Jacaylbaro Posted May 7, 2008 Hargaysa (Qaran)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May,sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafdeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland, oo saxafda loo qaybiyay isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda Qarannews, warasaxaafadeedkaasi oo faafaahsana oo sii sharaxaya gudida loo saaray 18'ka May waxa uu yidhi. Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin: Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Xuseen Maxamed Jiciir , Maayarka Magaalada Hargeysa Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo Dhaqanka Mudane Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Mudane Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 7, 2008 are you ready for party Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 8, 2008 I'm always ready ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Seekknowledge Posted May 9, 2008 Are you gonna throw khat at each other Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted May 9, 2008 gotta be a reason why African leaders cant understand the word ELECTION!!...may be we should spell it backwards to them..like this NOITCELE...i can hear Ri-Yaale saying... OH yes, now i get it..lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites