Jacaylbaro Posted July 20, 2010 Saylac(Waaheen)Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha ee degmadda Saylac Cabdi Khayre Dugsiiye “ Araweelo” ayaa shaac ka qaaday in hawlgal manta ciidanka baddu ka sameeyeen Saylac ilaa Lughaya aya ku qabteen laba doonyood oo laga leeyahay Dalka yaman oo siday 15 hareemacad oo sida uu sheegay laga keenay Itoobiya, Boorame iyo Hargeysa Taliyuhu waxa uu Waaheen u xqiijiyay Doonyahaasi inay ku qabteen afar nin oo yamaniyiin ah oo si sharci daro ah Dalka uga guranayay Duur joog kala duwan in muddo ahba oo ay ku raad joogeen balse manta ay ku qabteen laba meelood oo kala duwan iyagoo Dalkooda u qaadaya 15 ka mid ah Duur-joogta la yidhaahdo Hareemacad Taliye Araweelo waxa uu sheegay nimankaas iyo Duur-joogta lagu soo qabtayba inay u gudbinayaan Maamulka Gobolka Awdal si Maxkamad loogu saaro, iyadoo baadhitaan lagu samayn doono Doonyahaas iyo nimanka wataba Xeebta Saylac ayaa hoy u noqotay in doonyaha yamaniyiintu ka fuliyaan hawlgalo kala duwan oo ay ka mid yihiin Tahriibinta Dadka Somalida ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee galaya dalalka Carabta iyo ka Ganacsiga Ugaadha Duur-joogta ah oo aad looga isticmaalo Dalalkaasi, waxaana wakhtiyo kala duwan lagu fuliyay Olole wax lagaga qabanayo hase yeeshee hawgalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee lagu soo qabto Ugaadh Quote Share this post Link to post Share on other sites