Sign in to follow this  
RedSea

Melez Zenawi oo canaantay Abdullahi Yusuf.

Recommended Posts

RedSea   

Madaxweynaha Dawlada Embagathi Cabdilaahi Yuusuf Oo Canaan Kulul Kala Kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Ethiopia Melles Zenawi

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

(wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi)

hadhwanaag 2008-08-04 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN):- Kadib markii uu soo if baxay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxweynaha dowladda Embagathi C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isal wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa arrintaasi soo fara gelisay xukuumadda Melles Zenawi ee dalka Itoobiya.

 

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Yuusuf qadka isgaarsiinta uu kula soo xiriireen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Siyum Musfin iyagoo kala hadlay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay isaga iyo Nuur Cadde.

 

Waxaa la sheegay in madaxweynaha lagu cannaantay in uu howlaha xukuumadda Nuur Cadde faraha kala baxo, isla markaana uusan isagu noqon ninka fashilinaya xukuumadda federaalka dowladda Embagathi lagu soo dhisay.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in uu ka madax adaygay cannaanta madaxda Itoobiyaanku u soo jeediyeen, wuxuuna sheegay in isagu yahay madaxweynaha dalka Soomaaliya, sidaa awgeed wixii aan u cuntameynin uusan aqbalaynin.

 

Waxaa madaxweyne Yuusuf loo sheegay in horey looga yeelay xil ka qaadistii Ra’isal wasaarihii hore ee dowladdiisa Cali Maxamed Geeddi, balse haatan aan laga yeeleynin wax kasta oo uu sameeyo inuu carqaladeeyo xukuumadda Nuur Cadde.

 

Siyim Musfin ayaa la sheegay in Ra’isal wasaare Nuur Cadde uu kula taliyey inuu howshiisa sii wato, isla markaana uu buuxiyo wasiiradii is casilay booskiisa, halka warar kale ay sheegayaan in madaxda dowladda Itoobiya ay xiriir la soo sameysay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, loona sheego in uu la hadlo xildhibaannada Baarlamaanka dowladda KMG ee wada ololaha ka dhanka ah xukuumadda Nuur Cadde.

 

Madaxweyne Yuusuf iyo Guddoomiyihii xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir laga qaaday Maxamed Dheere ayaa iyagu qarashaad fara badan ku qarqiyey xildhibaannada Baarlamaanka si loo rido xukuumadda Ra’isal wasaare Nuur Cadde, iyadoo Ra’isal wasaaruhuna uusan Nus shillin lacag ah ku bixinin si Baarlamaanku ula saftaan.

 

 

Cabdifataax Maxamed Hilowle

Xafiiska Wararka Hadhwanaagnews Media

Muqdisho/Soomaaliya

 

 

 

 

 

Submited By hadhwanaag : 2008-08-04

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this