Sign in to follow this  
Cowke

Caleema Saarka Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

Recommended Posts

Cowke   

SDC10196.jpg

 

SDC10204444444444.jpg

 

SDC101988888.jpg

 

Munaasabad balaaran oo lagu caleema sarayay Beeldaajaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin ayaa waxaana ay kadhacday garoonka wayn ee dagmada Caluula ee gobolka Bari.

 

Munaasabadaan ayaa waxaa kasooqayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Isimo aad u faro badan, odayaal dhaqameedyo, Ganacsato Culimaa’udiin iyo dadweyne aad u faro badan dad.

 

Masuuliyiinta ka soo qaybgalay Munaasabadda waxaa kamid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse, G/kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed, sidoo kale waxaa khadka Telefonka kaga qaybqaatey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col.Cabdullaahi Yusuf isaga oo ku sugan dalka Yemen, Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, raysalwasaaraha Dawladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

 

Goobta ay ka dhacaysay munaasabadda caleemasaarka Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin ayaa waxaa soo buuxdhaafshay dadwaynaha kunool dagmada caluula kuwaasi oo si aada uga qayb qadanayey caleemasaarka beel daajaha Cal bari.

 

Isimada Puntland ayaa halkaas ka soo jeediyey khudbado kala gedisan waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadley Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah ku simaha Boqor Cabdullaahi, waxaana uu hanbalyo u direy Beeldaajaha, waxaana uuu sheegay Boqorku in xil weyn maanta loo dhiibey Beeldaaje Ismaaciil loona baahan yahay in uu xilkaas gudo una shaqeeya umadda ku dhaqan geyigaas.

 

Kadib khudbadihii ay jeediyeen Isimadii halkaas ka qaybgashey waxaa iyaganu hadalo kooban ka jeediyey halkaas, siyaasiyiin hore sida Madaxweynihii Soomaaliya, Col.Cabdullaahi Yusuf oo isagu khadka telefonka kaga qaybqaatey waxaana uu aad ugu dheeraadey xiriirkii wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeyay isaga iyo Beeldaaje Yaasiin rabbi ha u naxariistee, waxaa sidoo kale ka hadley goobta Gen.Cadde Muuse oo isagu goobta ku sugnaa.

 

Munaasabada Caleema saarka Sidoo kale waxa goob joog ka aha Xubno ka socda Dowlada Puntland oo aay ka mid yahiin Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Salaad Xareed, Gudoomiyaha Xilka Wareejin doona ee Gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yusuf, Iyo weliba ku Xigeenadisa, Madax kale oo ka socda Hay’adaha kala duwan ee Dowlada, waxaa xafladda si weyn uga dhexmuuqdey shirkadda Golis oo iyadu u sahashey goobta caleemo saarka waxyaabo badan sida isgaarsiinta, iyada oo shirkadda Golis gacan ku siisa bulshada rayidka ah arimaha caynkan oo kale ah.

 

Ugu danbeyntii waxaa la caleemo saarey Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, waxaana caleemo saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse, kusimaha Boqorka *******, waxaana loogu duceeyey in rabbi la garabgalo shaqada culus ee loo igmadey.

 

Cabdisalaam Axmed Shire

Horseed Media

 

More pics can be viewed here

HM Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this