RedSea Posted August 4, 2008 Madaxweynaha Dawlada Embagathi Cabdilaahi Yuusuf Oo Canaan Kulul Kala Kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Ethiopia Melles Zenawi -------------------------------------------------------------------------------- (wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi) hadhwanaag 2008-08-04 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN):- Kadib markii uu soo if baxay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxweynaha dowladda Embagathi C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isal wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa arrintaasi soo fara gelisay xukuumadda Melles Zenawi ee dalka Itoobiya. Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Yuusuf qadka isgaarsiinta uu kula soo xiriireen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Siyum Musfin iyagoo kala hadlay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay isaga iyo Nuur Cadde. Waxaa la sheegay in madaxweynaha lagu cannaantay in uu howlaha xukuumadda Nuur Cadde faraha kala baxo, isla markaana uusan isagu noqon ninka fashilinaya xukuumadda federaalka dowladda Embagathi lagu soo dhisay. Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in uu ka madax adaygay cannaanta madaxda Itoobiyaanku u soo jeediyeen, wuxuuna sheegay in isagu yahay madaxweynaha dalka Soomaaliya, sidaa awgeed wixii aan u cuntameynin uusan aqbalaynin. Waxaa madaxweyne Yuusuf loo sheegay in horey looga yeelay xil ka qaadistii Ra’isal wasaarihii hore ee dowladdiisa Cali Maxamed Geeddi, balse haatan aan laga yeeleynin wax kasta oo uu sameeyo inuu carqaladeeyo xukuumadda Nuur Cadde. Siyim Musfin ayaa la sheegay in Ra’isal wasaare Nuur Cadde uu kula taliyey inuu howshiisa sii wato, isla markaana uu buuxiyo wasiiradii is casilay booskiisa, halka warar kale ay sheegayaan in madaxda dowladda Itoobiya ay xiriir la soo sameysay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, loona sheego in uu la hadlo xildhibaannada Baarlamaanka dowladda KMG ee wada ololaha ka dhanka ah xukuumadda Nuur Cadde. Madaxweyne Yuusuf iyo Guddoomiyihii xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir laga qaaday Maxamed Dheere ayaa iyagu qarashaad fara badan ku qarqiyey xildhibaannada Baarlamaanka si loo rido xukuumadda Ra’isal wasaare Nuur Cadde, iyadoo Ra’isal wasaaruhuna uusan Nus shillin lacag ah ku bixinin si Baarlamaanku ula saftaan. Cabdifataax Maxamed Hilowle Xafiiska Wararka Hadhwanaagnews Media Muqdisho/Soomaaliya Submited By hadhwanaag : 2008-08-04 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 5, 2008 "Waxaa la sheegay" = news? i think not! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2008 Where is the SLAP ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted August 5, 2008 SLAP? That's so last season! Hada canaan is the 'IN' thing... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2008 I think this time FEEDH baa soo socda ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites