Sign in to follow this  
General Duke

Roadblock removal project.....

Recommended Posts

The article below is from Ayaamaha, Mogadishu newspaper and a big supporter of the Mogadishu group led by the warlords and fronted by the tool Sharif.....

 

Howlihii Isbaarro qaadista Magaallada Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo lagu guuldarreystay

Posted by: editor

 

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Guddi ka socday Dowladda Federal-ka KMG ah ay ku howlanayeen in ay Isbaarrooyinka gebi ahaanba ka qaadaan Magaallada Muqdisho ayaa howlahaasi geba-gebadii waxay ku dhammaadeen guuldarro.

 

Qaar ka tirsan Isgoysyadii ay Isbaarrooyinku u yaalleen kooxaha maleeshiyada ah ayaa lagu guuleystay in la qaado, sida isbaarradii taallay Isgoyska Kaaraan, Afarta Darjiino illaa Ceel Cabdi, kuwii dhex daadsanaa waddada weyn ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, hase yeeshee maalin kaddib markii la qaaday Isbaarrooyinkaasi ayay subixii ku xigay ku soo noqdeen goobihii ay lacagta baadda ah gaadiidka dadweynaha uga qaadan jireen.

 

Waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan waxaa dhex teedsan in ka badan dhowr iyo toban Isbaarro, halka dhowaan ay rajo yar soo gashay dadweynaha Magaallada Muqdisho markii halkaasi ay ku soo hareen saddex Isbaarro oo qura, hase yeeshee riyadaasi waxay noqotay "Riyo maalmeed aan dhab ahayn".

 

Sidoo kale kooxihii iyagana lacagaha ka qaadan jirey gaadiidka mara Jidka Wadnaha ayaa iyaguna howlohoodii lacag ururinta dib u bilaabay, iyadoo saakay la arkayay dadweyne aad u fara badan oo u lugeynaya Isgoyska Siinaay, maadaama ay gawaaridii halkaasi mareysay ay sheegeen in ay ku eg yihiin oo keliya Waddada Isgoyska Howl-wadaag, aysanna awood u lahayn in ay bixiyaan lacagahaasi.

 

Mid ka mid ah Darawallada gaadiidkaee BL-ka ee waddada Wadnaha oo u warramayay weriye ka tirsan Wargeyska ayaa sheegay in sababaha ay Baabuurtooda Howl-wadaag ugu ekeeyeen ay tahay in haddii ay bixiyaan lacagta hal isbaarro ay kuwa kale oo dhan isku daba daysanayaan kaddibna lacago fara badan oo baad ah iyo kooxo cusub oo Isbaarrooyin ah lagu arkayo waddadaasi.

 

Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Dowladda FDKMG ah ayaa isna mar la wareystay waxa uu sheegay in ay intii karaankooda ah ay isku dayeen in ay gebi ahaanba isbaarrooyinka ka qaadaan Magaallada Muqdisho, haatanna ay sii wadi doonaan dadaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this