Saalax Posted October 26, 2010 Ceerigaabo(OODWEYNENEWS) Munaasibad lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada gobolka Sanaag ee agaalad Ceerigaabo ayaa halkaas waxa Hay’adda Save Children Found (Somaliland Program) ku guddoonsiisey madaxda wasaaraddan deeqdan isugu jirtey Direys iyo shendedo loogu talo galay ardayda dhigata fasallada hoose ee dugsiyada Ceerigaabo. Munaasibaddan oo ay goob jog ka hayeen Maayorka Degmad Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaji Nuur Waalidiint qarkood Macallimiiinta dugsiyada iyo dadweyne kaleba ayaa ugu horrayn Engineer-Sleeban Xasan Maxamed (SCF-UK) ka socdey oo halkaas ka hadlay wuxu faah-faahin kooban ka bixiyey deeqdan, waxana hadalladiisii ka mid ahaa “Maanta oo bishu tahay 26th October sharaf weyn ayay noo tahay in aannu munaasibaddan wareejinta direyska loo tolay ardayda dhan 300 arday halan kaga qyb galnay iyadoo ardayda loogu tala galay direyskani yihiin kuwo lagu soo xulay shuruudo cayiman (selection criteria), uwas oo ay ka mid yihiin carruurta qoysask danyarta ee aan waalidkoodu dhinteen ama aanay awoodi karin in ay u iibiyaan si ay ardayda kale ula mid noqdaan, waana markii kowaad ee direysk noocan oo ale ah loo qaybiyo ardayda noocaas ah iyadoo qorshahayaguna yahay sannad kastaba sannadaha soo socda 300 arday gobol kastaba lixda gobol ee dalka aannu rabno in aannu direyskan gadhsiinno, gaar ahaan ardayda dhigata dugsiyda y khasab tahay in ardaydu Fee-ga bixiyaan.”. “Farriinta kale ee mas’uuliyiinta xagga dawladda iyo waalidiintaba aannu u gudbinano waxay tahay in carruurta da’deedu 6 jir gaadhey iyo kuwa naafad ah la keeno dugsiyda oo waxbarashada laga qayb geliyo, waayo xataa kuwa naafada hi xagga waxbarashada naafo kama aha mid kastaana xaq ayuu u leeyahay in wax la baro”. “Waxan kaloo soo jeedinayaa iyadoo aan uga mahadnaqayo wasaaradda dhammaan diugsiyada waxbarashdu sannadkan in ay furmeen haddana wax jirta dugsiyo xilligan u muuqda in ay xidhmeen oo ay saamaysay abaartu taas in xukuumad ahaan hay’ad ahaan dhammaanteen aynu ka wada hawl galno sidii iskuullada duruufta noocan oo kale saamyso loogu heli lahaa quudin lagu negeeyo ardaydu si ay waxbarashadooda usii wataan”. Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid (Xuubey) oo isaguna munaasibaddan ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “dhammaan kazoo qayb galayaasha munaasibaddan uu ugu horreeyo Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo hay’addan SCF si weyn ayaan ugu mahad celinayaa, iyadoo SCF marka laga reebo direyska iyo shendedahan maanta ku deeqdayay tahay hay’adda aan odhan karo xagga waxbarashada waa tan ugu waxqabadka iyo taageerada badan iyadoo noo qabatay waxyaabaha ay ka mid yihiin 10 dugsi oo cusub oo ay gacanta ku hayso 3 iskuul oo ay dayactir ka waddo 7 iskuul waxbarashada dadban ay ka taageerto xagga macallimiinta iyo tababbarradaba Kormeerka iskuullada gobolka oo wasaarad ahaann ay naga taageerto Capacity building-ka xafiisyada sida kombuyuutarrada iwm oo ay naga taageerto Tababbarrada ay siiso macallimiinta iyo guddiyada waxbarashada Waxay kaloo si rasmi ah xilligan bil walba u gunnaysaa 39 macallin Waxa sodca 11 galaas oo ay ku jiraan musqulahoodu iyo garoommada kubbadda lagu cayaaro oo laga dhisayo 7 tuulo oo gobola ka tirsan. Sidaas si lamid ahna hay’adaha kale waxan usoo jeedinayaa waxqabadkooda in ay noo kordhiyaan oo dhismayaalkana noo badiyaan”. “Waxan aloo soo jeedinayaa iskuullada ay ka jiraan baahiyaadka quudintu ee gobolka ka jira in hay’adaha iyo maammulaba aynu iska kaashanno sidii loogu heli lahaa quudin lagu negeeyo ardayda dugsiyadaas wax ka barata waayo dugsiga noocaas ahi ma furnaan karo haddii aan loo helin feeding-ka”. Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo ugu danbayn munaasibaddan hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “”Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca golaha degaanka Ceerigaabo kana wakiil ah maammulkii gobolka oo halkan ka maqan iyo bulshada aleba. Waxan halkan uga mahadcelinayaa Hay’addan SCF oo deeqdan direyska iyo shendedaha buugta lagu qaato maanta siisay ardayda wax ka barata dugsiyada hoose waana markii koowaad muddadii aan Maayorka ka ahaa Ceerigaabo ee deeqda noocan oo kale ah lasiiyo carruurta tasoo si gaar ah aad iyo aad aan ugu mahadnaqayo una ammaanayo hay’addan”. “Hay’adaha kale waxan rajaynayaa in ay noo dedaalaan oo sidan oo kale noo hagar baxaan. Farriinta maanta aannu halkan hay’adaha uga gudbinaynaana waxa weeye hay’adaha ku shaqada leh raashinka feeding-ka in ay gobolka miyiyadiisa oo dhan ka jirto dayrtii oo aan si wanaagsan uga da’in marka laga reebo buuraleyda iyo gudaha Ceerigaabo markaa Waxannu leenahay SCF naga gaadhsiiyo arrintaas hay’adaha ku shaqada leh raashinka siiba WFP in ay soo oggolaadaan oo dugsiyadaas quudin loo helosi ay carruurtu ugu negaato oo sida kuwa aad soo martay oo kale aanay u xidhmin oo carruutu waxbarashadooda u seegin”. “Waxan mar kale SCF uga mahad celinayaa deeqdan carruurta agoomaha ama danyarta aad ugu deeqdeen sidoo kalena hay’adaha kale waxannu kka codsanaynaa in ay SCF ku daydaan oo deeqdooda kaga qayb qaataan arrintan, idinkana (SCF) Waxannu leenahay 300 arday marka loo eego carruurta noocan oo kale ee dugsiyada wax ka barata waa nagu yar tahaye noo soo ordhiya”. Quote Share this post Link to post Share on other sites