General Duke Posted June 17, 2007 Afhayeenka gobolka Banadir oo ka war bixiyay Howl-gallo amaan sugid ah oo ka socda Muqdisho Mogadoshu 17, June.07 ( Sh.M.Network) Maamulka gobolka Banadir ayaa ka war bixiyay howl-gallo ay sheegeen in amaanka gobolka Banadir ay ku sugayaan uu ka bilowday xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho sida uu sheegay Afhayeenka gobolka Banadir Max'ed Maxudiin Cali. Madaxa warfaafinta gobolka Banadir ahna afhayeenka maamulka gobolka, Max'ed Muxudiin Cali oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in gobolka Banadir uu si rasmi ah ugu bilowday xalay sugidda amaanka, isagoo ka war bixiyay howl-gallo xalay ciidamada booliska ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho oo ay ku soo qabqabteen kooxo burcad ah oo dhaca iyo boob u geysanaya dadka socotada ah, inkastoo uu ka gaabsaday tirada burcadda ah oo ay qabteen. Mar waxa lag weydiiyay Afhayeenka ciidamada Ethiopia ee saakay lagu arkayay wadada wadnaha waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay ka wadaan halkaasi howl-gallo amaan sugid ah. Howl-galladaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay hadalkii shalay ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho inta uusan ka ambabixin garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa tibaaxay in sugidda amaanka gobolka Banadir la adkeeyo si loo helo nabadgalyo. Sidoo kale Afhayeenka waxa uu ka hadlay Bandow lagu soo rogay degmada Deyniile waxa uu sheegay in ay qeyb ka tahay arinkaasi sugidda amaanka gobolka Banadir. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen, xilli ciidamo Ethiopian iyo kuwa Somali ah ay howl-gallo amaan sugid ah ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Click here to find shabelle news in English Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 17, 2007 Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in Howlgallo lagu sugayo Ammaanka Muqdisho ay si rasmi ah u bilowdeen Axad, June 17, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u bilowdeen howlgallo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa ay Magaalada Muqdisho ka socdeen howlgallo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho min Tabeelle ilaa heer Degmo iyo heer Gobol. Maxamed Muxyaddiin waxaa uu intaas ku daray in howlgallaas lagu soo qab-qabtay kooxo falal amni darro ah ka waday Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay habeen iyo maalin sii socon doonaan howlgallada ay wada jirka u wadaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya. Howlgallo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay maanta ka sameeyeen Wadada Wadnaha ayuu Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ku tilmaamay kuwo qeyb ka ah howlgallada Amni sugidda ah ee ka socda Magaalada Muqdisho. Howlgallada dardarta leh ee uu bilaabay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Muqdisho lagu dilay afar Guddoomiye Degmo oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan. sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 18, 2007 that is it ,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites