Sign in to follow this  
Haatu

Suicide explosion in Mog

Recommended Posts

Haatu   

Shabelle: MUQDISHO

 

Qarax Ismiidaamin ah ayaa Maanta lagu weeraray Fariisin Cusub oo AMISOM ay ku leeyihiin Bangikii ganacsiga Soomaaliyeed ee degmada Shangaani iyadoo Xarakada Al Shabaabna ay sheegteen masuuliyada qaraxaasi.

 

 

 

Qaraxaani oo ahaa mid ismiidaamin ah islamarkaana loo adeegsaday gaari weyn ayaa duhurnimadii maanta waxaa uu ka dhacay Bangikaga ganacsiga Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo fariisin ay ka dhigteen dhawaan ciidamo ka tirsan kuwa midowga Africa ee caawinta u jooga Magaalada Muqdisho dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

 

 

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana qaar ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay Idaacada Shabelle ay u sheegeen in ay arkeen meydadka askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Bankiga Ganacsiga kuwaasi oo tiradooda ay ku qiyaaseen ilaa 8 askari.

 

 

 

Gaariga isku qarxiyay fariisinka Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Shangaani ayaa la sheegay in markii hore uu isku dayay in uu gudaha u galo bankigaasi iyadoo askari ka tirsan Ciidamada AMISOM uu isku dayay in uu celiyo taasoo keentay in gaarigu uu qaraxa sameeyo.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo Shabelle la soo xariirtay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka dambeeyeen qaraxaasi islamarkaana ay dileen sida ay sheegeen ciidamo badan oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ku sugnaa Bangikaasi.

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Gaashaanle Bariijiye Bahuuko oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa uu isna sheegay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay kaga dhaawacmeen labo askari oo kaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

“Waxuu ahaa isku dey qarax oo la doonayay in loo geysto saldhigeena Cusub ee Ciidamadeenu ay ku leeyihiin Shangaani, waxaana uu ahaa mid maalmihii la soo dhaafay la qorsheynayay oo aan ka warheynay, qaraxaasina waxaa dhaawac yar yar uu ka soo gaaray labo askari oo inaga tirsan” sidaasi waxaa yiri Bahuuko oo Shabelle la hadlayay.

 

 

 

Markii uu qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo farabadan oo kuwa AMISOM ah iyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi mudo isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana bur bur uu ku yimid dhismihii uu qaraxu haleelay.

 

 

 

Sanadkii la soo dhaafay ee 2009-ka ayaa qaraxyo ismiidaamin ah oo nuucaani ah waxaa lala eegtay Fariisin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxaana qaraxyadii ugu qasaaraha badnaa ay ahaayeen kuwii ka dhacay Xarunta Xalane oo ah halka fariisinka ugu weyn ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this