Kamaavi Posted December 3, 2009 War hada O'gadentoday ka soo gaaray ayaa sheegaya in Sedexdii Wiil ee ku Xirnaa Magaalada Boosaaso kana soo Jeeday Gobalka Soomali O'gaadeeniya ayaa Maxkamada Maamulka Puntland maanta Xukun Deg-Deg ah ku riday taas oo ay ku sheegeen inuu yahay mid Fudud. Sedexdan wiil ayaa waxay ka Yimaadeen Dalka Yeman halkaas oo ay Qoxooti ku ahaayeen Balse maamulka Boosaaso uu ku eedeeyay inay Yihiin kuwo xariir la leh Ururka ONLF ee u Dagaalama Gobanimo Doonka Gobalka Soomalida O'gaadeeniya. Wiilaashan oo dhanaa Shan ayaa laba Ka mid ah Midna loogudbiyay Addiss Ababa Midna ku dhintay Jeelka Magaalada Boosaaso meesha Sedexdii kalana Maanta lagu Xukumay Midkiiba Sedex Sano oo Xarig ah. Dadka ka soo Jeeda Gobalka Soomalida O'gaadeeniya ayay soo Wajahdaa Delma Laba Daran mid dooro, taas oo ah inay Gobalada Soomaliya ee ay u qaxaan laga soo dhiibo iyadoo loo adeegsado Maamulada ka dhisan halkaas oo gacan saar la leh Xukumada Melez Arrintan Maamulka Puntland ayaa keentay Kacdoon Balaaran oo garay in Xubno ka mid ah maamulka Congress Marayakanka ay ka muujiyaan walaac falalka Waxashnimada ah ee Maamulka kula kacayo Dadka Shacabka ah ee ka soo Qaxa Ogadeeniya. Wixii ka soo Kordha Kala Soco O'gadentoday. O'gadentoday Boosaaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites