Sign in to follow this  
Kamaavi

Sedexdii Wiil Ee Ku Xirnaa Xabiska Boosaaso oo La Xukumay.

Recommended Posts

Kamaavi   

War hada O'gadentoday ka soo gaaray ayaa sheegaya in Sedexdii Wiil ee ku Xirnaa Magaalada Boosaaso kana soo Jeeday Gobalka Soomali O'gaadeeniya ayaa Maxkamada Maamulka Puntland maanta Xukun Deg-Deg ah ku riday taas oo ay ku sheegeen inuu yahay mid Fudud.

 

Sedexdan wiil ayaa waxay ka Yimaadeen Dalka Yeman halkaas oo ay Qoxooti ku ahaayeen Balse maamulka Boosaaso uu ku eedeeyay inay Yihiin kuwo xariir la leh Ururka ONLF ee u Dagaalama Gobanimo Doonka Gobalka Soomalida O'gaadeeniya.

 

Wiilaashan oo dhanaa Shan ayaa laba Ka mid ah Midna loogudbiyay Addiss Ababa Midna ku dhintay Jeelka Magaalada Boosaaso meesha Sedexdii kalana Maanta lagu Xukumay Midkiiba Sedex Sano oo Xarig ah.

 

Dadka ka soo Jeeda Gobalka Soomalida O'gaadeeniya ayay soo Wajahdaa Delma Laba Daran mid dooro, taas oo ah inay Gobalada Soomaliya ee ay u qaxaan laga soo dhiibo iyadoo loo adeegsado Maamulada ka dhisan halkaas oo gacan saar la leh Xukumada Melez

 

Arrintan Maamulka Puntland ayaa keentay Kacdoon Balaaran oo garay in Xubno ka mid ah maamulka Congress Marayakanka ay ka muujiyaan walaac falalka Waxashnimada ah ee Maamulka kula kacayo Dadka Shacabka ah ee ka soo Qaxa Ogadeeniya.

 

Wixii ka soo Kordha Kala Soco O'gadentoday.

 

O'gadentoday

Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this