Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Cabdullahi Yuusuf oo arimo laxiriira amaankiisa loo keenay magaalada Godey

Recommended Posts

Warar ilo mihiim ah naga soo gaaray oo kusugan magaalada Godey ayaa warsidaha Godeynews u xaqiijiyay in M/weynaha Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yusuf uu galabnimadii Jimcaha yimid magaalada Godey isagoo lasocday diyaarad helicopter ah oo ay dawladda Ethiopia kaga soo qaaday magaalada Baydhabo.

 

 

 

Isla marakaana uu magaalada kusugnaa illaa iyo intii laga ogaanayay natiijada xubnaha baarlamaanka u codeeynayeen kalsoonida dawladda Prof. Cali Maxamed Geedi taasoo laga cabsi qabay in jahwareer iyo qulqulatooyin helis gelin kara amaanka m/weynaha kasoo baxi karaan.

 

Wararku waxay kalooy sheegayaan inuu M/weynahu u yimid magaalada Godey inuu kulan layeesho madax sarsare oo dawladda Ethiopia oo xiligaasna kusugnaa magaalada Godey, kuwaasoo kamid ahayeen Raisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Beeraha, Wasiir ku xigeenka Gashaandhigga iyo Wasiirka Kililada Ethiopia iyo waliba M/weynaha Kilika Soomaalida iyo xubno kale oo muddo labo habeen ah arimo shaqo ujoogay magaalooyinka Godey iyo Boodhcaano. Hase yeeshee waxaan illaa iyo hadda si fiican loo shaacinin waxyaabaha ay kawada hadleen, balse waxaa lafilayaa inaysan marnaba kamqanayn in lasii xoojiyo taageerada ciidameed iyo waliba waxa ay kayeelayan colaadda kadhaxeeysa dawladda iyo Maxaakiimta islaamiga oo marba marka kasii danbaysa sii xumaanaysa

 

Xarunta Godey oo markii horeba ay kusugnayaan waftidan heer federaalka ah ayaa hadana amaankeeda aad loosugay iyadoo ay ciidamada Boolisku wareegyeen dariiqyada iyo jidadka waaweyn ee magaalada si ay u ilaaliyaan amaanka waftida iyo waliba martidan kale ee dhinaca soomaaliya kaga soo biirtay.

 

M/weyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa saacadihii uu kusugnaa magaalada Godey ladejiyay guryaha martida ee kuyaalla xerada beeraha ee liimaadka ama (State Farmka) oo aan kafogayn garoonka diyaaradaha ee caasimadda Godey, ayaa isla markii lasheegay natiijadii codadka baarlamaanka ay hadana isla diyaarad helicopter ah kasoo qaaday magaalada Godey iyadoo lafilayo inay dib ugu soo celisay magaalada Baydhabo oo xurun ah dawladda uu madaxda ka yahay ee Soomaaliya.

 

 

Sakhaar is he not safe in Garoowe or Bosaso?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this