Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland MP Died

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran)Fadhigii aan caadiga ahyn ee Aqalka Wakiilada oo loo balansanaa inuu maanta furmo, si mar kale loogu codeeyo labadii Xubnood ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Ee Golahaasi diiday ansixintooda Bishii June ee la soo dhaafay,ayaa dib u dhacay,ka dib markii uu xalay Magaalada Hargeysa uu ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cumar Jaamac [Jabaabuloo ka mi ahaa Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

Fadhiga aan caadiga ahayn oo mar kale Golaha codka kalsoonida loo weydiinayo Muuse Axmed Cumar[Muuse Madoobe] iyo Maxamed Cabdi Xaamud[Nine]oo ah labada Xubnood ee golaha Wakiiladu aanu xalaalayn Xilkooda,ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii Gudigii dhexdhexaadinta Khilaafaadka Qaranka ee iskeed isku abaabushay ay go’aamadii ay todobaadkii hore soo saareen ku xuseen in mar kale Wakiilada la horgeeyo labadaas Xubnood.

 

Fadhigan ayaa maanta u baaqday ka dib markii uu xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa]Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Jaamac[Jabaabul]oo ka mid ahaa Xildhibaanada Xisbiga UDUB kaga jira Golaha,lagana soo doortay Gobolka Sanaag,oo ugeeriyooday xanuun xalay wadnaha kaga soo booday.

 

 

Alle ha u naxariistee Aaska Marxuum maxamed cumar [Jabaabul] oo lagu aasayo Xabaalha Qaranka ee Magaalda Hargeysa,waxa ka qeyb-gelaya Madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin,Shirgudoonka iyoxubnaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro]ayaa isagoo ku hadlaya magaca shirgudoonka iyo Magaca Golaha Wakiiladfa Somaliland waxa uu tacsi u diraYAA Qoyskii,Gobolka Sanaag iyo shacbiga oo u uga tacsiyadeynayo geerida ku timid Xildhibaan Maxamed cumar Jabaabul.waxana uu ilaahay uga baryay marxuumka inuu samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo shacbiga Reer S/Land-na sair iyo iimaan ka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this