabaan waxay kusoo qoraan boggooda iyagoo hoostiisa ku sawiraya qori “bunduq†hoos u foorara. Taasoo macnaheedu yahay qorigii jihaadka afka ayaa ciidda loo daray.

 

Marwalba oo ay bog cusub xiraanba waxay kusoo daraan shaashadda hore ee boggooda.

 

Tusaale ahaan waxaa jirtey cajalad 17 bishan December uu soo diray Usama Bin Laadin oo uu soo tabiyey bog islaami ah oo la oran jirey www.Qal3ah.net (qalcah) oo shabakadaha wararka oo idili ay maalmahaan warkaas kasoo tabinayeen. 18/12/04 boggaasi albaabada ayaa la isugu garaacay, iyadoo Haganah ay soo qortay hadalkan hoose:

 

Qal3AH.net down!

December 18, 2004

Qal3ah.net: down?

This forum popular with Qaida supporters of the Saudi kind, is currently without an IP address. Of course it's possible that the site is simply under attack by elements supporting the monarchy. Stay tuned... Posted by Aaron at December 18, 2004 11:22 PM

 

Inkasta oo Aaron uu sheegayo in aanay Haganah wax lug ah ku lahayn xiritaanka boggan, haddana waxaa hubaal ah in uu liiska ugu jirey.

 

BURBURINTA BOGAGGA ISLAAMIGA AH.

 

Ma ahan weerarka ay yuhuuddu ku hayaan bogagga islaamku mid ku eg qaabkaas aynu horay ugasoo warrannay, ee waxaa jira weerarro toos ah oo lagu burburinayo bogagga islaamka. Dadka weerarrada noocan ah oo loo yaqaan Hackers-ka fuliya waa kuwo adduun waynaha looga yaqaan danbiilayaal khatar ah.

 

Warbixin ay soo saartay shirkadda lagu magacaabo (Riptech)oo ka mid ah sharikadaha ka shaqeeya hababka la isaga difaaco weerarrada Viruska iyo weerarrada internetka, waxa ay sheegtay in ay jireen (128,000 ) oo weerar oo lagasoo qaaday Isra’il gudaheeda kuna wajahnaa ilaa (1,000,000) halmilyan oo kumpuyuutar.

 

Intaas kaliya ma ahan ee siyaabaha ay ula dirirayaan bogagga islaamka waxay ku dareen in ay heshiis la galeen shirkadaha waaweyn ee matoorada baaritaanka internetka sida Google iyo Yahoo si loo qariyo bogagga xanbaarsan hadallada liddiga ku ah Yuhuudda ama Israa’iil. Oo haddii aad raadinaysid bogaggaas waxaa kuusoo baxaya magacoodii oo kaliya laakiin aan kuu furmayn.

 

Tusaale ahaan ururka yuhuuda ee La Dagaalanka Midab kalasooca ee maraykanku wuxuu shirkadda Google soo gaarsiiyey dalab uu ugu sheegayo in haddii matoorka Google laga raadiyo kalmadda (Jews) la arkayo bogag badan oo liddi ku ah isra’il, taasi oo shirkaddu si rasmi ah uga cudurdaaratay, si dhaqsaana ay u baabi’isay bogaggii laga cabanayey.

 

Kooxaha kale ee iyaguna ku hawlan la dagaalanka islaamka internetka ayaa waxaa ugu waaweyn:

 

MEMRI: (oo lagasoo gaabiyey the Meddle East Media Research Institute) Shaqadooduna ay tahay in ay dabagal iyo ugaarsi ku sameeyaan dhammaan warbaahinta muslimiinta internetkuna uu ku jiro.

 

Terror Tracker: oo isku tilmaamay inuu yahay mid ka shaqeeya inuu kashifiyo argagixisada Alqaacidah, Abu Hamzah alMisri iyo dhammaan kooxaha Argagixisada , waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Kooxahaan iyo kuwo kale oo farabadanba waxay u shaqeeyaan si aad u habaysan, xoog badan, iskaashi aan caadi ahayna uu ka dhexeeyo.

 

MAXAA LA GUDBOON BOGAGGA MUSLIMKA AH?

 

Run ahaantii weerarkan lagu hayo bogagga islaamiga ahi ma ahan mid sahlan oo loo dulqaadankaro. Haddii aanay muslimiintu arrintaasi si deg-deg ah wax uga qaban, waxaa hubaal ah in waxyar ka bacdi ay shabikadda internetku isu rogi doonto meel ay deggenyihiin kooxaha Maafiyada, Sahyuuniyadda, Daroogada iyo ka ganacsiga Dhillaysiga.

 

Waxaa Muslimiinta la gudboon inay xuquuqdooda difaacdaan. Waa in la helo hay’ado Muslim ah oo u hawlgala difaacidda bogagga islaamka ee internetka, waana in arrintaasi si dhaqso ah loogu hawlgalo inta aanay kooxahan Haganah iyo walaaleheed albaabada isugu dhufan danaha muslimiinta ee caalamka internetka.

 

Waxaa xusuusin mudan in Haganah oo ilaa hadda xirtay wax ka badan 500 oo bog, in uu aasaasay hal shakhsi oo qura, Aaron.

 

Taasi waxay muujinaysaa in arrintaas wax badan laga qaban karo.

 

Halkan waxaad ka gali kartaa bogagga ********ta:

 

www.haganah.us/jihadi

www.memri.org

www.terrortracker.co.uk

 

WQ: Cabdisamad Xoday

Hoday30@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this