Cowke Posted May 31, 2010 Muqdisho:Ciidamo Puntland lagu soo tababaray oo Muqdisho gaaray. 30. maj 2010 Muqdisho:(Allpuntland)-kudhawaad 400 oo askari oo kamid noqonaya Booliska Soomaaliya ayaa waxay gaareen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,ciidanka oo dhawaan tababar ugu soo dhamaaday kuliyada Booliska Soomaaliyeed ugu weyn ee Carmo oo katirsan gobolka Bari ee dawlada Puntland ayaa waxaa maanta loosameeyey xaflad heer qaran ah oo lagu soo dhaweynayo. Ciidamadan oo inkbadan 50-kamid ahi ay haween yihiin ayaa waxaa ay ku labisan yihiin Dhar kaduwan kuwa ay ciidamada Booliska dawladu xiran yihii waxayna Saraakiisha ugu saraysa boolisku sheegeen inay dhinacyo badan uga duwan yihiin kuwo horay booliska loogu soo tababari jiray,xaflad lagu soo dhaweynayey Ciidankan oo ay ka qeybqaateen madax u badan Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha & taliyeyaal ciidan oo uu kamid ahaa taliya guud ee Booliska Jamhuuriyada Soomaaliya & saraakiil kale. Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada soomaaliya oo hadal kooban kasoo jeediyey xafladii ciidanka lagu soo dhaweynayey ayaa amaan Dawlada Puntland oo markasta ciidamada booliska tababaro u samaysa,wuxuuna sheegey in saraakiil howl kar ahi ay kusuganyihiin degmada Qardho ee gobolka Bari waxaana uu sheegey inay amaanayaan hay'ada UNDP oo tababarada Booliska dhanka Tafaasilaadka & mushaaraadka tababarayaasha ka taageerta. Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya wuxuu sheegey in ciidankan oo kharash badani galay in looga baahanyahay inay qaataan kaalintoodii ciidanimo,wuxuuna sidoo kale sheegey in ay ciidankani ka qeybqaadan doonaan hawlgalo muhiim ah oo dhawaan muqdisho ka dhici doona,Wasiirku wuxuu sheegey in Ciidankan oo dhalinyaro u badan looga baahan yahay inay kaalinta Booliska Soomaaliyeed oo imika liidata inay qaataan shacabkana badbaadiyaan oo ay dawlada Awoodeeda koowaad noqdaan. Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliya Jen,Cali Maxamed Xassan (Cali madoobe) ayaa isna xafladaas ka qeybqaatay wuxuuna sheegey in ciidankan tababarkooda dhibaatooyin badan laga soomaray,wuxuu taliyuhu sheegey in loo baahan yahay in Booliska oo kaalintooda qaatay in lataageero islamarkaasna ay Boolisku imika ku jiraan heegan Buuxa oo ay ku doonayaan inay waxbadan ka qabtaan xaalada dalka Soomaaliya oo imika meeshii ugu xumayd maraysa. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites