Sign in to follow this  
General Duke

Former clan court millitia attack SUULEEY in his home..tragic

Recommended Posts

MUQDISHO: Koox Hubeysan oo weerartay gurigii Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey

Posted to the Web Dec 28, 07:51

 

 

Muqdisho (PP) - Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa weerar ku qaaday guriga Sheekh Ibraahim Suuleey oo ah Aabbaha Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo ah Afhayeenkii ugu dambeeyay ee Maxkamadaha isla markaana ahaa Xoghayihii guud ee Golaha Shuurada.

 

Guriga ayaa xilliga la wareerayay waxaa ku sugaan Sheekh Ibraahim Suuleey oo isagu jirranaa, waxaana la sheegay in dhallinyaro ku sugnayd guriga ay weerarkaas difaaceen, iyadoo xaladda guriga uu yahay haatan mid kacsan.

 

Warar aan lagu kalsoonaan karin ayaa waxay sheegayaan in sababta kooxahaas ay u weerareen guriga ay tahay iyagoo doonayay inay qafaashaan Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, waxaana lagu sheegay kooxaha weerarkaas geystay inay ka tirsanaan jireen Malleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Arrintaan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay dadweynaha Degaanka uu daggan yahay Sheekh Ibraahim Suuleey ee Degmada Hodan; waxayna ku tilmaameen in tani ay tahay fowdo in dhibaatada la sii badiyo.

 

Lama garanayo illaa iyo hadda halka uu dhab ahaan ugu sugan yahay Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo ahaa afhayeenka Maxkamadaha shalayna jeediyay shir jaraa'id oo uu si weyn ugu cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ethiopia.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this