Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Running from Tukaraq too ???

Recommended Posts

(Laascaanood}19.10-7

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ciidamadii daraawiishta ee Puntland ay dib uga soo gurteen deegaanka Tukaraq oo 60km dhanka garoowe ka xiga magaalada laascaanood sababo la xidhiidha Talooyin ay soo jeediyeen hogaanada ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugnaa deegaanka tukaraq iyagoona ku sheegay dib ugurasho xeel dagaal..

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in taladan ay soo jeediyeen saraakiisha ciidamada Puntland ka dib markii ay ciidamada Maamullka Somaliland soo gaadheen tuulada Ganbadhe oo qiyaastii 30km dhanka garoowe ka xigta laascanood.

 

Dhinaca kale waxaa u anbabaxay magaalada galkacayo ee gobollka Mudug madaxwyanaha Maamul goboleedka Puntland Mudane : Maxamuud muuse xirsi iyadoo ay gelbinayaan gawaadhida dagaalka oo aad u tiro badan Ilaa hada lama oga waxa uu ku saabsan yahay safarka cadde muuse ee galkacayo ,

 

magaaladan Laascaanood, inkasta oo ay magaaladu iska xasiloon tahay oo aanay dagaalo dhexdeeda ka socon, haddana dareen walaac leh ayay dadka magaalada ku dhaqani muujinayaan, waxayna ka baqo-qabaan inay iska horimaadyo ciidan ka dhacaan magaalada gudaheeda iyo agagaarkeedaba.

 

Welwelka colaadeed ee ay dadka reer Laascaanood qabaan laba siyood miduun bay saadaalinayaan inuu ku yimaado.

 

Ta hore waxa laga welwelsan yahay inuu maamulka Puntland uu soo qaado weeraro rogaal celin ah oo uu ku doonayo inuu dib ugu soo noqdo Laascaanood , taasina ay keento isku-dhac milateri iyo dagaalo mar kale ka aloosma Laascaanood iyo agagaarkeeda.

 

Ta labaad ee ay dadku ka welwelsan yihiin waxa weeye inuu dagaal ka dhaco gudaha magaalada Laascaanood, iyadoo ay jiraan kooxo hubaysan oo kala taageersan siyaasiyiin reer Sool ah oo kala aaminsan afkaaro kala duwan,

 

waxaana jira loolan maxali ah oo ku saabsan cidda gacanta ku haynaysa awoodda siyaasadeed ee magaalada.

 

Waxayna dhaqdhaqaaqyadaa iyo loolanka dhinaca siyaasaddu xambaarsan yihiin dareeno iyo aragtiyo reeraysan, sidaas awgeed waxay dadka reer Laascaanood walaac ka qabaan in haddii uu dagaal maxali ahi gudaha magaalada ka dhaco uu isu rogi karo dagaal sokeeye oo dhexmara beelaha wada-degga Laascaanood.

 

Arrinta saddexaad ee walaaca nabadgelyo-xumo ee ay dadku qabaan sii xoojinaysaa waxay tahay, iyadoo aanay Somaliland tallaabadii milateri kadib wax qorshe maamul iyo mid siyaasadeed toona aanay dhex geyn magaalada, .

 

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo xarunta Garoowe, waxaa isu yeedhaya qaylo-dhaan dib loogu abaabulayo ciidamo mar kale guluf dagaal ku qaada fadhiisimada ciidamada Somaliland ee gobolka Sool.

 

Waxa kale oo laga baqayaa isku-dhacyo maxali ah oo ka dhaca gudaha Laascaanood oo sababi kara dagaal ahli ah.

 

Sidaas darteed dad badan oo reer Laascaanood ah ayaa ku fekeraya sidii ay magaalada uga bixi lahaayeen ama ay maatada uga saari lahaayeen si aanu dagaal meesha ugu qabsan, dadka reer Laascaanood si tartiib-tartiib ah ayay u bilaabeen inay magaalada dibadda uga baxaan.

 

Laakiin ilaa hadda tiro sidaas u badan kama bixin magaalada, isla markaana magaaladu way camiran tahay dadkuna xoog buu u joogaa, waxayna naawilayaan bal waxa xaaladda iska bedela iyo inay arrimuhu soo hagaagaan oo la helo xasilooni iyo amni.

 

 

widhwidh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this