Sign in to follow this  
General Duke

The battle that never was..... the media promotion of the new WAR?

Recommended Posts

A remarkable story, which is reported in 4 different ways.. In one case there is a battle, it lasts for hours and there is no deaths. then aother there is an injure, another report there is many deaths and yet another there is kidnaping... :confused:

 

Case of the kid who cries wolf...

 

Place: halka loo yaqaano Kalabeer

Names: Taliyaha Ciidamada Xoogga

injuries: 7 Ruux oo dagaalkaas lagu soo qabtay,

 

www.hobyonet.com

Iska Hor imaad Dhex Maray Ciidamo ka yimid Puntland iyo Maleeshiyooyin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

 

Iska hor imaad hubeysan ayaa dhex maray Ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ku sugnaa Magaalada Feerfeer iyo Maleeshiyo ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo sida la sheegay diidan inay Ciidamada Puntland u soo gudbaan dhinaca iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo hadda ku sugan yhaya madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Dagaalkan oo muddo saacado ah socday ayaa markii dambe sida ay xaqiijiyeen dad jooga magaalada B/weyne waxaa Ciidamada Puntland laga qabsaday Baabuur yar balse aan dul saaranayn qoriyaha waa weyn, isla markaana ay la socdeen 7 Ruux oo dagaalkaas lagu soo qabtay, baabuurkii iyo ciidankii la soo qabtay ayaa la keenay magaalada B/weyne.

 

Dagaalkan ayaa waxaa uu dhacay kadib markii Ciidamada Puntland ay damaceen inay u soo gudbaan magaalada Jowhar, wuxuuna dagaalka ka dhacay halka loo yaqaano Kalabeer oo u dhaw deegaanka Feerfeer.

 

Magaalada B/weyne ayaa laga dareemay Colaada ka jirta xuduudka Hiiraan ee dhinaca Feerfeer, iyadoo duhurnimadii manta la arkayay Maleeshiyo cusub oo ku sii jeeda deegaanka Kalabeer.

 

Xaalada Gobolka Hiiraan ayaa kacsan sida ay sheegayan dad jooga magaalada B/weyne, waxaana socda Xiisads Colaadeed oo u dhaxeysa Maleeshiyada Madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maleeshiyada Reer Hiiraan.

 

Xaaladda jirta darted ayaa keentay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka soomaaliya isaga soo cararo magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,isagoo ku soo jeeda magaalada Jowhar oo inta badan madaxda Dowladda Federaalka ku sugan tahay.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho, Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Places: Ceel-gaal

Names : C/laahi Cabdi Cali Koofi

C/kariim Faarax Laqanyo

Injuries: la ogyahay ku dhaawacmay hal nin

 

 

www.goobjoog.net

 

Dagaal ku Dhexmaray Ceel-gaal Ciidamo ka Yimid Puntiland iyo Kuwo reer Hiiraan.

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

Liibaan Cabdi Cali, Muqdisho

 

maleyshiyo hubaysan

 

Dagaal muddo gaaban socday ayaa maanta deegaanka ceel gaal oo dhowr iyo toban km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidammo taabacsan maamulka gobolka Hiiraan kuwo kale oo ka yimid dhinaca puntland oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay lagu dhurayay deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Ethiopia.

 

Dagaalkaasi oo muddo gaaban socday intii uu socdayna la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay wararku sheegayaan in uu bilowday ka dib markii maleeshiyooyin reer Hiiraan ahi ay rasaas huwiyeen gaari ay wateen ciidammada reer Puntland.

 

 

Waxaa dagaalkaasi ilaa haatan inta la ogyahay ku dhaawacmay hal nin halka gaari ay wateen maleeshiyooyinka Puntland ka yimidna shaagaggii(tayaradii) laga qarxiyey.

 

Si rasmi ah looma oga waxa uu ku salaysan yahay dagaalkaasi oo haatan u muuqanaya mid shiiqay iyadoo odayaal iyo wax garad gobolka ku sugani ay u istaageen daminta xiisaddaasi. waxaa horay loo ogaa in C/laahi Cabdi Cali Koofi oo ahaa ku simaha guddoomiyihii geeryooday ee goboka Hiiraan Col.Xasan Cabdulle Qalaad uu horay u diiday in ciidammo Puntland ka socda ay soo maraan gobolka ama ay magaalada Baladwayne fariisin ka dhigtaan sidaasi oo uu u ololaynayay C/kariim Faarax Laqanyo oo dhawaan magaalada Baladwayne kaga dhawaaqay maamul uu u bixiyay Middland,isagoo walibana magaalada Baladwayne ka furtay Radio lagu magacaabo Darban oo isaga magiciisa ku hadasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

incident : Ceel Gaal Duleedka Magaalada Baledweyne

names: Cali Dhuux

injuries: dhimasho iyo dhaawac loogu Geystay

 

www.hobyonet.com

 

Maleeshiyo Reer Puntland ah oo dhimasho iyo dhaawac loogu Geystay Tuulada Ceel Gaal Duleedka Magaalada Baledweyne.

 

 

Hobyonet.Muqdisho.Khamiis, July 28, 2005.

 

 

Hub iyo gaadiidka dagaalka oo laga Furtay Ciidamada Puntland.

 

 

Warar Goor dhaw naga soo gaaray magaalada B/weyne ee Gobolka Hiraan ayaa waxa ay sheegaan in Iska hor imaad hubaysan uu maanta ku dhex maray Tuulada Ceel-Gaal maleeshiyo Reer Puntland ah iyo Ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan ee ka Amar qaata maamulka Cusub ee dhawaan halkaasi looga dhawaaqay.

 

 

Iska hor imaadka ka dhacay Ceel-Gaal ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay dhimashada Halka maleeshiyo ah iyo dhaawaca tiro kale iyadoo laga furtay Ciidamada Puntland gaari Kuwa dagaalka ah iyo Hub isugu jira kuwa Fududu iyo qoryaha dagaalka ee daran dooriga u dhaca sida ay xaqiijiyeen dadka Degaanka oo la hadlayay saxaafada badaxa banaan ee Magaalada muqdisho.

 

 

Gudoomiyaha Cusub ee maamulka dhawaan looga dhawaaqay Cali Dhuux ayaa xaqiijiyay uu dagaalkaasi ka dhacay Tuulada Ceel-Gaal oo dhawr iyo tobon Km u jirta magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Maleeshiyadda reer Puntland ayaa todobaadkii hore la dajiyay Xero Ciidan oo ku taala Duleedka magaaladda baledweyne iyaga oo ka soo tagay Degaanka Feer-feer oo ay in mudo ah ku soo qaadanayeen tababr dhinaca Ciidanka ah.

 

Maamulka iyo Hogaamiyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa horey digniino ugu jeediyay saraakiisha maleeshiyada Puntland in ay ka baxaan Gobolka oo ay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimaadeen taasoo ay muuqato in ay ka dhaga adegeen.

 

 

Colaad Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this