Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Waxaa saaka laga dareemayaa gudaha magaalada Beledwayn xiisad colaadeed oo xoogan taasoo u dhaxaysa ciidamada maxkmada Ismaalimiga ah ee halkaasi ku sugnaa kuwaas oo aan ilaa hadda aan la ogayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa khilaafkan gacan ka hadalka ah ee soo dhex galay. Waxaa lagu dilay gudaha magaalada Beledwayne taliyaha saldhiga magaalada Sheekh Cali Sheekh Cilmi isaga iyo askartii la socotay iyadoo ay sarkaalkaasi dileen isla rag ka tirsan midawga maxaakiimta Islaamiga ah ee ka arimin jiray magaalada Beledwayne iyo Guud ahaana Gobolka Hiiraan. Mashaqadan ayaa waxaa dadka u dhuun daloolaa waxa ay sheegayaan iany salka ku haysa Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir aways iyadoo aan la ogayn halka ay salka ku hayso imaashiyahan mashaqadani iyadoo wararku intaasi ku darayaan in loo malaynayo inay isku hayaan gacan ku haynta magaaalada. Sarkaalkii la dilay ayaa waxaa lagu asayay duleedka magaalada isaga iyo askartiisa waxaana sidoo kale dhankii kale ee dilay sarkaalkaasi ku sugan yihiin gudaha magaalada taas oo walaac xoogan ku abuurtay shacabkii deganaa magaalada Beledwayne gudaheeda. Hadaba xiisadan colaadeed ee kasoo csubnaatay magaalada Beledwayne ayaa waxaa si wayn uga soo horjeeda shacabka Gobolkaasi inkastoo aysan jirin ilaa hadda cid wax ka qaatay ama isu taagtay inay wax ka qabtaan iyadoo sidoo kalena wararku intaa ku darayaan in magaalada ay soo galeen Ururka Al-shabaab oo ay hadda saldhiga ku sugan yihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Xalaada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay isbadalo aan horay loo arag ku soo korodhay ka dib markii ciidamo kala tabaacsan siyaasadaha garabyada Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka ee Jabuti iyo Asmara ay kala qabsadeen xarumaha xafiisyada Gobolka iyo Degmada iyadoo sidoo kalana xoogaga al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhiga booliska iyo goobo kale oo muhiim ah. Arrintani ayaa ka dambeysay ka dib shaqaaqo ay 2 qof ku dhimatay oo shalay galab ka dhacday gudaha Magalaada B/weyne iyadoo aanu jirin wax rasaas ah oo kala qabsashadaasi dhacday shalay ilaa xalay jirta. Dadka Magaalada B/weyne ayaa saakay ku waabariistay iyada oo ay saldhigii booliska ee Degmada B/weyne haystaan ciidamo Al-shabaab ah halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamado ka amar qaato Maamulka Midowga Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan balse isaga baxay shalay markuu falku dhacay waxaana xalay fiidkii la wareegay ciidamo kale oo sida la sheegay ka soo jeeda garabka Asmara walow ay markii dambe ku wareejiyeen xoogaga Al-shabaab waxaana warku uu intaasi ku darayaa in ilaa hada ay ku sugan yihiin xoogaga Al-shabaab goobo ay ka mid yihiin saldhiga iyo buundada liiqliiqato. Sidooo kale ciidamadii ka amar qaadanayay isbaheysiga garabka Jabuuti gaar ahaan xoghayaha arrimaha gudaha Cumar Xaashi Aadan ayaa la sheegay in gawaari dikniko ah oo ay wateen laga soo qabsaday xalay ka dib markii shalay markuu falka dhacay isaga carareen gudaha Magaalada B/weyne ka dibna ciidamo maxkamadaha ah oo ka **** baxay la sheegay in ay gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ka soo qabsadeen isaraaseyn mudo socotay oo aan cidina wax ku noqon. Guud ahaan jawiga Magaalada B/weyne ayaa laga dareemayaa kacsanaan xoogan iyadoo 3 qeyb oo iska soo horjeeda ay kala heystaan qeybo ka mid ah gudaha Magaalada B/weyne waxaana Dadku ay isweydiinayaan isbadalkan cusub ee la xariiro xoogaga dagaalka kula jiro ciidamada shisheeye ee dalka jooga iyo DFKMG walow ay horay u arki jireen isbadalo kuwan ka duwan waxaana shaki ku jira sida ay ugu shaqeyn doonan qeybaha kala gadisan ee kala heysta gudaha Magaalada B/weyne iyo cida maamuli doono intuba. Quote Share this post Link to post Share on other sites