Sign in to follow this  
General Duke

Aferwarki a Zionist ally is the leader of the Islamists

Recommended Posts

FAALO: NIN AFAWERKE KA AMAR QAATAA MA AFLAXO

Posted to the MOL May 14, 2008, 2:53 pm

 

In badan baan maqalay iyadoo kooxaha fadhigoodu Asmara yahay ee martida u ah ee Isias Afarwerke ay ku eedaynayaan dowalada Soomaaliya inaanay (dowladu) xor u ahayn go’aankeeda oo taladu ka go’do Meles Zanawi iyo maamulkua Itoobiya, laakiin dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee soo ifbaxay intii Qaramda midoobey isku deyeysey inay nabad arimaha soomaaliya ku dhamayso gaar ahaan shirka la doonayey in laga furo Jabuuti waxaa cadaatay in cida aan talada u madax banaanayn ee loo arimiyaa ay tahay Kooxaha dilka iyo deganaansho la’aanta ka wada soomaaliya ee la baxay Isbahaysiga (lama garanayo cida is bahaysatay!).

 

“Khaladka ay samaysay Qaramada midoobey waxaa weeye in ay dhayal-satay khilaafka xuduudeed ee soo kala-dhexgalay Ereteeriya iyo Jabuuti kaasoo ay ahayd in marka hore intaan kooxda Asmara loogu yeedhin Jabuuti la xaliyo khilaafka labada dowladood, maxaa yeelay Ereteeriya uma ogalaan doonto in shirka jabuuti guulaysto iyadoo ka caraysan Jabuuti, waxaana dhacaysa inay kooxda dib ugu yeerato” sidaa waxaa yiri Cadiyah Ciisawi oo ah khabiir masri ah oo ku xeel dheer arimaha geeska Afrika mar uu ka qayb gelayey dood BBC laanta Afcarabigu diyaarisay oo ku saabsanayd shirka Jabuuti.

 

Dhinaca kale ma jirto mucaaradad ama “kooxo kacdoon wada” (sida saxaafad beeleed yadu ugu yeedhaan) oo aan ku tiirsanayn ama aan gacan ka helin dowlado shisheeye laakiin marka taariikhda la eego ma jiro mucaaradad sharaf leh oo abid ku negaadey ama u dulqaatay dhaqanka qalafsan ee Asias Afewerke. “Intaan madaxa u ruxi lahaa awaamirta ar-xanka daran ee Afwerke waxaan ku samrayaa kuwa (awaamirta) Cumar Al-Bashir oo ugu yaraan aan ka sulaysanayn in Sudan khariidada caalamka laga waayo” Sidaa waxaa yiri Sadhiq Al Mahdi ra’isal wasaarihii hore ee Sudan mar uu isaga baxay Isbahaysi la dagaalamayey dowlada Sudan oo fadhiigiisu ahaa Asmara.

 

Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Asmara ayaa si hoose looga soo xigtey inuu yiri “Ma jirto dowlad caawimo iska bixisa ujeedo la’aan anagana Asmara waxaan ku joogna dilalka suuqa bakaaraha, weerarada saldhigyada booliska xamar, iyo miinooyinka aan dhulka ku aasno marka waa dan is weydaarsi”

 

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Islaamka NABA (Islamic News Agency) Isiyas Afawarke waa saaxiibka ugu dhow ee Yuhuudu ku leedahay qaarada Afrika isla markaasna u adeega danaha deganaansha la’aanta ah Israa’iil, markaa waxaa la gudboon kooxda Asmara in ay doontaan xulfo kale oo u dhaabta ninkan dadkiisiiba ka dhigay waxa uu baro kiciyey iyo wax uu jeelasha ku buuxiyey. (halkan ka eeg waxa wakaalada NABA ka qortay oo Afcarabi ah)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madawxweynaha Eritrea oo Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay kala jebineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

 

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki

Arbaco, May 14, 2008(HOL): Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay in ay kala jebineyso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Afwerki oo wareysi dhif ah siiya warbaahinta Reer Galbeedka ayaa wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in Qaramada Midoobay ay dalka Jabuuti ku qabatay wada hadallo ay uga gol-leedahay in ay ku kala qeybiso Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

“Wax fikrad ah kama heysto sababta ay Qaramada Midoobay sidaas u yeeleyso oo aan ka ahayn in ay dooneyso in ay kala qeybiso Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo in ay daciifiso awoodda Kooxaha Mucaaradka, waana mashaakil laga abuurayo halkan iyo xagaba, waxaase laga yaabaa in aaney wax natiijo ah ka soo bixin waxyaabaha ay sameyeneyso Qaramada Midoobay oo aaney cidna dan ka lahayn.

 

Madaxweyne Isaias Afwerki oo ay marti u yihiin inta badan Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in kacdoonka looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay Dhaqdhaqaaq shacabka uu taageero oo si aan xaq ahayn ay Mareykanka iyo Wadamo kale ay ugu tilmaameen argagixiso, “taasi waa qeyb ka mid siyaasadda cabsi-gelinta oo dadka loogu cag-jugleynayo oo loogu marmarsiyoonayo si qiil loogu sameeyo argagixisada, mareykanka wuxuu doonayaa in uu qiiq ku qariyo fashilka uu ku fashilmay arrimaha Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Afwerki.

 

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa Dowladda Eritrea ku eedeeya in ay sii hurineyso colaadda ka taagan Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loogu eedeeyo in ay hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna Mareykanka mar ugu hanjabay Eritrea in uu ku dari doono Liiska Dalalka taageera Argagixisada.

 

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu ku gacan seyray eedaha loo soo jeediyo Dowladdiisa, wuxuuna been iyo wax la dhoo-dhoobay ku tilmaamay in kacdoonka ka socda Soomaaliya uu yahay mid argagixiso ay ka dambeyso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu ku gacan seyray eedaha loo soo jeediyo Dowladdiisa, wuxuuna been iyo wax la dhoo-dhoobay ku tilmaamay in kacdoonka ka socda Soomaaliya uu yahay mid argagixiso ay ka dambeyso.

Obviously he is behind the "uprising" and not the terror networks :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Asmara ayaa si hoose looga soo xigtey inuu yiri
“Ma jirto dowlad caawimo iska bixisa ujeedo la’aan anagana Asmara waxaan ku joogna dilalka suuqa bakaaraha, weerarada saldhigyada booliska xamar, iyo miinooyinka aan dhulka ku aasno marka waa dan is weydaarsi”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhirkaan oo ay soo qabanqaabisay qaramada midoobay, howshiisuna socotay mudo sannad ka badan ayaa sidaan aan horey u sheegnay burbur ku dhamaaday. Kooxaha mucaaradka ayaan u madaxbananayn wada hadal dhab ah oo ay la galaan dowlada KMG ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this